Mareykanka oo isaga Baxay Heshiis Caalami Ah Oo lagu Caawiyo Qaxoontiga.

Hargeysa(Toggaherer)-Mareykanka oo isaga Baxay Heshiis Caalami Ah Oo lagu Caawiyo Qaxoontiga.

Dibad-baxayaal kasoo horjeeda xayiraada socdaalka

Dowladda Mareykanka ayaa isaga baxday heshiis caalami ah oo looga gol-lahaa caawinta dadka muhaajiriita ah iyo qaxootiga kasoo baxsanaya dalalka ay collaaduhu ka jiraan.

Safiirka Mareykanka u qaabilsan hay’adda Qaramada Midoobay , Nikki Haley, ayaa sheegtay in dalkeeda uu ku faani karo dhaxalka ah soo dhaweynta soo galootiga.

Balse waxa ay sheegtay in go’aanka siyaasadda socdaalka Mareykanka ay marwalba tahay wax ay go’aan ka gaaraan dadka Mareykanka ah oo keliya.

Hannaanka lagu horumarinayo heshiis caalami ah oo la xiriira arrimaha dadka qaxootiga ah ayaa la horgeeyay sanadkii lasoo dhaafay Golaha Guud ee hay’adda Qaramada Midoobay .

Siyaasaddaha socdaalka ee madaxweyne Trump ayaa diiradda lagu saaray ammniga xuduudaha, xayiraadda socdaalka, dhismaha darbiga xadka u dhaxeeya Mexico iyo Maraykanka iyo musaafurinta qaxootiga sharci la’aanta ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso