Ali aden lord aabihii xoriyada kenya iyo somalida kenya abdirahman bigays

ali aden lord aabihii xoriyada kenya iyo somalida kenya

abdirahman bigays

ali aden lord, wuxuu ahaa nin sommaliya oo ku dhashay nairobi 1915 kuna soo barbaarey kaas oo ahaa wiil ay dhaleen reer caankaa ahaa ee addan lord kuwaas oo kasoo haajiray laasqoray 1850 yadii. waxay lahaayeen qoyskiisu dhulka ugu badan ee xaafada somalidu degto ee islii ilaa ay dowladu ka iibsatay dhul caan ah oo hada ah dhulka ciidamada cirka e islii gadaal kaga dhegsan.

ali aden lord wuxuu ku biiray jabhadii sabata u ahayd inay kenya xorowdo oo la dhihi jiray (mau mau) waxay iskula jiraan jabhadaas madaxweynihii ugu horeeyey ee kenya jommo kenyatta oo ah uhuraha hada jooga aabihii, halkaas oo uu kadib kanoqday hogaamiyayaashooda kuwa ugu horeeya ee haga jabhada, waxay saaxiibada aad isugu dhow ahaayeen jomo kenyatta xiligii halganka kenya loo dagaalameyey.

kadib markii halgankii guulaystay wuxuu noqday xildhibaankii ugu horeeyey oo soomali oo ay kenya yeelato, waxyar kadib wuxuu noqday wasiirkii arimaha gudaha ee kenya ahna wasiirkii ugu horeeyey oo ay soomali kenya ka noqoto.

kadib markii uu soomaalidii kenya u qabtay waxyaalo aad ubadan kana dulqaadey culayso badan oo haystay ka wasiir arimo gudo ahaan, mr ali aden lord wuxuu ku jiray wafti uu hogaaminayey madaxweyne jomo kenyata oo muqdisho tagey xiligaas oo uu madaxweyne ahaa abdirashiid ali shar,marke, sifo isfahan looga gaadho soomaalidii kenya markaas oo dooneysay inay somalia ku biirto, kadib madaxweyne shar,maarke wuxuu ugu magac daray mude ali aden lord wado kutaala muqdisho oo uu ku sharfay.

intaas kadib wuxuu asaasay xisbigii ugu horeeyey ee ay soomali yeelato oo siyaasi ah, xisbigaas oo caan ahaa waxaa la odhan jiray North Eastern People Progressive Party (NPPP).

wakhtiyadiisii uu siyaasada ku jiray oo uu hogaaminayey xisbigaas wuxuu aad ugu doodi jiray inuu kasaaro isir sooca iyo habsaanka dhanka deegaamadooda,

ali aden lord waxaa si aad ah loogu jeclaaa warqado iyo dacwado kala duwan oo uu ka gudbiyey badhasaabyadii gumeysayaasha ee igriiska ahaa taas oo hadaf xornimo oo buuxa uu dooni jiray marka soomalida laga yimaado.

wuxuu diyaariyey qorshe maaliyadeed oo dhamystiran taas oo uu udiyaariyey deeqo waxbarasho iyo adeeg waxbarasho oo ay soomaalidu hesho barigaas.

1961 wuxuu la kulmay wasiirkii gumaysiga ee boqortooyada ingiriiska oo uu kula kulmay nairobi, waxana kawada hadlayeen xisbigiisaas oo uu ku jiray asaasideeda kadib markay xornimo qaataan qorsha xisbigaas uu kadamacsanyahay.
kadib waxaa loo ogalaaday shir ka dhacyey lancaster house london oo looga hadleyey arimaha dastuurka kenya maadaama barigaas loo diyaarinayey inay kenya xornimo qaadato, ali wuxuu ka soo dhalaaley inuu wixii xaq ah oo soomalidu ku lahyd dastuurkaas oo damaanad qadaya diintooda iyo xaqooda siyaasiga inay mujiiyan uu ku guuleystay.

isagoo ku doodey hadaanu ingiriisku siin go,aan qaadashadooda soomalidii kenya ka hor intaanu xornimada kenya siin inay dareemi doonaan dayaacaad taas oo keeni karta khatar kala sooc.

kadib ingiriisku wuxuu ogalaaday inay soomaalidii nfd ay siiyaan go,aankooda inay iyagu gaadhaan soona gali karaan siyaasada si buuxda, ali wuxuu ahaa ninkii ka danbeeyey in soomaalidii kenya afti laga qaado oo ay ku dooranayaan inay ku raacaan meeshay rabaan taas oo uu wada xaajood badan ugalay ilaa ingiriiska lancaster house utagey, kadib waxaa loo ogalaaday wax kasta oo u dalbay soomalidii kenya, halkaas oo uu xisbigiisii loogu ogalaaaday barlamaankana ku soo galay kadibna u noqday wasiirkii arimaha gudaha.

kasakow inuu ahaa qof waxbartay xiligaas kuna noola inta badan noloshiisa meel deegaankiisa somida kabaxsan mise qorshihiisa uu xisbigaas u sameeyey waxa ugu weynaa waxay ahyd soomali weyn iyo isu soo jiidka soomaalida.

sidoo kale iyadoo soomaalidu arkaysay nin waxbartay ku soo dhex koray deegaan aan kooda ahyn, muusan rabin in loo arko mid gumaysiga u shaqaynaya ama la nashqadeynayay habkii gumaysigu wadanka uu u dhigi lahaa, isagoo taas ka duulayaa wuxuu aad ukala sooci jiray bulshadii kenyaatiga ahaa iyo tii soomaalida ahaa oo midba xaquuqdooda gooni ugu dooni jiray sifo uu saska uga saaro dadkiisii xooloraacatada ahaa.

taasi waxay dhashay inuu dacwado badan u qoro badhasaabkii ingiriiska kenya u qaalbilsanaa taas oo uu uga dalbanayo awoodo dheeraad oo ismaamul in lasiiyo soomalida oo kabadan tii uu uga soo saxeexay london. taasi waxay dhashay in soomaalidii loo ogalaado inay xornimo lasiiyo ay ku dooran karaan meeshay rabaan inay ku biiran ama soomaliya oo markaas xor ahyd amam kenya lasii joogaan, taas oo ay dadkii soomaaliyeed ugu codeeyeen inay ku biiraan soomaaliyadii xorta ahyd.

kadib xornimadii kenya waxaa suurta gal noqon wayday inay soomalidii kenya ay ku biiraan tii soomaaliya taas oo uu qorshaheeda soowaday wakhti badan mude ali aden lord oo ay sabaha ugu wacnayd dowladii barigaas katalineysay soomali ee raysalwaseere cigaal raysalwasaaraha ka ahaa iyo cadaadis badan oo cali kaligiis qabsaday isagoo isla markaasna aha wasiirkii arimaha gudaha kenya.

kadib wuxuu cali xisbigii soomaalida ee nppp ku darsaday labo xisbi oo kale oo la odhan jiray (kadu) and (kanu) taas oo ayku midoobeen siyaasad dheer oo ay kenya ku xukumaan, mid kamida xisbiyadaas wuxuu soo gaadhay ilaa 2002 kaas oo ah xisbiga kanu oo uu hoogaamin jiray madaxweynihii 20 sano kasoo talinayey kenya oo danial arab moi.

ali aden lord wuxuu ahaa qoorweyntii siyaasiyiinta ee abid soomara kenya kii ugu waynaa.

sawirkani waa mar uu booqday africankii midab kala sooca lagu samyn jiray us.

qoraalka iyo sawirka waxaan kasoo qaatay kenya archive meelo kalena way ku jiraan 

Advertisement

Ku Xayeysiiso