Dunidu sidee ayay u qori doontaa Taariikhda Falasddiin? Dunidu sidee ayay u qori doontaa Taariikhda Falasddiin?

                                                      Tar: Dec 9, 2017

 

Dunidu sidee ayay u qori doontaa Taariikhda Falasddiin?

Email: Pro_maxamed@hotmail.com

 

Dunidu sidee ayay u qori doontaa Taariikhda Falasddiin?

Ileyn samri kama gabowdid

Haddaanad ka geeriyooninErayadii Abwaan Axmed Saleban Bidde

 

Nov 2, 2017-kii waxa ay ku beegnayd sanad-guuradii boqolaad ee arinta siyaasiga ah ee Falasddiin iyo Israel.Arintaas oo dunidu siyaabo badan uga hadashay siyaasad ahaan iyo sharci ahaanba.Waxyaabaha cajiibka ah ayaa waxa ka mid ah in aan weli wax xal ah oo la isku raacsan yahay laga gaadhin, sidaana qarni ay hadheeyeen dagaalo iyo colaado aan hakad lahayn madaxa uga goysay arintaasi.Waa halkii soomaalida’e, Hashu maankayga gaddaye, ma maansaar bay liqday.

Waxa aanu shaki iyo caad midna aanu inaga saarnayn in siyaasaddii adduunku ay tahli kari weyday in sharcigii caalamiga ahaa uu noqdo wax lagu kala baxo haddii masalo sharci ahi ay timaado balse laga doorbiday in maslaxada qaramadu ay ka muhiimsan tahay sharci la raaco.Waana ta keentay in manta dadyow aan waxba galabsan la iska xasuuqo dabadeedna si hawl yaraan ah loo yidhaahdo argagixiso ayaanu ka hortagaynay.

Waxa kale oo kuu soo baxaaya, in cadaaladdii adduunka loo qaybiyay dabaqado mid sare, dhexe iyo hoose.Tusaale ahaan, Afrika waxa loo samaystay maxkamad iyaga uun ka shaqaysa taas oo hadh iyo hagaag ba u diiday.Gal-dacwadeeda maxkamada ICC, boqolkiiba sagaashan waa dacwad Afrikaan ah sida la xaqiijiyay.Waa hab cusub oo dunda loogu talagalay in lagu dhaqo oo daba-socda New World Order-kii Maraykanka.

Falasddiina, masaakiintaa la duudsiyay ayuun bay safka ku la jirtaa in kasta oo iyada arini u dheer tahay oo daalacan dhulkeedii laga qaaday.

Haddaba, waxa aynu halkan si kooban ugu eegi doonaa, sida qaddiyada Falasddiin iyo Israel ay dunidu uga hadashay iyo warbixinaha laga soo saaray taariikhda inta la xasuusan yahay:

January, 1915-kii laba bilood ka dib markii ingiriisku ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ottaman Empire oo iyadu markaa bariga dhexe awood-siyaasadeed ku lahayd, ayaa waxa war bixin siyaasadeed oo istaraatijiya ah diyaariyay Herbert Samuel oo ka tirsanaa golaha wasiirada, isaga oo ka faa’ideysanaya dagaalka dawladu ku dhawaaqday.Waxa uu ku hoga-tusaalayanayay dawlada ingiriiska in ay muhiim u tahay in dawladu qabsato dhulka Falasddiin, is la mar ahaantaana la aasaaso dawlad ay leeyihiin dadka yuhuudu(Jewish State).Taasina waxay ka caawin doontaa in taariikhda dalka ingiriisku ay noqoto mid sii balaadhata is la mar ahaantaana u saamixi doonta in ilbaxnimada gaamurtay ee boqortooyadu ay gaadhi doonto waddamada dib-u-socodka ah.

1915-kii waxa waraaqo badan is dhaafsaday Henry Mcmhon oo ka tirsanaa gudiddii sare ee ingiriiska xaruntooduna ahayd Qahira iyo Xuseen Binu Cali oo ahaa Sharriifkii Maka.Mcmhon, waa ninkii u balan qaaday waddamada carabta in ay xornimadooda la siin doono haddii ay la dagaalamaan boqortooyadii Cismaaniyiinta (Ottoman Empire).Waraaqahani waxay soo baxayeen markii si toosa loogu dhawaaqay baaqii Balfour iyo heshiiskii Sykes and Picot.Carabtu waxay aaminsanaayeen in dawladdii ingiriisku ay ka baxaday oo Khalkhal gelisay wixii ay carab ku la heshiisay baaqii Blafour ka dib.

Heshiiskii Sykes and Picot waxa uu ahaa mid si qarsoodi ah loo galay 1916-kii. Kaas oo dhex maray dawladaha ingriiska iyo Faransiiska.Waxaana loogu magac daray labadii nin ee wada-hadalka u qaabilsanaa labadaa dawladood oo kala ahaa Francois Georges-Picot oo faransiis ahaa iyo Sir Mark Sykes oo ingiriis ahaa.

Heshiiskaasi waxa u si toos ah u kala qaybinayay dunida carabta, ujeedada laga lahaana waxay ahayd in Ottoman Empire lagu burburiyo.Heshiiskani waxa uu xambaarsanaa dhacdadii taariikhda gashay ee maamulka iyo dhulka Falasddiin lagu hoos keenay dawladdii ingiriiska oo baaqii Balfour-na diyaar la ah.Waxaana ay noqotay arin sharciga caalamiga ah ka yaabisay.

Balfour, waxa uu ahaa warqad uu qoray xoghayihii arimaha dibada ee ingiriiska 1917-kii taas oo uu ku sheegay in baaqani aanu dhibaato u keenayn xuquuqda dadka aan yuhuuda ahayn diintooda iyo muwaadinimadoodaba, iyada oo aan baaqaa ama warqada aan lagu xusin xuquuqdii siyaasiga ahayd ee dadka Falasddiin.

Heshiiskan waxa loo jeediyay todoba hogaamiye oo carab ah joogayna Qaahira, 1918-kii. Baaqani, waxa uu u balan qaaday in dhulka carabta oo ay ku jirto waxa uu ugu yeedhay falasddiintii taariikhiga ahayd iyada oo laga duulayo mabda’a ogolaanshiyaha is-xukunka ay heli doonaan madax-banaani.

1918-kii, David Hogarith oo ahaa madaxa xafiiskii ingiriiska ee arimaha carabta xaruntiisuna ahayd magaalada Qahiro ayaa warqad u soo qoray Xuseen Binu Cali oo ahaa Sharriifkii Maka.Warqadu waxa ay ka jawaabaysay su’aal uu Binu Cali ka keenay baaqii Balfour.Waxaana loogu sheegay, in aanay Falasddiin ahayn, meel dad kale ku soo duulayaan iyo in madaxda Zionism-ku ay qorshaynayaan in ay carabta la yeeshaan iskaashi iyo wada-shaqayn.

Laba bilood ka dib waxa uu ingiriisku soo diray warqaddii Bassett.Waxa ay ku socotay Xuseen Binu Cali oo ahaa Sharriifkii Maka.Waxa lagaga jawaabayay aragtidii Binu Cali uu ka qabay heshiiskii Sykes iyo Picot oo ahaa ujeedadiisa runta ahi in dhulka carabta ay qaybsadaan ingiriiska iyo Faransiisku.

Britain waa ay dafirtay heshiiskaa.Waxa ay ku sheegtay in heshiiska macnihiisu yahay in laga hortago boqortooyadaii cismaaniyiinta (Ottoman Empire) oo la weeraro maadaama aamin-daro ay dhex dhigayso carabta iyo ingiriiska.Taasina aanay ahayn wax la aqbali karo.Dhinacaas ayaa laga tusay heshiiska dhegaraysnaa Sharriifkii.Waxa kale oo warqadda ingiriisku ku sheegay in uu u heelan yahay xoriyadda carabta, ka na hortagayo gumaysiga iyo cabudhinta Turkiga.

1919-kii, waxa dawladu Maraynkanku soo saartay warbixintii caanka ahayd King-Crane Commission.Warbixntaasi waxa lagu soo bandhigay aragtidii maraykanka ee dadkii ku noolaa dhulweynihii Suuriya iyo meela kale ka dib markii ay dhacday boqortooyadii Cismaaniyiintu (Ottoman Empire) ee dhulkaa xukumaysay.

Warbixintaa waxa lagu soo gabagabeeyay in maraykanku u rajaynayo dadka Suuriyo oo ay ku jirto Falasddiin ay samaystaan suuriya madax banan oo midaysan diidana xukunka ingiriiska.Waxa sida oo kale ku cad warbixintaa, in maraykanku uu ku boorinayo dal weynaha suuriya iyo falasddiin in ay diidaan ka na hortaagaan mashruuca Zionism oo ah mid cadaala daro ah oo la doonayo in lagu meelmariyo xoog, sheegashada Zionism-ku aaminsan yahay in awoowayaashood ay deganaan jireen dhulka falasddiin ay tahay in aan wax tixgelin ah la siin (Null and Void).

Maraykanku waxa uu ku tala-bixiyay,haddii la yareeyo mashruuca Zionism-ka, in muhaajiriintu yuhuudana ay hoos u dhici doonto.Ka waran akhriste halka uu maanta maraykanku ka taagan yahay qaranimada Israel.Waxa ay u la mid tahay ta maraykanka,Tusaale ahaan,bishii November,2017 USA iyo Israel waxa ay ku dhawaaqeen in ay ka baxeen hay’adda Sayniska iyo dhaqanka u qaabilsan adduunka ee UNESCO, ka dib markii qalcado ku yaala dhinaca falasddiin ay u aqoonsadeen waxyaabaha dhaxalka taariikhiga ah ee Falasddiin.Taasa keentay in maraykan iyo Israel ba ka dudaan UNESCO.

Shirkii San Remo, waxa uu ahaa kulan dhexmaray afartii dawaldood ee isbahaysiga ahaa dagaalkii kowaad ee adduunika (WW1): Great Britain, France, Italy iyo Japan.

Shirkaa waxa lagu ansixiyay maamulida meelihii ay Ottoman Empire-ku ay haysan jireen oo ay Falasddiin ku jirto.Waxa lagu xaqiijiyay shirkaa balanqaadkii baaqii Balfour iyada oo aan xuquuqdii siyaasiga ahayd ee Falasddiiniyiintana aan la soo hadal qaadinba.

1920-kii, ingiriisku waxa uu ka soo saaray warbxin qalalaansihii ka dhacay Jerusalam bishii April, 1920-kii. Isaga oo fawdadaa siyaasiga ah dhakada u saaray masuuliyadeeda mashruucii Zionism-ka.Waxa aanu ku sheegay warbixintiisaa in ay carabtu ka walaacsan yihiin fulinta xaqa ay u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan.

1922-kii, dawladda ingiriisku waxay diyaarisay warqaddii la odhan jiray Churchil Paper si ay uga jawaabto qalaalsihii ka dhacay Jaffa (Waa magaalo qaddiimiya oo ku taala koonfurta Tel-Aviv) 1921-kii.

Qoraalka waxa lagu xusay in baaqii Balfour uu ahaa mid Israa’iliyiinta meel ay degaan oo kaliya loogu samaynayay ee aanu ahayn mid dal ay yuuhudu keligood leedahay lagu aasaasayay ama in Falasddiin loo badalo dal yuhuudi ah(Jewish State).Waxa kale oo warqaddaa lagu xusay, xaqa ay dadka reer falasddiin u leeyihiin in ay is-xukumaan oo dawlad yeeshaan.Ugu danbayn, waxa warqadaa lagu tilmaamay, in ay sax ahayd in dadka yuhuuda ah lagu soo daad-gureeyo in dhulka falasddiin maadaama ay awoowayashood taariikh ahaan ka soo jeedaan.

1922-kii,ururkii league of Nations ayaa waxa uu soo saaray Palastine Mandate oo ahaa document uu ururkaasi si rasmi ah u ansixiyay.Ujeedada document-kan waxa uu ahaa, in Falsaddiin la hoos-geeyo wax ay ugu yeedheen, siyaasada casriga ah, maamulka iyo daryeelka dhaqaale ee boqortooyadii ingiriiska si loo xaiijiyo asaasidii dhul ay leeyihiin dadka yuhuudu.Haddaba, in kasta oo document-kaa aan lagu sheegin in uu qayb ka yahay fududaynta sidii loo heli lahaa  dal ay falasddiiniyiintu leeyihiin, haddana waxa lagu xusay in aan dhulka dawladda Falasddiin aan la hoos gayn Karin waddamo kale oo shissheeye ah.Waxa sida oo kale lagu xusay, in yuhuuda oo iyadu go’aan ku gaadhay in ay si joogta ah u deganaadaan ay helaan muwaadinimada dawladda Falasddiin.

1930-kii,waxa dawladda ingiriisku ay soo saartay warqaddii Passfield White Paper oo ay kaga jawaabayso qalalaasihii siyaasadeed ee 1929-kii dhacay.Waxa lagu xaqiijiyay warqaddaa, in tahriibinta yuhuudu u saamaynu xun ku yeeshay dhaqaalihii waddanka is la mar ahaantaana ay muhiim tahay in la yareeyo.Waxa mar kale ay dawladda ingiriisku ku celisay intii ay ku xustay Churchil White paper ee ahayd, in aanay ingiriisku ugu talagelin in dhalashada/Muwaadinimada dadka yuhuuda ay xagga sare kaga keento dadka Falasddiiniyiinta, balse ay door-bidaysay in dadka yuhuudu ay dhexgalaan dadka Falasaddiniiyinta oo ay la degaan.

Warqaddii Passfield waxa ay kala kulantay yuhuuddii/ururradii Zionist-kii cadho xoog badan waxaanay ka dalbadeen in ingiriisku sharaxaad ka bixiyo waxa uu uga jeeday warqaddaa.

Ramsay McDonald,raa’iisal wasarihii xilligaa ee ingiriiska, ayaa waxa uu qoray warqad ku socota M/weynihii Zionist-ka  ee Chaim Weizmann, isaga oo ku sharxaya siyaasada ingiriiska ee Falasddiin.Waxa uu u xaqiijiyay in u heelanaanta ingiriiska ee tahriibinta yuhuuda aanay waxba iska badalin iyo iibkii dhulka iyada oo taageersan talooyinkii ku xusnaa warqaddii Passfield.

1937-kii, waxa war bixin rasmiya soo saaray kooxdii Peel Commission oo uu ingiriisku u xilsaaray in ay soo baadhaan sababaha siyaasada Falasddiin ay u degi la’dahay ee fawdada ka dhigay 1936-kii.

Gududaasi waxa ay ku soo gabagabeeyeen warbixintaa, in ay laga ma maarmaan ay tahay in wax laga badalo siyaasaddii Palestine Mandate isla mar ahaantaana la kala qaybiyo dhulka falasddiin oo qaybna Carabta la siiyo qaybta kalana Yuhuuda si looga hortago qalalaasahan siyaasadeed ee joogtada ah.Waa markii ugu horeysay ee qorshe kala-qaybin ah xal laga dhigo.

Waxa magaalada London isugu yimid Carabtii iyo Zionists-kii si ay uga wada hadalaan siyaasadan murugsan ee dhextaala ,laakiin shirkaasi ma noqon mid lagu guulaysto, waana lagu kala kacay.Ingiriisku waxa uu go’aansaday haddiiba kulankii fashilmay, in uu isagu war-murtiyeed soo saaro.Waxaanu soo saaray warqaddii White Paper oo ka koobnayd saddex qodob oo kala ahaa:

  • In balantii baaqii Balfour la fuliyey iyada oo la gaadhsiiyay dadka yuhuuda ah 450,000 oo lagu deegaameeyay dhulka Falasddiin.Waxaana mar kale ay xaqiijinaysaa dawladda ingiriisku in aanay marna ku-tala-gal u samayn in ay aasaasto dawlad yuhuudu leedahay (Jewish State).
  • Waxa lagu xaqiijiyay warqadaa in uu dhamaanayo awooddii Falasddiiniyiinta loo siiyay in ay is-xukumaan 1948, laguna badali doono dawlad falasddiiniyiintu leedahay oo ay wada xukumaan Carabta iyo Yuhuudu.
  • Warqada waxa kale oo lagu sheegay in la yarayn doono tarxiilka yuhuuda shanta sano ee soo socda intaa ka dibna la joojin doono.

1946-kii, waxa warbixin wada-jir ah soo saaray dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska oo ay ku darsayaan xaaladaha ay ku sugan tahay Falasddiin marka loo eego maamulka ay ku hoos jirto ee Ingiriiska.Waxa ay ku soo gabagabeeyeen warbixintaa,in aanay Falsaddiin noqon karin waddan ay Yuhuudu kaligood ay iska maamushaan ama Carabtuba, balse ay tahay in la yagleelo nidaam dawladeed kaas oo labaduba ay ku wada jiraan.Waxa kale oo la is la qaatay in hore loo sii wado tarxiilka Yuhuuda oo lagu daro 100,000 oo dheeraada.

1946-kii isla sanadkaa gudihiisii ayaa hadana waxa war-murtiyeed soo saaray dawlada ingiriiska kaas oo daba socda hawlgalkii ingiriiska ee la magac baxay Agatha, yuhuuduna u taqaano Sabath.Hawlgalkaa waxa lagu burburiyay falaagadii yuhuuda ee Falasddiin fawdada ka waday xilligaa.Baadhitaan ka dib, warqadaa waxa lagu soo gabagabeeyay in falaagada yuhuudu ay xidhiidh la lahayd wakaaladii Yuhuuda oo ahayd qaybta u qaabilsanaan jirtay ururkii Zionist-ka Falasddiin.

1947-kii, Herschel V Johnson, waxa uu ahaa ku xigeenkii wakiilka Qaramada Midoobay ee Maraykanka.Waxa uu soo bandhigay sida ay Maraykanku u arkaan Falasddiin.Waxa u sheegay in maraykanku uu taageersan yahay tarxiilida Yuhuuda iyo qorshaha lagu qaybinayo Falasddiin.Tusaale ahaan, Markaynku waxa uu u arkaa magaalada Jaffa in ay qayb ka noqoto waddan carbeed oo gaar ah halkay ka ahaan jirtay magaalo carbeed.

1947-kii,Golaha sare ee Qaramada Midoobay waxa ay soo saareen qaraar sumadiisu ahayd 181, kaas oo taageersanaa qorshihii qaybinta ee Falasddiin.Qaraarkaasi waxa uu soo jeediyay in ciidamada Ingiriiska ay ka soo baxaan dalka Falasddiin la na soo af-jaro qorshihii Palastine Mandate iyada oo lagaga imanayo laba waddan oo ay kala leeyihiin Yuhuuda iyo Falasaddiin.

Bishii March,1948-kii, ayuu Warren R Austin oo ahaa danjirihii Maraykanka ee Jimciyada Qaramada Midowday ahaana wakiilkii golaha amaanka ayaa waxa uu akhriyay war-mutiyeed uu kaga hadlayo sida ay u arkaan xaalada Falasddiin gaar ahaan qaraarkii Qaramada midoobay.Waxa uu tilmaamay,in haddii ciidamda ingiriisku ay ka soo baxaan Falasddiin bisha May,1948 sida la qorsheeyay,waxa dhacaya jahawareer iyo fawdo siyaasadeed.Sidaa daraadeed,Maraykanku waxa uu ku talinayaa in si ku meel gaadh ah Falasddiin loo hoos keeno Qaramada Midoobay si loo ilaaliyo nabada, fursad ay heshiis nabadeed ku gaadhan Falasddiin iyo Yuhuuduna loo bilaabo.

1948-kii, Harry Truman, M/weynihii Maraykanka, ayaa waxa uu ka hadlay qorshihii Maraykanka ee is-maamul-hoosaadka.Truman, waxa uu yidhi,maadama Maraykanku uu taageersan yahay qorshihii kala qaybinta,waxaanu ka walaacsanahay fulinta qorshahaa si nabad ah.Waxa uu soo diyaariyay barnaamij Falasddiin lagu hoos keenayo Maraykanka maadaama waddanku uu ku jiro marxalad kala-guur ah oo si nabadgalyo ah u socota.

1948-kii,maalin ka hor bixitaankii ciidamada ingiriiska ee Falasddiin, David Ben-Gurion, ahaana madaxii fulinta ee World Zionist Organization, ayaa ku dhawaaqay madaxbanaanida waddanka Yuhuuda looguna yeedhi doono waddanka Israel.

Ku dhawaaqista waxa kale oo lagu sheegay in waddanka Israel uu duyaar u yahay fulinta qaraarkii Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 181.

1948-kii, dhexdhexaadiyihii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Falasddiin ayaa waxa uu soo saaray warbixin uu kaga hadlayo dadaaladiisii dhexdhexaadnimo ee dagaalkii ka qarxay Falasddiin 1948-kii.Waxa uu sheegay in heshiis xabbad joojin ah uu dhexdhigay Carabta iyo Yuhuuda kaas oo ka bilaabmaya June ilaa July.Waxa kale oo warbixintaa QM lagu sheegay in ay xaq u leeyihiin Falasddiniyiintii barakacay in la soo celiyo.

Decmber,1948-kii,Qaramada Midoobay waxa ay soo saartay Qaraar sumadiisu ahayd 194, kaas oo lagu sheegay in QM ay samaysay guddi ka hawl gasha isku soo dhaweynta labada dhinac isla mar ahaantaana fududaysa sidii loo gaadhi lahaa heshiis nabadgelyo.Qaraarkaa sida oo kale waxa lagu xaqiijiyay soo celinta dadkii barakacay ee Falasddiniyiinta ahaa.

Qaraar daba socda dagaalkii lixda cisho(Six-Day War) ayay soo saareen Golaha Amaanka ee QM kaas oo sumaddiisu ahayd 242.Qaraarkaa waxa Israel lagaga codsanayay in ay ka baxdo dhulkii ay qabsatay dagaalku intii uu socday,waxa kale oo lagu xusay qaraarkaa in la deegaamayo qaxoontiga oo kaliya.

Ururkii xoreynta Falsddiin ayaa waxa uu ku dhawaaqay Charter 1964-kii kaas oo ahaa kii 1968-kii ay sii balaadhiyeen.Charter-ka waxa uu sheegayay in xuduudihii Falasddiin ay yihiin kuwii ay lahayd markii Ingiriisku dalka haystay.Chater-ka waxa kale aad oo lagu sheegay in aasaasidii dalka Israel iyo qorshihii kala qaybintu ay dhamaantoodba yihiin sharci daro, Baaqii Balfour na uu yahay mid aanay waxba ka jirin.Charter-kaa waxa wax laga badelay 1993-kii, Olso Accord.

1973,Golaha Amaanka ee QM waxa ay soo saareen Qaraar sumaddiisu ahayd 338,kaas oo daba socda dagaalkii Carabta iyo Yuhuuda,1973.Qaraarkaasi waxa uu dhinacyada oo dhan ku dhiirigelinayay in ay xabad-joojin sameeyaan.Waxa kale oo loogu baaqay fulinta Qaraarkii 282,iyada oo Israel laga codsaday in ay ka baxdo dhulkii ay qabsatay.

1978-kii, waxa dhacay heshiiskii la magac baxay Camp David Accord kaas oo lagu heshiisiinayay Egypt iyo Israel,waxaana dhexdhexaadinayay dawladda Maraykanka.Heshiiska waxa la is kula qaatay in is-maamul hoosaad laga sameeyo daanta galbeed ee Falasddiin iyo marinka Qasa iyada oo aanay heshiiska ka qayb gelin Falasddiin balse QM ganafka ayay ku dhufatay heshiiskaa kana soo saartay qaraarkii 33/28.

1980-kii,Golaha Amaanka ee QM waxa uu soo saaray Qaraar sumaddiisu ahayd 478,kaas oo ay ku diidaysay sheegashada Israel ee Jerusalam in ay leedahay caasimadeeni ay tahay.Qaraarku waxa uu hoosta ka xariiqay in sheegashada Israel ay tahay mid sharci daro ah, sharciga caalamiga ahna aan waafaqsanayn.

2002-dii,waxa dhacay shir ay waddamada carabtu isugu yimaadeen kaas oo uu hormood u ahaa waddanka Sucuudigu ujeedediisuna ahayd in la soo gabagabeeyo khilaafka u dhaxeeya carabta iyo Yuhuuda.War-murtiyeedkii shirkaa ka soo baxay waxa uu ugu baaqay in ay Israel ka baxdo dhamaan dhulka ay haysato ee ay dagaaladii ku qabsatay,in go’aan laga gaadho dadka qaxoontiga ah ee Falasddiin iyo in ay Israel aqbasho aasaaska dal madax banana oo xor ah kaas oo ah dalka Falasddiin.Haddii ay intaa Israel fuliso,Carabtu waxay u aqoonsan doonaan in khilaafkii Carabta iyo Israel ka dhaxeeyay u dhamaaday, heshiis nabadgelyana ay la saxeexan doonaan Israel iyo in ay xidhiidh caadiya la samaysan doonaan.

2012-kii, QM waxa ay siisay Falasddiin xubin goob-joognimo in ay ahaato.Tani waxa ay ahayd aqoonsigii ugu horeeyay ee caalamiya ee ay Falasddiin hesho.

2017-kii, xafiiska arimaha dibeda ee ingiriisku waxa uu soo saaray war-murtiyeed uu ku sheegay, in baaqii Balfour uu ahaa mid taariikhiya looguna talogelin in raaligelin laga bixiyo.Dawlada ingiriisku waxa ay sheegtay in ay aad ugu hanweyn tahay aasaaskii dawlada Israel.Muhiimaduna waxa weeye in hore loo socdo oo la dhiso laba dawladood ay kala leeyihiin Falasddiin iyo Israel (Two State Solution).

Haddaba, maantana waxa Maraykanku u aqoonsaday Jerusalam (Quddus), magaalo-madaxda Israel.Iyada oo wax sharci ah oo u u cuskaday aanay jirin.Halkee ayay ka dhacday, in waddan waddan kale caasimaddiisa u asteeyo oo uu u aqoonsaday.Taariikhda waa kow dhaqankani.Waxa la hubaa in cawaaqib xumo ka dhalan doonto arintan.Waxaana masuuliyadeeda qaadi doona Maraykan iyo Israel.

Arinta xusida mudani waxa ay tahay,in dunida intii ugu badnayd ay ka soo hor jeesteen arintan foosha xun.

Waxa iska muuqata in arinta Falasddiin iyo Israel lagu kala hagaagay oo Carabtii arinkan markii horeba ku kala qaybsanayd ay maanta la daala dhacayaan difaaca kuraastoodii oo taariikhda markii ugu horeysa xaalad adag oo siyaasadeed wajahaya.Carabtu arinta Falasddiin waa ay ku kala duwanayeen xagga galaangalka iyo saamaynta siyaasadeed.Waxa guud ahaan loo qaybin jiray waddamada carabta laba qaybood marka laga hadlayo arinta Falasddiin.Waxa ay kala yihiin,waddamada siyaasada casriga ah iyo waddamada dhaqanka ku salaysan tahay siyaasadoodu.Waddamada hore waxa ka mid ahaa Ciraaq, Masar iyo Suuriya.Kuwa danbana waa waddamada xilalka la kala dhaxlo sida Boqortooyada Sucuudiga, UAE IWM.

Imika waddamadii safka hore ee arinta Falasddiin waxa ka sii nool Masar oo iyaduna imika siyaasad iyo dhaqaalo xumo la daala dhacaysa.

Sucuudigii iyo intii la halmaalaysayna, dufaac ayay ku jiraan sidii aan kuraastoodu aanay meesha uga bixi lahayn.Jaamacada Carabtana sidii caadada u ahayd arinkeedii waxa uu ku soo ururayaa, arinkaa waanu cambaraynaynaa.

Falasddiin awood siyaasadeed oo ay muddo ku dhaqdhaqaaqdo ma haysato maxa yeelay ilaha dakhliga ee Falasddiin gudaheeda sida cashuuraha waxa gacanta ku haysa oo u ururisa Israel.Taasina waxa ay fududaynaysaa in si yar oo fudud cunaqabatayn loo saari karo Falasddiin.Yaabka yaabkii waa amakaag!

Haddaba, Falasddiin miyaanay Hilbo Haad u yaala ahayn?

Illaahay waxaan uga baryaynaa in uu faraj u furo sida ugu dhakhsaha badan.Waxaynu eegi doonaa halka ay ku dhamaato ictiraafka Jerusalam ee Maraykanku wado?

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso