Boqol qof oo lagu dilay Qarax Gaadhi dhex galay Badhtamaha dad barokacayaal ah Deir al-Zour

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xaafado ka tirsan degaanka Suuriya ee Deir al-Zour ayaa waxa ku dhintay ilaa Boqol Ruux tobanaan kalena way ku dhaawacantay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SANA.

Wakaalada ayaa sheegtay in qof isa soo miidaamiyay oo gaadhi dharagaraysan wataa uu galay aagga xarunta ugu weyn ee loogu talagalay barokacayaasha waqooyi galbeed ee Deir al-Zour oo ku yaala agagaarka Koniku iyo Jafra habeenimadii axadda ka dibna markii uu dhex galay isqarxiyey.

Ciidamadda Siiriya ayaa Jimcihii shaaca ka qaaday in ay xoreeyeen iyaga oo gacan ka helaya ciidanka cirka ee Ruushka magaalada Deir al-Zour oo dhan iyaga oo ka qabsaday kooxda Daacish.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso