Kulan sagootin, soo dhawayn iyo maamuus isugu jiray oo Hay’adda Qurbajoogga JSL u qabatay Wasiiradii Xilka Wareejiyay, Wasiir-ku-xigeenka  cusub iyo Danjirayaasha Somaliland

Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa maanta kulan hadhimo sharafeed ah ku maamuustay Wasiiru-dawlihii iyo Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Debadda ee xilka wareejiyay maalintii shalay, ,  Mudane Maxamed Mixille Boqorre, iyo Danjire Kaysar Maxamed Cabdillaahi, Wasiir-ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Debadda uu Madaxweynuhu usoo magacaabay, iyo sidoo kale xubno doora oo ka mid ah Danjirayaasha Somaliland u qaabilsan wadamo kala duwan oo debadda.

Kulankan oo lagu qabtay Hudheelka SABA ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Dr. Sacad Cali Shire, Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi (Dayaxweerar), Wasiir-ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Debadda Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Arrimaha Debadda Mudane Kaysar Maxamed Cabdillaahi, Wasiiru-dawlihii hore ee Arrimaha Debadda Mudane Maxamed Mixille Boqorre, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debadda Mudane Cabdiraxmaan Abdeeq Muxumed, Ergayga Arrimaha Somaliland iyo Somalia, ahna Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Europe iyo North America ee Gudida Ictiraaf Raadinta heer qaran Dr. Edna Aden Ismaaciil, Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Ammuuraha Afrika ee Gudida Ictiraaf Raadinta heer qaran, Danjire Xuseen Cawil Ducaale, iyo Safiirka Wareega ee Somaliland Danjire Raabi Axmed Maxamed,

Waxa sidoo kale ka soo qaybgalay Safiirada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan wadamada Belgium, Turkey, Yemen, Oman iyo Kuwait, Uganda, Ethiopia, iyo xubno ka mid ah Agaasime-waaxeedyada iyo hawlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa ugu horayn ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi (Dayaxweerar) oo sheegay ujeedada ay u qabteen kulankan “Waxa aannu u qabannay kulankan inaan ku maamuusno oo ku sagootinno laba masuul oo aannu si fiican usoo wada shaqaynnay ee shalay xilka wareejiyay waa Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Arrimaha Debadda Mudane Kaysar Maxamed Cabdillaahi iyo Wasiiru-dawlihii hore ee Arrimaha Debadda Mudane Maxamed Mixille Boqorre, kuwaasoo aan uga mahadcelinayno sidii wadanjiyadda iyo xilkasnimada lahayd ee aan usoo wada shaqaynay, iyo inaanu sidoo kale halkan ku soo dhawaynno oo la is barto Wasiir-ku-xigeenka cusub ee Madaxweynaha JSL usoo magacaabay xilka Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Debadda waa Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, isla markaana aannu isugu yeedhno oo ku wadatashanno Safiirada Somaliland ee wadamada debadda qaarkood oo had iyo goor aannu wada shaqayn weyn iyo iskaashi ka leenahay xagga xidhiidhka jaalliyadaha iyadoo runtii aan ka cudur daaranayo oo aan ka xumahay inay Safiiro badani noqdeen oo France, Sweden iyo dalal kaleba leh inkastoo aannu Xafiiska ku wada qaabillay oo markasta ay dalka yimaadaan nagu soo booqdaan Xafiiska iyo Wasaaradda,” ayuu yidhi.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Dr. Sacad Cali Shire, oo isna ka hadlay munaasibadda ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay Guddoomiyaha Qurbajoogga oo uu ku bogaadiyay fursaddan, isla markaana mahadnaq u jeediyay  masuuliyiinta la bedelay ee ay soo wada shaqeeyay isagoo xusay in xilka uun laga bedelay balse aanay ka tegin shaqadii qaranka kana fogaan doonin ee loo baahanyahay kaalintooda.

Waxa kale oo ka mid ahaa xubnaha ka hadlay kulanka Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Ammuuraha Afrika ee Gudida Ictiraaf Raadinta heer qaran, Danjire Xuseen Cawil Ducaale oo ka warramay taariikhda Somaliland, iyo dhibaatooyinkii Somaliland ka soo gaadhay Somalia xilligii midnimadii burburtay ee kallifay in dadka Somaliland halgan dheer u galaan dib ula soo nqooshada madaxbanaanidooda, Dr. Edna Edna Aden Ismaaciil, Wasiir-ku-xigeenka cusub ee Arrimaha Debadda Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan iyo xubno kale. Dr. Edna ayaa ku dheeraaday sida ay diyaarka ugu tahay ee uga go’antahay inay garab taagnaato oo la shaqayso Wasiirka Arrimaha Debadda, “Wasiir waxa aannu diyaar u nahay inaanu kula shaqaynno oo aad nagu shaqaysato, oo waxa aan soo jeedin lahaa inaan immika samaysanno qorshe cad iyo istaraatiijiyad cad oo ictiraaf raadinta ah, oo aan qaybsanno shaqada oo cidba meel loo xilsaaro, oo kolba talo iyo wadatashi la isugu yimaado, maxaa lagu guulaystay, maxaa lagu guulaystay, maxaan lagu guulaysan, maxaa waxka bedel u baahan,” ayay tidhi Dr. Edna Aden Ismaaciil.

Waxa iyaguna ka hadlay kulanka labada masuul ee maalintii shalay xilka wareejiyay Mudane   Boqorre iyo Danjire Kaysar oo uga mahadceliyay Guddoomiyaha Qurbajoogga, Wasiirka Arrimaha Debadda iyo guud ahaan Wasaaradda Kharaajiga sida dhaqanka, sharafta iyo karaamada leh ee loo qiimeeyay in munaasibadan sagootinta ah loo fidiyo.

Dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee kulankan ka hadashay ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyay shakhsiyadda, hawlkarnimada, iyo daacadnimada uu ku sifoobay Wasiir Sacad Cali Shire, isla markaana ku bogaadiyay Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi inuu asiibay markuu dib ugu soo magacaabay Wasaaradda Kharaajiga taasoo fursad weyn u ah sii wadida dadaalka ictiraaf raadinta iyo geeddi socodka horumarinta siyaasadda arrimaha debadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu yahay qofka ugu habboon ka shaqaynteeda.

Dhinaca kale, shaqaale-weynaha Wasaaradda Arrimaha Debadda ayaa dhammaadkii kulanka shahaado sharafyo ku maamuusay labada masuul ee xilka wareejiyay Mudane Maxamed Mixile Boqorre iyo Danjire Kaysar Maxamed Cabdillaahi.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso