DAWLADA SOMALILAND WAXAY KA KASBATAY SHACABKA SOOMAALIYEED KALSOONI BUUXDA RAJADIINA WAY SOO CELISAY.

Dagaalada sokeeye ee dalka soomaaliyeed ka dhacay iyo burburkii dawlada dhexe ee soomaaliyeed 1991 dii,waxay keentay dhibaato dhan walba leh.Haday noqon lahayd dhan dhaqaale,dhan nabd galyo,dhan hormar,dhan sumcad iyo magacii soomaaliyeed,dhan diineed iyo dhan wadaniyadeedba mid baabaday oo heerkii uugu hooseeyay gaartay.Aduunyada way ka dhacdaa dagaalo sokeeye iyo dawladoo burburta oo lagu kala tago,oo dunida waa la qabnaa dhibkaas.

 

Waxaase aan calamaka uuga duwanahay dhib wuubu dhacaye maxaa xal ah? sidee loo soo celiyaa nidaamkii iyo kala danbayn tii dawladnimo?Soomaalidu halka ay ku fashilantay waa halkan.Caalamkii oo dhan ayaa isugu tagay shirar aad u tiro badan ayaa loo qabtay,malaayiin dollar ayaa lagu bixiyay bal inay tashadaan oo wax dhistaan.Waxaas oo dhan wax naflihi kama soo bixin oo taabo galay.dadku waxay ka tageen karaamadii iyo dadnimadii waxay noqdeen wax is xalin karin oo iska daba wareegaya uun.

 

Waxaa lumay oo dhintay sharafkii soomaaliya ku lahayd aduunyada oo dhan.kama sheekayn karo heerka garasho ee maamul ee koonfurtu khaasatan kusugantahay oo ah wax qofkastoo bani aadam ahi layaaban yahay in duul noocaan ahi caalamkaba ku nool yahay. waxaan mudo dheer soo bi dhaamaayay nidaamka iyo kala danbaynta ka jirta soomaliland,oo aakhirkiina hada u xuub siibatay heer cid waliba ay qirayso oo aan la inkiri karayn hormarka nidaamka dawliga ah ee ay gaareen.waxay samaysteen xisbiyo waxay u daree reen doorasho qof iyo cod ah waxay ku loolameen si nabad ah waxay ku kala adkaadeen si laysku wada raacay oo lagu kala guulaystay.

 

Waxaa halmar dunidii oo dhan reer galbeed iyo carab oo dhan iyo afrikaba layaabeen in dad soomaaliyeed sidan samay karaan! waayo waxaa la ogaa soomaali aan garanayn macnaha dawladnimo leedahay,macnaha dal leeyahay,macnaha dadlee yahay,taasoo ku kooban dad aan garanayn waxa nololi ay tahay. waxaa layiri war bal inaga hubiya dadku inay yihiin soomaali,hadii lay hubyay waa hubanti waa soomaali.Halkaa waxay soomaaliland ku soo celisay magicii dhintay ee soomaaliya aduun yadu ka fahantay mudo sodon sanadood ah.

 

Shacabka soomaaliyeed ee gobolwalba iyo dagma walba ku nooli waxay qirayaan in soomaaliland lagu aamini karo dalkaan soomaaliya nabad iyo kala danbayn kusoo dabaalidiisa.waxaa la ogaaday in ay soo celinkaraan waxa soomaali halkaa dhigay ee kama qan oo ah dawladnimo.waa dad dagan oo ka xoroobay dagaal iyo badawnimo una gudbay xoriyad iyo kala danbayn dawladnimo.

 

Waxaa maanta shacabka soomaaliyeed u heelan yahay in dalka soomaaliya inta fayoow ee miyirka qabtaa badbaadiso oo talada qabato.qarankii soomaaliyeed in la caymiyo waa waajib.waxaa soomaaliya iyo soomaaliland ay labaduba ku faraxsan yihiin in maanta uu xukunkii qabtay Madaxwayne Muuse Biixi oo ah nin leh waxaynu soomaaliyeey waligeenba u baahnayn ee aynu hore u waynay oo ah nin go aan leh.Muuse waa nin illaahay inoo soo saaray oo qaranka bad baado u ah.somaliland waa dal nabad ah oo dawladi ku shaqayn karto si nabad galyo ah aduunka kula xisaabtami karto.

 

Soomaalidu intooda badani way arkaan wanaaga in yar oo qabiil iyo hunguri wadana maha xiligii ay majraha inoo hayn lahaayeen,dalku waa in uu helaa dawladnimo raganimaa la rabaa iyo rag ka saara dalka dhibka.maha reer hebal baa caroon iyo reer hebal fikirkaa ma raacayaan,maanta waa in laysu taliyaa oo dalka la caymiyaa.wadaniyiinta soomaaliyeed ma dhagaystaan fikirada iyo hadalada doqonta iyo iimaan laawaha iyo dibu socodka iyo kuwa guumaystaha u adeega midna.

 

Waxaan qabaa in somaliland dalka caymiso oo baadi goobto soomaali oo meel isugu keento nin ka hor imaan karaana majiro.waxaan leeyahay soomaali baynu wada nahay aan tashano dalkana ka gaaro go aan adag.soomaaliya halka ay taalo waa in laga qaadaa maha caqli iyo dadnimo fikirka gaaban ee dadkeenii lagu halaagay ee oranayaa kaasi waa reer baydhabo,kaasina waa reer boosaaso,kasina waa reer mogdisho,kaasina waa reer kismanyo waxaa wax xikmad ahi kuma jirto dalku xalbuu rabaa iyo rag ka qaada meesha uu yaal,waxaana laga rabaa ragii awalba ka qaaday.

 

Waxaan si kal iyo laab ah uugu faraxsanay walaalahay soomaaliland guusha ay gaareen sanadkaan 2017.waxayna daweeyeen dad badan oo wajiga hoos u foorarinaayay oo dunidu quursanaysay oo ay tuseen in soomaali gobtahay.kama dhicin afrika iyo carab oo dhan waxaa walaalahay manta tuseen caalamka dhab ahaan.nin ragihi waa garanayaa doqonse waa moog.anigu sinjiba uma lihi in aan libin nin gaaray ka xaasido iskadaa walaalkay ee ila ah soomaali.maanta carab iyo afrika iyo reer yurub nin la hadli kara ayaan ahay oo hor fariisan kara laakiin shalay maxaan ku hadlaa maana ku dhacay in aan horfariisto dad!!?

 

Xikmadaa ah war waa is xalin karaaye bal inta fariisano dib isu saxno oo waxa iska waydiino dib usoo celinta dawlad soomaaliyeed oo shaqaysa ileen dawladnimo maha mogisho oo ciidamo shisheeye kala ilaaliyaan dawlada iyo shacabka! oo kukala dhex jiraan kadibna markii 4 sanadood ee lasiiyay dhamaato hadana la keeno kukale oo dadwaynihiisa laga ilaaliyo uu madaxda u yahay,deedna sheekadu iska ahaato uun alfuleel wa leeyl.xalmaha xasan ku badal farmaajo kadibna farmaajo ku badal sharmarke kadibna sharmaarke ku badal shariif kadibna shariif ku badal xadiyo…………hasocoto.

 

war waxaan lama aqbali karo soomaaliyeey dawladnimaa la rabaa ee raga aqoonta u leh ee aan uwada jeednoow waxkaqabta dalka kalsooni waad haysataane.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso