nadaafadda kuwa cuntada sameeya iyo saameynta caafimaad ee ay ku lee yihiin bulshadeen.

sideedaba ninka ganacsada ahi hadii aanu lahayn alla ka cabsi,wax kale ee xidhaa waa sharciga oo uu ka baqdo,waxaan arkeysaa hadii aad suuqa khudaarta lagu iibiyo aad dhex istaagto,basasha,iyo tumaandhada baradhada IWM ee khaayistey xumaatey ee dhinac la iska dhigay,hadii aad waydiiso kuwa booshariyada haysta waxay ku o dhanayaan hudheelada ayaa naga qaata subxaana lahaa oo qiima jaban ayaanu ka siinaa,iyana waxaaa la mid ah khudaarta kale sida muuska canbe lafka saytuunka IWM oo sharaabka laga sameeyo,yaab taasi waxaa ka sii daran wershadaha cake-sameeya hadii aad aragto beedka ay ka sameeyaan oon is idhi malaha qiimihiisa ayaa ka jaban,naftaadu kuma siineysa inaad ag istaagto oo caloosha ayaa kugu xanuuneysa iskadaa inaad cuntoo,dadkeenu maalin walba dhakhtarada ayey sidaa u taagan yihiin,waxas oo dhan waa nadaafad darada cuntooyinka iyo tayo la aaanta marka horeba ay lee yihiin,dawadii ayaa iyana la mid ah,hadaba dawlada madaxweyne muuse biixi waxaa horyaala hawlahaas oo ay tahay iney qorsha ku darsadaan,dhalinyaradan bilaa camalka ah ayaa shaqooyinka ku daba gali lahaa,ilaalinta cuntada tayadeedda iyo nadaafadeedu waa muhiinada ugu horeysa ee ay tahay in isha lagu hayo,ganaax ama liisanka oo laga qaado ayaa mushahar u noqonaya shaqaalaha hawshaas galaya waana shaqo abuur iyo naf ilaalinba.

ta labaad ee soo raacda waa ilaalinta shaqaalaha hoosaadka u shaqeynaya dadkaas ganacsatada ah ,ee intooda badani aaney lahayn damiir iyo iiman toona, iyagu waxa kaliya ee ay rabaan waa faa,iido xaaraan ah.

tacliinta tayadeeda iyo caafimaadka tayadiisa,shaqaalaha ilaalinta xuquudiisa,xayawaanka ilaalinta xuquudiisa,waxaas oo dhan waa inaad qorsha xukuumadu ku darsato ayaan ka rajeynayaa ilaahay sida kheyr kale ha ina garansiiyo.
Allaa mahad leh
cabdirisaaq xoosh
Hargeysa

Advertisement

Ku Xayeysiiso