Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo Dilay Ninka Labaad ee Dalka!!!

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa lagu soo waramayaa inuu ku toogtay sarkaal sare geystay khalad dib u dhac keenay, maalmo kadib markii dib u dhac ku yimid Ridida Gantaal Cusub ninkan ayaa lagu sheegay loona yaqaanay ninka labaad ee dalka.

Warbixinnada ayaa sheegay in ninka la dilay uu mas’uul ka ahaaguul darrooyin ka dhacay saldhigga nukliyarka Bongrei oo dib u dhigtay soo saaridda gantaal tijaabo cusub.

Wargeyska Japan ee Asahi Shimbun ayaa sheegay in khaladaadka rasmiga ah ay sababeen dib u dhigista tijaabada gantaalaha lixaad ee ballistic-ka ah, kaas oo loo malaynayay inuu dhacayo guga waxaana dib loogu dhigay September.

Waxa uu sidoo kale mas’uul ka ahaa burburkii god oo dilay 200 oo shaqaale, Daily Mail ayaa sidaas sheegtay.

Tani waxay imanaysa shan maalmood ka dib dilka General Huang Pyeong Soo oo lagu tilmaamay ninka labaad ee Dalka, ka dib markii la sheegay inuu qaatay laaluush.

Warbixin rasmi ah ma jirto oo ay North Korea ka soo saartay dilka sarkaalkan laakiin booqashada hoggaamiyaha waqooyiga Kuuriya ee Buurta Paektu waxay muujinaysaa in hoggaamiyeyaasha Waqooyiga Kuuriya ay u isticmaaleen in ay halkaas tagaan ka hor inta aan la samayn go’aano adag sida fulinta Dilka saraakiisha.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso