Gabar Falastiin U Dhalatay Oo loo Xiray Askar Ay Dharbaaxday.

Hargeysa(Toggaherer)-Gabar Falastiin U Dhalatay Oo loo Xiray Askar Ay Dharbaaxday.

Ciidamada ammaanka Israa`iil ayaa xiray gabar u dhalatay Falastiin oo laga duubay muuqaal ay ku handadeyso ciidamo Israa`iiliyiin ah xilli uu bannaan bax ka socday Daanta Galbeed.

Falastiin

Gabadha oo ay qoyskeeda ku sheegeen in lagu magacaabo Ahed Tamimi, oo 17 jir ah, ayaa lagu eedeeyay xadgudug iyo inay rabshado ka qayb qaadatay.

Muuqaal la duubay Jimcihii ayaa muujinaya koox gabdho ah oo ku qaylinaya isla markaana jug siinaya labo askari, oo aan iyagu ka jawaabin falkaas.

Aabbaha gabadha la xiray ayaa sheegay in ciidamadu ay gaaska dadka ka ilmeysiiya ku tureen ayna jebiyeen daaqadda guriga qoyska.

Bassem Tamimi, oo ah qof caan ah oo xuquuqda dadka u dhaqdhaqaaqa, ayaa intaa ku daray in wiil la ilmo-adeer ah Ahed, oo 14 jir ah ay sidoo kale maalintaasi dhaawaceen ciidamada Israa`iil.

Mohammed ayaa la sheegay in la dhaawacay xilli dibad baxyo ay ka socdeen xaafadda Nabi Salih oo milatariga Israa`iil ay sheegeen in in ka badan 200 oo Falastiiniyiin ah ay dhagaxaan ka soo tuurayeen.

Muuqaalka ayaa laga maqli karayay Ahed oo ciidamada u sheegeysa inay ka tagaan halka laga galo guriga. Markii ay ka dhaqaaqi waayeen ayay riixday oo ay jug siisay ciidamada.

Gabar kale iyo haweeney ayaa sidoo kale u gacan qaaday ciidamada.

Shalay subixii, aabbaha gabadha ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray: “ciidamada Israa`iil waxay weerareen gurigeyga, waxay xireen gabadheyda. Waxay xadeen telefoonnadeenna, kaamirooyinka iyo laptop-yada, waxayna garaaceen xaaskeyga iyo carruurteyda.”

Dadka xuquuqda aadanaha u dooda ee Falastiiniyiinta ah ayaa ammaanay ficilka ay gabadhu ku kacday, halka Israa`iiliyiin bandanna ay cambaareeyeen.

Advertisement

Ku Xayeysiiso