Baarlamaanka dalka Ciraaq oo Dambi ka Dhigay calanka dalka Israel in lagu Qaato Dalka Gudihiisa


Baarlamaanka Ciraaq ayaa ansixiyay sharci qabyo ah oo ka dhigaya dambi in laga taago ama lagu dhex qaato Dalka gudihiisa.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay 166 xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada oo tiradooda guud dhan tahay 328.

Xildhibaan Hamid al-Khudari oo ka mid ah Xildhibaanada Kutlada Wadaniyiinta ayaa golaha Soo hor dhigay sharciga qabyada ah ka dib muwaadiniinta gobolka Kurdistan ay luleen korna u qaadeen Calanka Yuhuuda wakhtigii dabaaldega natiijada aftida ku saabsan ka go`itaanka Ciraaq inteeda kale.

Mar la Waydiiyey afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Heather Naort waxay tidhi “Tani waa arrin Daakhili ah (Ciraq),”.

Advertisement

Ku Xayeysiiso