Hindiya oo Sideed dameer Lagu Xidhay Sababo La Xidhiidha Fowdo!!!

Mas’uuliyiinta Hindiya ayaa xabsiga u taxaabay siddeed dameer muddo afar maalmood ah ka dib markii ay sababeen dhaawacyo dhowr carruur ah iyo burburinta dhirta magaalada, sidaana waxa sheegay saxaafadda India.

Mas’uuliyiinta gobolka Uttar Pradesh ee ku yaal waqooyiga dalka, ayaa sheegay in dameeraha ay waxyeeleeyeen dhirta beer muddo ka badan hal bil waxayna weerareen caruur ku ciyaaraysay.

Dameerahan ayaa la sii daayay ka dib markii mulkiilayaashoodu yimaadeen ayna ku dhaarteen in aysan ka tagin mustaqbalka indhahoodana ay ku hayaan, Hindustan Times ayaa werisay.

Mid ka mid ah shaqaalaha xabsiyada ayaa sheegay in dameeraha ay burburiyeen mid ka mid ah jardiinooyinka gebi ahaanba. “Waxaanu la xidhiidhanay milkiilayaasha, laakiin waxay ku adkaysanayeen in dameeraha aysan lahayn iyagu.”

Sida laga soo xigtay saraakiisha xabsiyada, dameerada ayaa si fiican loola dhaqmey xabsiga, halkaas oo lagu quudin jiray laba jeer maalintii kahor intaan la sii deyn.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso