Taageeree Kooxda kubada Wydad Casablanca ayaa geeriyooday ka dib goolkii Champions League

Gool uu Dhalay Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Kooxda Wydad Casablanca Waleed Al-Karti ayna ku garaacday Goolka Al-Ahly ee Masar ayaa sababtay geerida taageere Dhalinayaro Reer Marooko ah ka dib Farxad Qaaday.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Morocco Teegeeraha Kooxda Wydad Casablanca ee geeriyooday ayaa la yidhaa Cumar Da`diisuna ahayd sida la sheegay 24 sano Jir.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wiilkan Taageera ahi uu miyir beelay ka dib kulanka oo martigeliyay Kooxda Wydad iyo Al-Ahly intii lagu guda jiray munaasabadda Goolkii Madiga ahaa ee kooxdiisu ku hubsatay Shabaqa xulka Masar ayaa loo qaaday cusbitaal u dhow garoonka halkaas oo neefsashadii u dambaysay ee Nolashiisa uu ku neefsaday isaga oo geeriyooday.

Wydad ayaa loo caleemo saaray African Champions League markii labaad ee taariikhda , ka dib markii ay garaacay Al-Ahli kulamada labada lugood oo ahaa labo gool iyo hal Gool.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso