Munaasabadii ugu weynayd ee Jaaliyadda Somaliland Birmingam Dalka Ingiriiska Ku Taageeraysay Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyadda S/land.

Xalaytoole Magaalada Birmingham waxa ka dhacday xaflad weyn oo loogu Hambalyeynaayey Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Md Cabdiraxmaan Seylici oo dhowaantan majaraha u qabtay dowladda ay aadka uga dhursugayaan umadda S/land.

Munaasabadan ballaadhan oo sida heersare ah loo soo agaasimay isla markaana ay iska kaashadeen qaban-qaabadeedda Xubno ka midda Jaaliyada Somaliland Birmingham  iyo tageerayaasha Kulmiye Birmingham ayaa lagu soo dhaweynayey Xukuumadda Madaxweynaha cusub ee dalka Mudane Muj. Muuse Biixi cabdi oo ka dhacday Xaafadda Small Heath ee Magaalada Birmingham Uk.

Waxaa ka soo qeyb-galay Masuuliyiin ka kala socday Xisbiga taladda haya ee Kulmiye iyo Jaaliyadaha Somaliland ee Dalkan Sida: Birmingham . Derby. Coventry .Wolverhampton iwm.

kuwaasi oo ahaa dadweyne aad u fara Badan oo isugu jiray qaybo badan oo ka midda Jaaliyadda Somaliland Gobolka Midlands gaar ahaanaTagaeerayaasha Kulmiye oo leh Rag, Dumar, Odayaal, Aqoonyahano, Waxgarad iyo dhalinyaro oo si aad ah loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha cusub ee Somaliland.

Xafladda waxaa lagu furey aayado quraan ah. Ka-dib waxaa khudbado kala duwan ka soo jeediyey qaybaha kala duwan ee Bulshada. hadallada laga jeediyay waxay u badnaayeen amaan loo jeedinayey Madaxweynihii hore Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo lagu soo bandhigay buugiisii wax-badka mudaddii todobadda Sano ahayd ee uu xilka hayey iyo soo dhoweeyn ama bogaadin loo jeedinayey Madaxweynaha cusub Mudane Muuse Biixi Cabdi . siiba tallo soo jeedin ku aadan sidii uu u dabiqi lahaa istaraatijiyado waxtar leh oo keeni karta inuu dalka Somaliland ka faa’iideysto iyo fursadda loo haysto . iyadoo maanka lagu hayo inuu sii waddo Horumarkii balaadhnaa ee uu ka tagey Madaxweynihii ka horeeyey (Mudane Siilaanyo).waxaanay ugu duceeyeen in ilaahay xilkaasi u fududeeyo

Masuuliyiinta xafladda wax ka soo Abaabushay oo uu gudoomiyaha Kulmiye Birmingham Mudane Maxamuud Xirsi Duuduu ugu horeeyo oo goobta ka hadlay , waxa ay sheegeen in Madaxweynaha cusub ay si fiican u garanayaan . isla-markaana ay hubaan inuu yahay shaqsi ku haboon Masuuliyadda loo doortay kana soo bixi kara , waxaana ay kula dardaarmeen Waxa ugu horeeya in xukuumadda uu soo dhisay. in ay noqoto mid Xoojisa Sugidda Cadaaladda , Amniga iyo Horumarka dalka . 

iyaddoo laga rajeynaayo ayey yidhaahdeen masuuliyaiintaasi madasha ka hadashay in xukuumadiisu noqoto inshalaah mid waxtar leh oo dalka sii hor-marisa , iyagoo xusay dhamaantood  inuu la hubo in Madaxweyne muuse  uu  wax badan qaban karo.

Xafladaasi Soo Dhaweynta & taageero gaar ah isugu jirtey . ayaa Hambalyo iyo Guubaabo loogu direy Madaxweyne Muuse biixi cabdi iyo ku-xigeenkiisa cabdiraxmaan cabdilaahi saylici.

Marwo. Farduus Maxamed Bootaan Iyo Ayaan Xuseen “Janaale” oo ah sarakiisha haweenka Xisbiga Kulmiye UK . kana mid ahaa dadkii ugu cad-cadaa ee Munaasabada ka hadlay ayaa Hambalyo ka-dib ku tilmaamay in Madaxweynaha cusub looga fadhiyo go’aanno saameyn ku leh  Horumarka. Dhaqaalaha dalka iyo kobaca Bulshadaba .

Isku-soo wadda xooriyoo :-Ilaayo markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi . waxaa aad u soo dhoweynayey dadka Somaliland  oo u arka nin sii waddi kara Horumarkii uu bilaabay Madaxweynihii hore ee Mudane Axmed Siilaanyo iyo in uu dalka u riixi karo jahadda uu Horumarku ugu jiro. Iyaddoo Xafladaan Xalaytoole ka dhacday Magaalada Birmingahm UK, ay ahayd mid  si heersare ah loo soo agaasimay waxa ayna ku-soo geba-gebowday jawi heersare ah.

Adan Yusuf Elmi

Birmingham/UK

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso