Darawal Khaati Bilaahi ka Taagan Duufaano Wicitaan Telefoon oo si Maalinle ah ugu soo Dhacaya+ Dalbadayna Magdhaw sababtoo ah Markii  Loo Isticmaalay Telefankiisa Filim.


Darawal Gaadhi una dhashay Bangladesh ayaa gudbiyay cabasho ama dacwad ka dhan ah jilaa caan ah ka dib markii uu u isticmaalay telefoonkiisa mid ka mid ah filimaantiisa.

Darawalka ayaa sheegay in uu helayo Duufaano wicitaano ah oo uga imanaya haweenka Jecel jilaaga.

Waxa uu intaa ku daray in boqolaal telefoon ay ku soo dhacaan si maalinle ah tan iyo markii la sii daayay filimka bisha June.

Filimka ayaa laga daawanaya Jilaaga oo Saaxibadii Siinaya Numberka teleefonkiisa, kaas oo ah lambarka darawalkan.

Dareewalka ayaa sheegay in xaaskiisa ay ugu hanjabtay furitaan sababtoo ah tirada badan ee wicitaanada uu ka helayo haweenka.

“Tani waxay burburisay nolosheyda, sidaas darteed wuxuu dalbanayaa magdhaw dhan $ 60,000.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso