Dr Xuseen Xoog Oo Qoraal uu na soo Gaadhsiiyey Ku Beeniyey Inuu Iska Casilay Xisbiga Waddani

Qoraal uu Goor dhawayd na soo gaadhsiiyey Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamed Loona Yaqaan Dr Xuseen Xoog haddana kama mid ah Xisbiga Wadani ayuu ku beeniyey Qoraal Warbaahinta qaarkeed ku soo Baxay oo sheegayay inuu iska casilay Xisbiga Wadani,Qoraalka uu na soo gaadhsiiyey ayaa u dhignaa Sidatan:-

ASCW,

Waxa isoo gaadhay war sheegaya in aan iska casilayo xisbiga aan ka tirsanahay ee Wadani. Meelaha laygu sheegay waxa ka mid ahaa Gaaroodi news, markaan  ka dabategayna waxan ku arkay warkaa in uu ku jiro gaaroodi news. In kastoo aan jeclaa inaan la xidhiidho gaaroodi news way ii suurto geli wayday ka dib markii aan ka waayay contactkooda bogagooda wararka.

Haddaba waxan ummadda u cadaynayaa In aanay arrintaa waxba jirin xisbigaygiina aan ahay, imikana waxan Dubay u joogaa hawl ii gaar ah oo dhakhso iigu dhammaanaysa haddii Eebbe idmo.

Eebaa Mahad leh,

Dr. Xuseen Muxumed Maxamed

Advertisement

Ku Xayeysiiso