Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Jaamac Caarre Samatar

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Jaamac Caarre Samatar oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 20/12/2017, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Chief Caaqilka tiir ka baxay madaxda dhaqanka Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso