Arag sida ay ugu Aargudeen arday, shaqaale Jaamacadeed oo uu Dhirbaaxey Xildhibaan Baarlamaan.!!!

Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Masar oo ku xadgudbay  shaqaale ammaan Jaamacadda Fayoum kana dhirbaaxay wajiga kadib markii ay u diiday in ay gabadhiisu gasho xarunta sababtoo ah iyadoon hore ka soo qaadan kaadhka jaamacadda.

Ardayda ayaa sheegay in xildhibaanku uu ogaaday dhacdada ka dib markii ay gabadhiisu la soo xidhiidhay ka dibna uu jaamacadda yimid  isla markaana uu ku xadgudbay  shaqaale isaga oo ka dhirbaaxay  wajiga ardayda hortooda.

Isla markiiba ardaydu waxay  weerareen isaga iyo gaadhigiisa oo gebi ahaanba ay burburiyeen waxaanay duubeen dhacdada iyaga oo sawirana ka qaaday.

 Ardayda ayaa sidoo kale ku qaylinayay inay hesho  xaqeeda  shaqaalahu, halka uu xildhibaankii iyo gabadhiisa ay ka baxeen goobta iyagoo ka tegay gaadhigooda kaas oo ay jajabiyeen ardaydu.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso