Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Addis Ababa

Muqdisho, December 8, 2017–Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Dawladda Ethiopia iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas Amb. Maxamed Cali Nuur.

Mudane Khadar ayaa ka qayb gali doona munaasabada xuska 12aad ee 29ka Hidhaar maalinta Qowmiyadaha dalkaas Itoobiya oo maalinta bari ah ka qabsoomi doonta xarunta dawlad deegaanka canfarta ee magaalada samara, waxuuna halkaas ka jeedin doonaa khudbad. Iyadoo munaasabaddan ay sidoo kale ka soo qeyb gali doonaan wufuud ka kala socota dalalka caalamka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa inta uu joogo dalka Itoobiya waxuu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda dalkaas, iyagoo ka wada hadlaya xiriirka, iskaashiga iyo arrimo kale oo muhiim u ah labada dawladood.

Advertisement

Ku Xayeysiiso