Yaa ka danbeeyay Baaqii dhagaraysnaa ee Balfour? Magaca: Maxamed Ibrahim Saleban

Magaca: Maxamed Ibrahim Saleban

Tar:Nov 05,2017

 

Yaa ka danbeeyay Baaqii dhagaraysnaa ee Balfour?

Taageerayaashii iyo asaasayaashii waddanka yuhuuda.

 

Balfour Declaration,waxa uu ahaa baaqii loogu talagalay in waddan u gaar ah dadka yuhuuda ah(Jewish state) loogu sameeyo iyada oo lagu duulayo dad kale, kaas oo ay aasaastay Boqortooyadii ingiriisku.Waa Baaqa sababta u ah maalinta heshiiska golaha wasiirada ingiriisku meelmariyeen ilaa maanta in sidii la doono loo la dhaqmo dadka iyo dalka Falasddiin xuquuqdoodiina la inkiro.

November 2,2017 ayuu boqol jirsaday baaqani isaga oo uu weli ka shaqaynaya xoojinta dawladnimada dadka reer Israel is la mar ahaantaana waxa uu weli ku tumanayaa xaqa ay dadka reer Falasdiin u leeyihiin in ay dawlad yeeshaan.

Waxaad eegtaa war-murtiyeedkii ay soo saartay dawladda ingiriisku gaar ahaan xafiiska arimaha dibeda sanadkan ee ku saabsanaa baaqa Balfour, nuxurkiisuna yahay, in ay dawladda ingiriisku ay aad ugu faraxsan tahay u na han-weyn tahay dalka Israel.Waxa lagu xusay, in baaqaasi aanu ahayn mid loogu talagalay in raaligelin laga bixiyo ama cid wax lagu yeelo.

Arthur James Balfour, waxa uu ahaa xoghayihii arimaha dibeda ee boqortooyada midowday ee ingiriiska.Waxa uu ka soo jeeday qoys magac iyo Sharaf weyn ku leh dalka Ingiriiska. Arthur James, waa masuulkii gacantiisa ku qoray isla mar ahaantaana loogu magac daray heshiiska dulmiga iyo duudsiga bani aadamka baneeyay.Waa heshiiska seeska u dhigay in yuhuuda la dejiyo dhulka Falasddiin.

Waraaqdaa markii uu qorayay waxa uu ku hagaajiyay madaxii bulshada yuhuuda ee ku noola waddanka ingiriiska(Jewish Community Leader).

Lionel Walter Rothschild, waxa uu ahaa madaxii yuhuuda ingiriiska ku noolayd waana masuulkii lagu hagaajiyay warqaddii heshiiskii Balfour Declaration maadaama uu ahaa nin aad u saamayn badan.

Chaim Weizmann,waxa uu ahaa nin ruush ah oo aaminsan mabda’a Zionism oo ku saabsan in dadka yuhuuda ah ay dawlad yeeshaan iyo sarreyntooda dad ahaaneed.Weizmann, waxa uu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee dawladda Israel.Waxa uu ahaa nin saynisyahan ah oo xidhiidh adag la lahaa boqortooyadii ingiriiska.

Isaga oo ka faa’iidaysanaya arintaa,waxa uu bilaabay in uu olole xooggan oo heshiiskaa lagu meelmarinayo uu qaado, waanu ku guulaystay beerlaxowsigaa.

David Lloyd George, waxa uu ahaa Ra’isal wasaarihii xukuumadii isbahaysiga ahayd ee jirtay intii u dhaxaysay 1916 iyo 1922.

Lloyd George, xukuumadiisa ayaa soo saartay heshiiskii Balfour Declaration.Waxa uu magacaabay gole qaabilsan dagaalka gaar ahaan dagaalkii kowaad ee adduunka(WW1) iyo meelmarinta qorshihii Balfour ee Zionism-ka.

Mark Sykes,waxa uu ahaa xubin  firfircoon oo ka tirsan gudiddaa arimaha dagaalka ee uu magaabay raa’isal wasaarihii ingiriisku Mr Lloyd George.

Sykes, waxa uu qaabilsanaa isku xidhida siyaasiyiinta ingiriis iyo Zionists-ka.

Waxa u qayb weyn oo aan la qarin Karin ka qaatay ku qancintii boqortooyada ingiriiska ee baaqii Balfour iyo u ololayntii taageerada caalamiga gaar haan waddamadii isbahaysiga boqortooyada.

Herbert Samuel,waxa uu ahaa wasiirkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda yuhuuda ee ka mid noqda golihii wasiirada ingiriiska 1909-kii.Waxa uu ahaa masuul ilaa xad aaminsan Zionism-ka waana yuhuudigii ka danbeeyay in uu ingriiska u soo bandhigo in yuhuuda dawlad loo sameeyo(Jewish State) intii ka horeysay 1914.

Waxa uu wada shaqayn dhaw iyo wada tashiba la lahaa Chaim Weizmann oo ay ka wada hadli jireen, sidii yuhuud badan oo aaminsan Zionism-ku ay u soo geli lahaayeen xayndaabka talada ingiriiska lagu go’aamiyo.

Nahum Sokolow,waxa uu ahaa qoraa iyo dibloomaasi u dhashay dalka Poland.Waxa uu safaro ku kala bixiyay waddamo badan oo awood siyaasadeed iyo mid ciidan ba leh si uu ugu qanciyo in ay taageeraan baaqii Balfour.

Waxa uu la kulmay saraakiil meeqaam sare ku lahaa dalka Faransiiska bishii May 1917, waxaanu ku guulaystay in uu ku qanciyo in ay taageeraan in Falasdiin la hoos keeno maamulka dalka ingiirska.

La soco qoraalada danbe oo aynu ku eegi doono, waxa ay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysaa  iyo waddamada qaar ay ku yidhaahdeen arinta Falasdiin iyo Israel….

 

Pro_maxamed@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso