5 ARRIMOOD OO U BAAHAN INAYNU SAMAYSANO SI AY NOLOSHEENU U WANAAGSANAATO. W/Q KADIM ALI

Maqaalka qormadan waxaynu ku soo qaadan doonaa “5 arrimood oo u baahan inaynu samaysano si ay nolosheenu u wanaagsanaato”. Arrimahani waxay saamayn balaadhan ku leeyihiin hawlaha kala duwan ee aynu qabanayno xilli kasta. Waxaanay u baahan yihiin qorshayn , diyaarin, cusboonaysiin iyo ka warhayn joogto ah.
Samayso qoraal aad ku qorayso ahdaaftaada kala duwan. Qodobkani waxa uu cadaynayaa in aad u baahan tahay inaad samaysato ahdaaf kala duwan , kuna qor ahdaafan meel aad markasta ka daalacan karto sida mobilekaaga ama u samee buug u gaar ah.

Samayso qoraal ama liis aad ku qorayso waxa aad doonayso inaad qabato toddobaadkan. Liiskani waa ka lagu gaadhayo ahdaaftii aad hore u diyaarsatay sida ku cad qodobka kowaad. Bal ila eega tusaale ina tusaya sida liiska qodobka kowaad iyo labaad loo samaynayo:
Liis Hadaf sida loo qorayo :
=Waa in aan Akhriyo 8 buug afar bilood gudahood oo buug kasta yahay 200-210 xaashiyood.
( qodobka 1aad tusaale)
Liis todobbadle sida loo qorayso:
Waa inaan akhriyo Toddobaad kasta 105 bog . Qorista liiskan ka dib is weydii suaa’shan: maalinkasta oo isla todobbad kaas ah imisa bog ayaan u baahan ahay inaan akhriyo si aan u gaadho qorshahii todobaadkan ee ahaa(105 bog akhri).
(Qodobka 2aad tusaale) .
Qodobka kowaad waxa ka farcamaya qodobka labaad , qodobka 2aad isagana waxa ka sii farcamaya maalmihii toddobaadka oo iyaguna u baahan qorshayn. Labadaas qodob ee kowaad iyo labaad waxa ku cad su’aal ah Maxaan qabtaa? Laakiinse kuma cada su’aashani Sidee ayaan u qabtaa? Jawaabta su’aashani waa mid inaga la inooga baahan yahay inaynu qorshayno sidii aynu ku gaadhi lahayn.

Samayso qoraal aad ku ururinaysid dadka aad taqaano iyo meelaha lagaga xidhiidhayo sida mobile ama Facebook IWM. Inaad samaysato liis noocan oo kale waxa ay ka caawinaysaa inaad si fudud u heli kartid qofka aad u baahan tahay xilligaad u baahan tahay. Tusaale ahaan liiskan waxa ku jira doona dad hawlaha kala duwan iyo caqabadaha kaa hor iman kara u noqon kara xal , hadday tahay hawl fududayn , arrimo la xidhiidha ganacsigaaga ama ka caawin kara inaad ganacsi abuurto , la talin, ra’yi bixin, caawimo lacag iyo naf ah, IWM.

Samayso qoraal ama liis aad ku qorayso arrimaha aad doonayso inaad horumariso ee ku saabsan naftaada. Horumarinta nafaheena waa arrin muhiim ah waxaana laga horumarin karaa qofka saddex meelood oo kala ah maskaxda , jidhka iyo ruuxda. Sidaa darteed mid kasta oo saddexdan ah u samee qoraal aad ku sheegayso waxa mid kasta aad ku horumarin doonto. Tusaale ahaan is weydii su’aalahan :
Maskaxdayda ,jidhkayga iyo ruuxdayda maxay u baahan tahay midkasta si ay u sii wanaagsanaato? Dabadeeto hab qoraal ah ama liis ah u qor midkastaa waxa uu u baahan yahay , intaa ka dibna diyaari qorshihii lagu gaadhi lahaa.

Liis xaalado ay suuratagal tahay inay dhacaan. Qoraalkan waxa ku haboon xaalado kasta oo carqalad ku ah hiigsigeena ku saabsan nolosheena adduun iyo aakhiroba, waxaana ka mid noqon kara liiskan :
(Todoba arrimood ee u horeeyaa waa XADIIS rasuulka ﷺ ka sugnaaday :TARMIDI 2306 )
Geeri kado ah oo tawbad aanad haleelin .
Xanuun noocyadiisa kala duwan.
Faqri ku seejiya aakhiro oo kugu mashquuliya raadinta cunno , dhar,hoy aad seexato ,IWM ,
Hodantinimo kugu abuurta kibir , isla-weyni , xadgudub iyo adduun korodhsi.
Gabaw ku fadhiisiya oo kaa dhiga mid aan waxba qabsan karayn , dadka ku tiirsan oo aan isku-filnaan karayn.
Dajaal Cawr oo aad noqoto ka soo gaadha, waayo waa wax la soo gaadho addunkan ta ugu xun sida ka sugnaatay rasuulkeena. ﷺ
Qiyaamaha oo ina soo gaadha inaga oo aan la iman camal aynu rajaynayno inuu inaga yeelo dadkeeda ka gaabinay.
Inaynu xabsi galno, dhimashada qof aynu jecel nahay iyo qaar kale.
Qodobkani waa mid aynu dhiirigalin ka dhigan karno si aynu hiigsigeeni u gaadhno inta aanay arrimahani ina haleelin.

Ugu dambayntii maqaalkan waxaynu ku soo qaadanay qoraalo ama liisas ay muhiim tahay in la samaysto si aynu u gaadhno horumar la qiyaasi karo. Markaynu saamaysano qoraaladan ka dib waxaynu dareemi doonaa nolosheena oo noqotay mid habaysan oo meel ay u socoto leh insha ALLAH.

Kalmada liis = waa list luuqada ingiriisiga.
Waxaan ka soo qaatay maqaalkan:
(10 lists to keep if you want to be succesful)
DJORDJE TODOROVIC.
F.G .MAQAALKAN OO SAWIR TUSAALE AH WATA KA DAALACO DEGELKA HOOS KU XUSAN.
Kala socda maqaalkan & maqaalo kaleba labada toddobaad ee u horeeya bil kasta Website-yada ku baxa afka- Soomaaliga kana daalaco maqaaladii hore degelkan:
https://medium.com/@Kadim

Advertisement

Ku Xayeysiiso