Marka hore waxaan si kal iyo laaba u salaamaya dhaaman umada somaliland meelkastoo ay joogto gudo iyo debedba intaa dabadeed waxaan rabaa inaan inayar ka idhaado xaladihii u danbeeyay ee dalka .
sidan lawada socono waxaa dalka jamuuriyada soamlialnd ka dhacay doorosho inbadna lasugayay waxaa bilaamay ololihii doorashada oo xisbi waliba si xaragaleh u soo ban dhigay dadkuna aanay wax dhibi ka dhex jirin qofkastana xisbiguu doono u soo baxayay una olalaynayay .
markii hadab loo dareeray doorashadii qofkastaba waxaa uu codkiisa siiyay xisbigii uu doonayay sinabad iyo xadaradi ku dheehantahay ayay u dhacday doorashadii deerana deero ma hirdiyin .
goob joogayashii calamiga ahaa na silayabaleh ayay u cadeeyen inay doorashadu u dhacday si waa faqsan nidaamka doorashoojinka calamig ah mana dhici karayn wax la yidhaahdo ku shubasho maxaa yeelay qofkastaba waxa uu haystay kaadhkisii codaynta.
Hadaba dadka somalialnd waxay u dhegtaagayeen goorta lagu dhawaaqayo natiijada ugu danbaysa oo aan ilaa hada lagu dhawaaqin .
inkastoo xisbi kastaba ogyahay natiijad auu helay hadan waxaa qaylo bilabay xisbiga wadani oo sheegay in waraaqo beena lagu guray sanaaduqda
balse waxaa arintaa beeniyay gudida doorashada oo sheegay inaan waxba kajirin hadlak wadnai , iyagoo shegay inay dhagaysanayan cabasahda xisbiga wadani.
dadka somaliland waxay is waydiinayan hadalka wadani ma garba misee gardaro aniga siday ilatahay waa gardaro maxayeelay maba ahayn wax dhici karayay takale miyaanay ayaan daro ahayn inaad umad codaysay oo xisbi u codaysay aad ku sheegto inay codkii ku shubteen reer gabiley waxay taageersanayeen kulmiye isagnay u codeeyeen maxaa yeelay waa deegankii uu kasoo jeeday muuse biixi cabdi waxay taasi lamitahay codka ood wayne oo ladhaho waa cod bena ilayn wadani bay u codeeyeene.
guntii iyo gab gabadii waa in xisbiga wadani uu u hogaansama natiijada codbixinta ee lagu dahwaqi doono inshala
by ibraahin aden