EUCAP Somalia waxay Muqdisho ku qaban qaabisay Siminaar ku saabsan Sharciga Arrimaha Badda

 

 

EUCAP Somalia waxay Muqdisho ugu qaban qaabisay shaqaale ka tirsan Xafiiska Xeer Ilaaliya Guud ee Soomaaliya Siminaar ku saabsan Sharciga Arrimaha Badda 27.da ilaa 29.ka Bisha Nofember. Siminaarkan waa kii sideedaad ee ku saabsan Sharciga Arrimaha Badda ee uu Hawlgalku qaban qaabiyey, waana kii lixaad ee sanadka 2017 inta lagu jiro.

 

Toban shaqaale, oo aay ka mid ahaayeen 3 dumar ah, ayaa ka qayb galay siminaarka, waxay aadna ula shaqeeyeen qubarada sharciga ee EU oo casharada bixinayay.

 

Mawducyada lagu qaatay tababarka waxaa ka mid ahaa: Sharciga Fal-dambiyedyada arrimaha badda ee Soomaaliya, diyaarinta dacwoyinka fal-dambiyeedyada, maaraynta dacwooyinka fal-dambiyeedyada ka dhanka ah dumarka. Leyli ku saabsan diyaarinta dacwoyinka ka dhanka ah dhacdooyinka la xiriira arrimaha baddaha iyo sido kale barashada wareysiyada lala yeesho dhibanayaasha ayaa ka mid ahaa casharada siminarka sadaxda maalin soconayay.

Casharka ku saabsan maaraynta dhacdoyinka xad gudubyada ka dhanka ah dumarka waxaa diirada lagu saaray habka ahmiyada saaraya dhibanaha, ayadoo hadafku ahaa sare u qaadista awoodda xeer ilaaliyaasha si aay u maareeyaan, ugana fal celiyaan dhacdoyinka ku saabsan xad gudubyada ka dhanka ah dumarka iyo gabdhahaba.

Faahfaahin ku saabsan EUCAP Somalia      

EUCAP Somalia waa Hawlgal rayid ah ee Midowga Yurub, wuxuna hoos yimadaa Xafiiska Siyaasada Difaaca iyo Amniga Guud, wuxuna Hawlgalku ka caawiyaa Soomaaliya xoojinta awoodaheeda si loo xaqiijiyo ammaanka badaha.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso