Haweeney 70-jir ah ayaa lagu xukumay xabsi daa’im,maxkamad ku taala Japan ayaa ku heshay in ay dishay saddex ka mid ah raggeeda oo iskuna dayday in ay disho mid afraad.
Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa sheegey in Ms. Kakihi ay khiyaamaysay raggan ayna sumaysay Qadiyadan ayaa qabsatay Dadweynaha Japan.
Ms. Kakhei ayaa qiratay in ay dishay Ninkeedii u dambeeyey Waxayna dhaxal uga heshay in ka badan $90 milyan oo dollar nimankan.
Kakihi waxaa looga yaqaanaa Japan Carmal-sha madaw iyada oo diiday inay dishay Ragan.
Laakiin inta lagu jiro maxkamadeynta waxay qirtay dilka ninkeedii ugu danbeeyay, Qareenkeeda ayaa sheegaya inay rafcaan ka qaadanayaan xukunka.
Warqabadka ToggaHerer