Ra’yi ururin cusub ayaa muujisay hoos u dhaca Shacbiyada Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hoos u dhac ku yimid shacbiyada heerka ugu hooseeya, iyada oo boqolkiiba 35 dadka Maraykanku ay ku qanacsan yihiin shaqada Trump, sida laga soo xigtay ra’yi ururin cusub.

Ra’yi ururintan oo dhawaan lagu sameeyay CNN, ayaa 59% dadka Maraykanku waxay muujiyeen sida ay uga xun yihiin shaqada madaxweynaha Trump.

Marka la barbardhigo, boqolkiiba 45 dadka Maraykanka ah bishii Maarso ayaa sheegay in ra’yi ururin ay sameeyeen isla kan oo ay taageerayaan siyaasadda Trump.

Shacbiyada Trump waa rikoodhka ugu xun ee madaxwaynaha maraykanku uu arkay dhammaadka sanadkiisii kowaad ee xafiiska.

George Bush Jr. wuxuu sanadkiisii ugu horreeyey ee uu galay Aqalka Cad (White House)shacbiyadiisu ahayd 86% halka John Kennedy ay ahayd 77% halka Bill Clinton iyo Barack Obama waaxay ahayd labadooduba 55% ilaa 59% dadka Mareykanka ah.

Inkasta oo taageerada Trump ay weli tahay mid xoogan xaga Jamhuuriga (85%) halka taageerada xisbiga Democrats ay tahay kaliya 4%.

Ra’yi ururintan ayaa dhacday 14kii Disembar ilaa 17, waxaana ka qaybgalay in ka badan 1,000 oo Maraykan ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso