Tirada dhimashada Duqaynta Israel oo kor u kacday Marinka Gaza

Labo qof ayaa ku dhimatay weerar duqayn ah oo ka dhacday magaalada Gaza subaxnimadii Sabtida, kaas oo dhimashada ka dhigaya ilaa jimcihii afar qof, wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sidaas sheegtay Maanta.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Falastiiniyiinta WAFA, dhimashadu waxay ahaayeen laba ruux oo da`doodu tahay 28 iyo 30 sano jir waxayna ku dhinteen xaafadda Daraj ee Gaza.

Diyaaradaha Dagaalka ee Israel ayaa bilaabay duqaymo taxane ah oo ka dhacay Gaza Sabtidii, iyaga oo bartilmaameedsaday oo kale Jabaliya, Khan Younis iyo waqooyi galbeed Gaza.

Dhanka kale 1114 Falastiin ayaa la dhaawacay labadii maalmood ee la soo dhaafay, 954 qof ayaa lagu daweeyay goobahooda halka 160 kalena loo wareejiyey isbitaalada West Bank, Gaza iyo Jerusalem.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso