Tacsi Xisbiga kulmiye : Alle ha u naxariistee Marxuum Col. Maxamed Cabdi Cali (Shiine)

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

 31 Oct. 2017

TACSI GUDDOOMIYE

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, Ciidammada Qaranka iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Col. Maxamed Cabdi Cali (Shiine) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 31/10/2017.

 

Marxuum Col. Maxamed Cabdi Cali (Shiine) waxa uu ka mid ahaa mujaahidiintii u soo halgamay waddanka, waxaannu kaalin wayn ku lahaa aasaaskii ciidanka Qaranka Somaliland oo uu ahaa saraakiisha sarsare ee dadaalka badan galiyey horumarinta ciidammada.

 

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso