Inta badan dadka Maraykanka ayaa ka soo horjeeda go’aanka Trump ee ku saabsan Qudus!!!


Ra’yi ururin cusub ayaa muujisay in inta badan dadka Maraykanku (49%) ay ka soo horjeedaan go’aanka Madaxweyne Trump ee ah in loo wareejiyo safaaradda Mareykanka magaalada Qudus, halka 36% ay taageersan yihiin go’aanka.

Ra’yi ururin ay samaysay CNN Maraykanka usbuucii hore, waxay si siman u kala qaybisay Maraykanka oo ku saabsan aqoonsiga Qudus oo noqota caasimadda Israel, iyadoo 44% jawaabeyaasha ay taageerayaan go’aankaas halka 45% ay xaqiijiyeen inay ka soo horjeedaan.

Baadhitaankan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in Saddex-meelood oo Maraykan ahi ay aaminsan yihiin in Maraykanku dhinacna isbabar taagin Dhinacyada isku haya Bariga Dhexe, laakiin 24% dadka Mareykanka ayaa aaminsan in Israel la barbar istaago halka 2% ay taageereen Falastiin.

Sahankan oo la qabtay intii u dhaxaysay Disember 14 iyo 17, ayaa waxa ka qayb galay 1001 muwaadiniin Qaangaadh ah oo Maraykanka ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso