Dadkii wax inoo ikhtiraacey, ama wax inoo soo saarey, ama culuumtan seyniska ah tijaabadooda ku heley, ama inoogu fikirey, sida: aaladahan kala noocnooca ah, ama qalabyadan kala adeegyada ah, ama teknoolojiyadan nolosheena waxa badan ka tartey, ama aqoontan dhinacyada badan leh’i, ogsoonin inay col iyo cadaawad baahsaneyd, inay wadaadadii kiniisadaha ee waayadaas, inay kala kulmi’jireen.
Wadaadadii kiniisadaha ee xilliyadaas’i, caalimyadii mufakiriinta ahaa ee waqtiyaas, si ba’an aya’ay ula dagaalami’jireen, oo ay u ugaadhsanjireen, oo ay u ciqaabi’jireen. Waxa ay wadaadadu dadkaas ku sheegi’jireen: dad waalwaalan, oo aan miyirqabin, oo sheydaamadu ay ku shaqeystaan.
Sababtii ay wadaadada kiniisaduhu ay sidaas u sameynjireen, ee indheergaratada ay dhimirka ugu shaambadeynjireeni waxa ay ahayd: cabqariyiintaasi oo caqligoodii ka shaqeysiiyey, oo maskaxahoodii adeegsadey, oo aqoon intii ay lahaayeen’na isticmaaley, oo afkaar cusub adduunyadan ku soo kordhiyey.
Wadaadadu waxa ay mufakiriintaas u arkayeen: niman kiniisadaha lid’di ku ah, oo munaafaqiin ah, oo sheydaamiin ah, oo dumiya’yaal ah, oo kutubtii marjaca u ahayd’na aan ogoleyn; oo diiddan. Sidaas darteed’na, in dadka laga qabtaa’i, inay waajib tahay.
Ujeedada wadaadadu waxa ay daarneyd: inay tooda oo kali ah’i ay socoto, oo ay shaqeyso, oo waxii dadka ay u yeedhiyaan, ama meel ay ugu qoraan oo qudh ah, inay ummaddu ku wada dhaqanto, oo aanay cidi’na ka beydhbeydhin, oo aanu qofna muran ka keenin; oo aanu ruuxna ka hor’imannin.
Sidaas darteed, shakhsigii lagu arko, ama lagu maqlo, ama lagu soo sheego, inuu fikrad cusub oo tooda ka gaddisan uu soo walwaalayo, ama uu soo wadto, waa la soo qabanjirey, oo wadaadada ayaa loo keeni’jirey. Iyagu’na – waa wadaadada’e – nafarkaas caqligiisa ku eedeysan, wa’ay ciqaabi’jireen; oo xukun adag, oo aan racfaan lahayn, aya’ay marsiinjireen.
Wadaad kasta oo kiniisadeedi’ba, hal il iyo hal dhagg buu lahaanjirey. Ishiisu, wax aan qoraalka kiniisadda yaalla ka ahayn, ma aanay akhri’i kari’jirin. Dhaggtiisu’na, wax aan casharka loo yeedhiyey ka ahayn, ma aanay maqli kari’jirin. Sidaas darteed, cilmi kasta oo intaas dhaafsiisan, la’ma soo marin kari’jirin, oo camal sheydaan aya’ay u arki’jireen; wa’anay la dagaalami’jireen.
Guud ahaan, wadaadadaas hadafkoodu waxa uu ahaa: tiinu ya’anay baarixi idinka noqonin, oo dadka idin taabacsani aanay idinka ilbixin, oo indhaha aanay idinku kala qaadin; oo busaaradi aanay idinku dhicin. Sababahaas awgood, aya’ay shamacii soo ifbaxa’ba, ay uga hortagi’jireen, oo ay u weerari’jireen; oo ay u bakhtiinjireen.
Umuuruhu wax ay sidaas u socdaanba, aakhiritaankii waa lagu fahmey, oo toodii ayaa waxba soo kordhin weydey, oo wa’ay shiiqdey, oo wa’ay duugowdey. Ka dibna, runtii ayaa soo shaac baxdey, oo faa’idooyinkii aqooneed ayaa soo maaxdey, oo guushii cilmiyeed ayaa dhalatey.
Hadda’ba, dadna qarniyadaas fogfog, aya’ay himilooyinkoodii caynaanka u qabteen, inagu’na – nasiib darro – halkii ay waqtigaas dheer ka guureen, aya’aynu haddeer taagan’nahay. Qofkii caqliyad, ama fikrad, ama aragti cusub oo teena ka duwan la yimaadaa’iba, waa: cilaaj!
Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com