Gudaha Ka Eeg :Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Oo Loo Dallacsiiyay Darajada Sarreeye Gaas

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan dallacsiiyay, Taliyaha oo hore u ahaa sarreeye guuto ayaa haatan laga dhigay Darajada Sarreeye Gaas.

Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan oo Muddo soo hoggaaminayay ciidamada booliska Somaliland.
Muddada uu hayay hoggaanka Pooliska Ayaan laga dareemin dhalliilo shaqo iyo cabasho dhanka ciidanka ah Iyo Haday Noqto Dhinaca Dadwaynahaba .

Taliye Fadal Ayeey Ciidamadu Ku Tilmaamaan In Uu Yahay Taliyihii Ugu Fiicnaa Ee Soo Mara Ciidamada Marka la Eego Hogaaminta Ciidanka Iyo Habdhaqankiisaba .

Ugu Dambayn Madaxweynaha talada ka sii degaya mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxqabadyada lagu xasuusan doono waxa tiir-dhexaad u ah darajada ciidamada Somaliland oo hirgaliyay islamarkaana dallacsiiyay kuwii mutaystay si mooralkooda shaqo kor loogu qaado.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso