Gudaha Ka Eeg :Kuuriyada Waqooyi Oo Xayiraadda La Saaay Ku Tilmaantay Ficil-Dagaal .

Kuuriyada waqooyi ayaa ku tilmaantay xayiraadihii ugu dambeeyey ee Qaramada midoobay ay ku soo rogtay inay yihiin “ficil dagaal”.

Hadal laga soo saaray wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in tallaabooyinkaas ay u dhigmaan xayiraad dhaqaale oo dhamaystiran, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka rasmiga ah ee KCNA.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii xayiraado cusub ku soo rogay Kuuriyada waqooyi, kuwaasoo jawaab u ah tijaabooyinka gantaalaha ballistigga ee Pyongyang ay samaysay.

Qaraar qabyo qoraal ah oo Maraykanku diyaariyey, ayna taageereen dhamaanba 15ka dal ee golaha ku jira, ayaa qodobbada ku jira waxaa ka mid ah tallaabooyin lagu dhimayo 90% shidaalka uu waddankaas dibadda ka keensado.

Kuuriyada waqooyi waxaa horeba xayiraado ugu soo rogay Maraykanka, Qaramada midoobay iyo midowga Yurub.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso