Canada ayaa xayiraad ku soo rogtay 30 ka tirsan saraakiisha Ruushka iyaga oo sheegay in ay ku lug lahaayeen dilkii loo geystay qareenkii la dagaallanka musuqmaasuqa Sergei Magnetski oo xabsi ku jiray 2009-kii .
Wasaaradda arrimaha dibedda Canada ayaa sheegtay in tallaabooyinka ay ka mid yihiin in la hakiyo lacagta iyo in aanay soo booqan mas’uuliyiintani Canada .
Canada ayaa hore u soo rogtay sharci cusub oo xukuumadda siinaya in lagu bartilmaameedado dadka ku xadguduba xuquuqda aadanaha.
Warqabadka ToggaHerer