Gudaha Ka Eeg :Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland oo La Kulmay Diblomaasiyiin Ka Socda Midowga Yurub, Turkiga iyo Qaramada Midoobay

 

Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay diblomaasiyiin sarsare oo ka socda midowga reer Yurub, Turkiga iyo Qamada Midoobay.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno kamid ah hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, waxana dibloomaasiyiinta kulanka ka qaybgalay oo ay kamid yihiin madaxa xafiiska siyaasadda qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr.Jeffrey Sims , Alberto Fiat oo ah wakiilka midowga yurub u qaabilsan Somaliland iyo Wakiilka dawladda Turkey-ga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Mr.Ali Noyan Coskun, ayey diblomaasiyiintani ku guddoonsiiyeen hambalyo rasmi ah oo ay ka sidaan madaxda dalalkooda iyo kuwa xafiisyada ay wakiillada ka yihiin, waxana ay sheegeen inay si dhaw ula shaqayn doonaan madaxweynaha cusub iyo xukuumaddiisaba.
Diblomaasiyiintani waxa ay bogaadiyeen doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay, waxana ay sheegeen inay ahayd mid Somaliland usoo hoysay guul horleh, kuna tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xagga Dimuqraadiyadda loo qaaday.
Sidoo kale waxa ay diblomaasiyiintan oo uu madaxweynuhu si gooni gooni ah ula kulmay si isku mid ah u sheegeen inay si hagar la’aan ah ula shaqayn doonaan madaxweynaha cusub, kuna dedaali doonaan in lasii wanaajiyo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay guud ahaanba dalalka kala duwan ee caalamka iyo qaramada midoobayba.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa isagu ka mahadceliyey booqashada ay diblomaasiyiintani ku yimaadeen Somaliland iyo kulanka ay isaga la qaateenba, waxana uu sheegay inay ka go’an tahay sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka dimlomaasiyadeed iyo midka dhaqaale ee Somaliland la leedahay dunida inteeda kale.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso