Waa Maxay Baahida Keentay Abuuridda Ururka Dhalinyarada Ee MAHURAAN Kulmiye.

 

Ururka MAHURAAN Kulmiye;

Waa Urur dhalinyaro oo ka kooban dhammaan gobolada JSL & qurbaha. Hadaba baahida keentay inuu samays-mo ururkan dhalinyarada MAHURAAN waxay ka dhalatay ka dib markii ay kor u kacday heerka qabyaaladeed ee xisbiyada qaranka qaarkood saamayn togana ku yeeshay bulshada dhexdeeda. Iyadoo qabyaaladduna bulshada dhexdeeda ka noqotay macruuf & shay caadiya. Ayaanu ikhtiraacnay samaynta ururkan MAHURAAN, anagoo ah guruub dhalinyaro ah kana kooban dhammaan gobolada dalka & qurbaha.

Waa kuwan aragtida & ujeedooyinka ururka dhalinyarada ee MAHURAAN.

Aragtida Ururka Dhalinyarada Mahuraan Kulmiye :-
♡. Dhalinyarada Somaliland oo u Diyaarsan una Midaysan Horumarka & Dhismaha Dalkooda Kana Xor ah
♡. Qabyaalad  &
♡. kala Qaybsanaan.

Ujeedooyinka Ururka Dhalinyarada  Mahuraan Kulmiye:
1. In Dhalinyaradu Qaataan Doorka ay ku Leeyihiin Horumarka Bulshada & Doorashada Hogaanka Suuban ee Mustaqbalka Dalka.
2. In La Xoojiyo Fursadaha Waxbarasho & Awoodda Wax Soo Saar ee Dhalinyarada Somaliland.
3. In ay Dhamaan Dhalinyarada Somaliland u Sinaadaan Helitaanka Fursadaha. Iyadoo Loo Eegayo, Aqoonta, Xirfadda & Kartida Qof Ahaaned.

Gudomiyaha Ururka Dhalinyarada MAHURAAN Kulmiye:
Gar. Keyse Koosar Cilmi-

Advertisement

Ku Xayeysiiso