Noovember 17, 2017
Haddaan is qabyaaladeyno Haddii aan kala qaloono
Haddeynu is wada qaniino Haddii la is wada qilaafo
Shalay nolo qiimo dhaanta Haddeynu qorsheysan weyno
Haddan qabyadeena baahsan dharaar qudha eegi weyno
miyey qaranimo tisqaadimiyey noloshu qiimo yeelan
Miyuu dadku qiri libteena
Codkii Sahra Halgan, weedhihii Abwaan Weedhsame
“ Baasaaboorkeygii mee, caruur iyo reer midna dalka igama joogee” ayaa noqon doona weedha uu qurbojoogu ku hadaaqi doono marka dhib iyo dhaawac yimaado. Xabaal iyo ninkeed loo kala tag ayaa noqon doonta maahmaahda hageysa bulshada. Dadka dhibtaa iyo dhaawacaasi uu saameyn taban ku yeelan doonaa waa qolqoljooga oo in badanoo noloshooda ka mid ah u babac dhigay dhibaatooyinkii dalku ka soo gudbey.
Dalalka aduunka ayaa had iyo jeer guul ama guuldaro ku muta kolba sida dadka u dhashey ee daneeya ay ugu hawlgalaan horumarkooga iyo hantaaqadooda. Waa laba arimood oo kolba ka ay bulshadu doorato uu noqonaya midhaha ay gurtaan dadkaasi, dalkaasina tilmaan ku yeesho. Guushu dalna lamay dhalan, guudaraduna iskama timaado. Bulshada dalka Soomaaliland waxay u qaybsan tahay saddex qaybood oo midba leeyahay kaalintiisa.
Koox waa kuwii soo halgamey,garanaya waxay Somaliland ula soo noqotay xornimadoodii ay u boqno gooyeen midnimadii qoomiyada Soomaaliyeed. Saddexdaa kooxood ayaa mid waliba waxaa damqaya ujeedada uu u heelan yahay. Waxaase maanka suubani ogyahay inay ujeedadoodu kala duwan tahay. Qaar ka mid ahina ay dan gaar ahaaneed uun u heelan yihiin, shicibkuna noqdeen hubkii ujeedooyinkaa kala duwan lagu gaadhi lahaa. Waxaa la gudboon bulshada rayidka ah ee reer soomaaliland inay aad uga feejignaadaan noqoshada salaam la adeegsado oo meel sare lagu koro, Haddaba saddexdani aan eegno siday uga falceliyeen ujeedada hankooga iyo himiladooda ka dib doorashada xaraga leh eek a dhacdey dalka Jamhuuriyada Soomaaliland oo aad indhaha aduunka u soo jiidatey. Wali laguma dhawaqqin go’aankii kama danbeysta ahaa ee doorshada ka soo baxey, hase yeeshee waxaa dhagaha dadka soo gaadhaya tirade codadka ay kala hagyaaan xisbiyada tartanka ku jiray.
- Kooxihii naf iyo maalba u huray dalka iyo dadka: Kooxdani waa indheer garad had iyo jeer u heelan ah nabad iyo horumarka dalka. Xil uma muuqdo ee dalku inuu horumaro, bulshadu badhaadho ayey siiyaan mudnaanta. Dadkaa waxaa ka mid ah mudane xasan Guure. Mudanahan oo ka hadlaya xaalada dalka olihii, doorashadii iyo rabashadaha yaryar ee dhacey ka dib wuxuu yidhi: “Maamulkeena lama amaano,maxkamadaheena lama amaao,xuquuqda bani’aadamkeena lama amaano,maaliyadeena lama amaao,
Waxaa kaliya ee aad la inoogu amaanaa waa sida aynu kursiga ula kala wareegno ee nabadgalyada ah ee dimuqraadiga ah, waana waxa dalaku ku dhismaan. Markaa ummada Soomaaliland waxaan ku hanbalyeynayaa sida fiican ee ay u codeeyaan ee xorta ah een turxaanta laheyn, waxaan intaa ku darayaa xisbiyada oo aad moodo inay wali kaambeynkii(ololihii) ku jiraan , kaambeynkii wuu dhamaadey xisbi mucaarid ahi ma jiro, xisbi muxaafid ahi ma jiro, dhamaantiin waxaadwada tihiin murashaxiiniminka , hadalkiinii wuu dhamaadey waxaan idinka codsaneynaa ineydaan saaxada iyo saxaafada midna hadal danbe ku soo celin inta natiijada la soo sheegayo aar Illaahey baan idinku dhaarinee afkiina naga haysta” . Waxaa isna isla goobtaa ka Hadley rag ka mid ahaa kooxdan oo ay ka mid yihiin mudanayaasha Maxamed Xaashi Cilmi iyo Cabdisalaan Yaasiin iwm…
- Kooxda labaad waa qurbojoog aan dalka iyo dadku waxay soo mareen la soo mudan. Hase yeeshee ay u suurtogashey inay markuu dala iyo dadku liibaaneen la jaanqaadey, kana helay fursado aaney dadkii soo rafaadey ee u dhabar-adeygay dhibtii soo gaadhey aan wadaagin. In dheefta la wada wadaago, wanaagu markuu jirana la wada wanaagsanaado waa arin caadi ah oo ka mid ah hab-dhaqanka nolosha aadamaha.
Kooxdani waxay hareer marsan yihiin in wanaaga ay dadka iyo dalku gaadhey wax ku yihiin, aaneyna wax ku aheyn baasaboorada iyo dalka ajnabiga ah ee ay degan yihiin. Mid waliba silica ka jira dalalka ajnabiga ah ee ay degan yihiin oo ay ka soo bxi waayeen ayaa keentay inay dal nabad ah iyo dad wanaagsan ka helaan soo dhaweyn xad-dhaaf ah. Caruurtooda iyo reerahoogu ma joogaan dalka, markey dhibi dhacdana wax khasaare oo soo gaadhayaa ma jiro. Waxaa kaliya ee ay u baahan yihiin inay baasaboorka shandada ku jira ka soo saaraan iyo tigidhka diyaarada si ay reerahoodii iyo caruurtoodii ula qaybsadaan nolosha qurbaha. Marna ma siwaydiinayaan bay kula tahay akhristoow dhibta iyo khasaaraha ku imanaya dadka iyo dalka Jamhuuriyada Soomaaliland.
- Kooxda saddexaad waa dhalinyaro aan la garaadsan halgankii iyo dhibtii dalkan loo soo marey. Waxaa inta badan maankooga ku adag inuu garawsado waxaa Jamhuuriyada Soomaalialnd dib ula soo noqotay Ma hayaan taariikhdii Juun 26dii, 1960kiiiyo May 18kii, 1991kii siday ku yimaadeen, sida loo boqno gooyey, iy halgankii dheeraa ee loo soo marey si ay Ingiriis dalka uga kiciyaan bulshadii reer Soomaaliland ee xilligaa jirtay. Sidoo waxaa dhalinyaran madmadow badani kaga jiraa jiritaanka Soomaaliland. Mar doorashada ka dhacda Dalka Soomaaliya ee Farmaajo ayey u mashxaradaan, mar Xamar bay u hanqal taagaan, mar Soomaaliland bay ka mid yihiin oo ay ka rabaan dheef iyo dhuuni. Si ahaan waa la gabay oo lalama wadaagin taariikhda dalka Jamhuuriyada Soomaaliland.
Dhayalsiga ka yimid sooyaal la wadaagid la’aanta ayaa raad weyn ku leh falgaladooda kala duwan. Siyaasiyiinta ka jra Jamhuuriyada Soomalaialnd ina dhalinyarada kala jiitaan oo kala qololeeyaan, marna durbaan qaloocan u garaacaan mooyee marna la isma odhan maxaan u qaban karnaa. Waxaa dhalinyaradan gabay waayeelka, aqoonyahanka, halgamaagii, iyo inta u mudan bulshaa ee dhex joogta ama dusha ka eegaysa.
Dhalinyaradani waa mustaqbalkii dalka; waa aayihii beritoole ee dalka; waa hormoodkii ummada ee timaadada; waa indhihii iyo ubaxii dalka Jamhuriyada Soomaaliland. Dhalinyaradani waxay mudan yihiin inay lagu kobciyo markey Sanaag biyo la’aani ka jirto inay dhamaan wada dareemaan oo damqadaan, marka colaadi ka jiro Burco inay u wada hawlgalaan daminta colaada iyo nabad abuurida, marka meel ka mid ah dalka Soomaaliland ama qof ka mid ah bulshada reer Soomaaliland wax tirsanayo in la wada garab istaago. Kuma haboona dhalinyaran in loo adeegsado xurgufta siyaasadeed; kuma haboona dhalinyaradni in loo adeegsado mudaharaado iyo duminta dalka; kuma haboona dhalinyaradani in booliska dalku xabaddo ku furo; inay dilkooga iyo waxyeeladooda laga shaqeyo maaha; …. Ilaahow iyagana u fudeydi inay gartaan waxay yihiin iyo waxay doonayaan inay noqdaan ee togan…
Waxaan qoraalkan gaaban ee talo iyo tusaale u ah dal iyo dad aanu u damqanayno, guushoodana aannu ku doogsanayno, guuldaradoodana ay na dhibeyso odhaahdii u maanta la wadaagey bulshada reer Soomaaliland madaxweynaha talada dalka haya iminka ee mudane Axmed Maxamed “Duco-qabayaal, waxaad ka dhigan-tihiin, Geed Dhagax lagu tuurayo, oo isaguna midho u soo daadinaya Qofkii Shiiday. Waxaan Shacbiga Somaliland u cadaynayaa, in aan loo dul-qaadan doonin, cid kasta oo isku dayda, in ay abuurto fidno iyo fad-qalallo, isla markaana, khal-khal gelisa amniga iyo deganaanshaha Dalka. Waxaan leeyahay shacbiga, is dejiya oo ha wel-welina, kalsoonina qaba, dhinaca kalena, ilaaliya nabadgelyada iyo xasilloonida.
Waxa reebban, in Xisbi gaar ahi ku dhawaaqo inuu guulaystay, ka hor inta aan Guddida Doorashooyinku ku dhawaaqin natiijada doorashada. Waxa reebban, in taageerayaasha Xisbiyadu sameeyaan debaal-degyo iyo mudaharaado toonna, ka hor inta aan Guddida Doorashooyinku ku dhawaaqin natiijada doorashada. Waxaan farayaa Hay’adaha Amniga, in ay daba-gal buuxa ku sameeyaan, dadka ku hawlan dibin-daabyada dalka iyo abuurista colaad sokeeye, waxaana waajib ah, in la horkeeno garsoor iyo cadaalad madax-bannaan.
Waxaan ugu baaqayaa, musharixiinta iyo madaxda Xisbiyada Qaranka, in ay xakameeyaan cadhada iyo caadifadda taageerayaashooda. Dhinaca kale, waxa waajib ku ah, in ay taageerayaashooda ka ab-hiyaan bannaan-baxyada iyo rabshadaha. Mar kale, waxaan ugu baaqayaa Xisbiyada qaranka in ay cabashadooda u maraan dariiq sharci, isla markaana u hoggaansamaan anshaxa iyo awaamiirta ay soo saaraan Guddida Doorashooyinka Qaranku. Waxaan leeyahay musharixiinta tartamaysa, ha filanina in aad guulaysataan qudha. Hasa-yeeshee, waa in aad filataan, oo cindigiina gelisaan, guul iyo guul darro”.
Tusan,
Fu’aad Sheekh
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.comiyo www.farshaxan.org