Xoriyad Weydaarsasho Beer iyo Malaayiin Doolar,Ninkii Labaad oo La Sii Daayay Raga U Xidh xidhan Musuqa Sucuudiga!

 

Waxa la sheegayaa in la sii daayo Mohammed al-Tabishi oo ahaa madaxa munaasabadda xafladaha ay la yeesheen mas’uuliyiintu Boqortooyada.

Sida la sheegay Guddiga sare ee la dagaallanka musuqmaasuqa ee Boqortooyada ayaa sii daayay Al-Tabishi, iyada oo la sheegay inuu ka tagay Hotel-ka Jeelka loo bedelay ee Ritz-Carlton Riyadh, loona ogolaaday xorriyaddiisa ka dib heshiiska mas’uuliyiinta Awooda u leh una dhiibay in ka badan 450 milyan oo riyaal ah, oo u dhiganta qiyaastii 120 milyan oo doolar.

Waxaana intaa lagu daray in madaxii hore ee xafladaha boqortooyadu uu sidoo kale ka tanaasuley beer aad u weyn oo lagu magacaabo “Samariya” oo lagu qiimeeyay in ka badan 100 milyan oo doolar.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso