Dagaal culus Iyo isku dhacyo qabiil ah oo ka socda koonfurta Suudaan

Tirada dadka ku dhintay iskudhac u dhaxeeya laba qabiil oo ka mid ah gobollada galbeedka ee waddanka South Sudan todobaadkii hore ayaa kor u kacay illaa 170 kadib markii ay hore u ahayd 45, sida uu sheegay sarkaal koonfurta Sudan ah.

Iskudhacyada qabaa’ilka iyo rabshadaha ayaa ka socday Wadanka ay Googooyeen Dagaalada sokeeye ee South Sudan muddo afar sano ah,

“Waxaa dhintay in ka badan 170 qof oo labada dhinac ah, 342 guri ayaa la gubay iyo qiyaastii 1,800 oo barokacay,” ayuu yidhi Durai Mapur Tani oo ah xubin Baarlamaan oo Deegaankaas ahi una sheegay Wakaalada Wararka Reuters.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso