Wareysi -Xukuumadan Cusub Waxaanu Ka Filaynaa In Ay La Dagaalami Doonto Musuqmaasuqa Dalka Daashaday ,Masuul Walbana La Xisaabtami Doonto-Cabdiqani IBraahim Salaf(kabtanka)Xoghayah xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka Xisbiga Ucid.

Hargeysa(Toggaherer)-Wareysi -Xukuumadan Cusub Waxaanu Ka Filaynaa In Ay La Dagaalami Doonto Musuqmaasuqa Dalka Daashaday ,Masuul Walbana La Xisaabtami Doonto-Cabdiqani IBraahim Salaf(kabtanka)Xoghayah xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka Xisbiga Ucid.

Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada iyo degmooyinka Xisbiga Mucaaridka Ucid Mudane-Cabdiqani Ibraahim salaf (kabtanka) OO aanu wareysi dhinacyo badan taabanaya aanu la yeelanay ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan:
Ugu Horeyn waxaan halkani ka salaamayaa Shacbi weynaha reer somaliland Dibada iyo gudaba,maanta waxaa wadanka la wareegay madaxweyne cusub ,xukuumad cusub ,waxaana u rajynayaa in ay noqoto xukuumadii dalka wax fiican ka qaban doonta oo wixii loo igmaday dhamaystiri doonta wadankeenana badhaadhe gaadhsin doonta dadka iyo dadkana midayn doonta.

xukuumadan cusub waa bilow xiligii wax laga sheegi lahaa may gaadhin ,oo khayr baan urajaynayaa,xukuumadan cusubna waxa inooga banaani waa duco ,haddii aan gaar u eegana wasiirka cusub ee wasaarada maaliyadu waa nin muddo dheer wasaaradaasi ka soo shaqeeyey oo aqoonteeda leh,waa nin wax ka qaban kara arrimaha dhaqaalaha ,xukuumadan cusub boqolka maalmood ee ugu horeeya waxaa la filayaa in ay wax ka qabtaan sixir bararka dalka ka taagan,hoos udhaca ku yimid shilinka somaliland iyo sarokaca lacagta Dollarka.

Halkani ka daawo wareysigaasi oo faahfaahsan:

Advertisement

Ku Xayeysiiso