Kooxda Labayk Yaa Rasuululaah ayaa ku khasbay In wasiirka cadaaladda ee Pakistan Is-Casilo!!!

Warbaahinta Pakistan ayaa werisay Isniinta Maanta in wasiirka caddaaladda ee dalkaasi uu is-casilay, isagoo xusay in dalabka ugu weyn ee dibad-baxayaasha dhaq-dhaqaaqa “Labek yaa Rasuullaah”, uu yahay inuu iscasilo, Mudaharaadyaasha ayaa xidhay Halka laga soo galo caasimadda Islamabad muddo saddex toddobaad .

Telefishanka dawladda ayaa ku dhawaaqay in wasiirku u gudbiyey is casilay ra’iisal wasaare Shahid Abbasi Khaqan si uu dalka uga baxo dhibaatada.

Hogaamiyaha Kooxdda  “Labek yaa Rasuululaah”

 

Hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa “Labek yaa Rasuululaah” oo ah hogaamiyaha Islaamiga ah ee Isbaheysiga Islaamka ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in uu dhamaaday dibadbaxi isaga oo ku nuuxnuuxsaday in dalbayadoodii falin doono.

Dhibaatada ka bilaabantay Pakistan ayaa ka dambeysay kadib markii wasiirka caddaaladda uu soo jeediyay in la bedelo dhaarta dalka, waxana ay si weyn uga cadhoodeen in qaaciddada ama siiqada dhaarta wax laga bedelo inkastoo ay dib uga laabteen.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso