Wasiir Yuhuudi ah oo Is-Casilay Ka dib Markii la Shaqeeyeey Maalin Sabti ah!!!!

Wasiir Israel ah Xag Jirna ah ayaa iska Casilay Xilkii Xukuumada isbahaysiga ee uu hogaamiyo Benjamin Netanyahu ka dib khilaaf dhinaca tareenka lana xidhiidha inuu shaqeeyo maalinta Sabtida maalintaas oo ah fasax Yuhuudda.

Afhayeen u hadlay wasiirka caafimaadka ee Israel Yakov Letzman oo ah hogaamiyaha xisbiga Tullow Judaism ayaa sheegay inkastoo uu is casilay wasiirka wasaarada ee xisbiga xagjirka ah se Xisbigu uu ku sii jiri doona isbahaysiga xukunka ee Netanyahu marxaladdaan, taasoo u ogolaatay Netanyahu inuu sii haysto aqlabiyad yar.

“Waxaan iska casilay xilkaygii dawladda ee wasaarada caafimaadka, go’aanka ayaa yimid kadib markii shirkada tareenka ay shaqasay maalin sabti ah”, Litzman ayaa ku yidhi warqada istiqaalad ah oo ay heshay AFP.

Wuxuu intaa ku daray “Ma aqbali karo mas’uuliyadda wasaarada ee dhaawaca culus ku ah mid ka mid ah qiimaha daa’imka ah ee dadka Yuhuudda ah, taas oo ah sabtida.”

Litzman ayaa sii haysan doona kursigiisa baarlamaanka Israel.

Israel Railways ayaa sheegaysa in shaqooyinka maalinta Sabtida ah u wadaan si ay uga fogaadaan dhibka rakaabka, maadaama aysan tareenadu shaqaynayn.

Xisbiyada Xagjirka ah ayaa dalbanaya in la dabaqo sharciga diinta Yuhuudda gaar ahaan Maalinta sabtida.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso