Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa goor dhaweyd shaaciyey xubnaha cusub ee golaha wasiirrada.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ku dhawaaqay gole wasiirro ah oo ka kooban 23-wasiir iyo 9-wasiir ku-xigeen, kuwaas oo hareeraha qaban doona hawsha qaranka.
Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa golihiisa wasiirrada cusub u nashqadeeyey qaab ka duwan midkii xukuumadihii dalka hore usoo maray, waxana meesha laga saaray wasaarado hore u jiri jirey, halka hal goob lagu mideeyey wasiirro hore dhawr wasaaradood kala ahaan jirey.
Halkan ka akhriso magacyada golaha xukuumadda cusub ee madaxweyne Muuse Biixi.