Falastiin Saddex Mataano ah oo Alle Subxaanuhu Watacaalaye ku Arsaaqay U Bixiyey Magacyada “Quds .. caasimada .. Falastiin”


Muwaadin reer Falastiin ah oo reer Gaza ah ayaa Alle Subaxaanuhu Watacaalaye ku arsaaqay saddex mataano ah (laba wiil iyo Inan) subaxnimadii khamiista, 21-kii December waxaanu u bixiyey Quds, caasimadda iyo Falastiin.

Nidal Yousef al-Sikli oo ah 30-jir ka soo jeeda Gaza, ayaa sheegay inuu hadafkiisa magacyadani yihiin inuu xooga saaro hadafkiisuna yahay in Qudus tahay Carab Islaami ah ayna ahaan doonto caasimada Falastiin weligeed .

Aabahan reer Falastiin sheegay inuu Ilmahiisa mustaqbalka u bixin doono Abadiya (weligeed) waxaanu sheegay in rajadiisu tahay in dadaalka Falastiin iyo Carabtu ay guuleysn doonaan, kana guuleysan doonaan go’aanka Maraykanka ee dhawaan, kaas oo Donald Trump ku dhawaaqay 6-dii Diseembar ee dalkiisu ugu aqoonsaday Qudus ee caasimadda Israel.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso