Magaalo Shiinaha ah oo Fadeexadysay Dadka Daymaha lagu leeyahay ee Iska Bixin Waayay Kuna Xaradhay Boodhadh Waawayn!!!


Warbaahinta Shiinaha ayaa sheegtay in mid ka mid ah magaalooyinka Shiinahu ay soo bandhigeen sawirrada muwaadiniinta diidan inay bixiyaan deymaha ay qaateen iyagoo Sawiradooda lagu Soo Bandhigay Boodhadh waaweyn oo lagu dhejiyey waddooyinka .

Sida laga soo xigtay warbaahinta, masuuliyiinta magaalada Xi’an waxay daabaceen sawirada kuwa soo celin waayay deynta, magacyadooda iyo faahfaahintooda shakhsiyadeed, iyagoo ku jira muraayado waawayn, oo lagu xidhay qaar ka mid ah jidadka ugu wayn ee magaalada ku yaal.

Maxkamadda dhexe ee magaalada ayaa qeexday in nidaamku uu ahaa hab ay ku boorinayaan dadka madaniga ah ee hore loogu sheegey soo celinta deyamaha lacageed ee lagu lahaa.

Sida laga soo xigtay Wargeyska People’s Daily Online, 21-kii Diseembar ayaa waxa la bilaabay in sawirada 400 oo daymaysane lagu soo bandhigay 13 xarumood oo ku yaal Xi’an, wajiyadooduna ku ooli doonaan shan maalmood ilaa 26 Dec.

Maxkamadda ayaa sheegtey in la daabacayo sawirro dheeraad ah oo ku lug leh dadka deymaha la baxsaday ee soo bixin waayay bisha soo socota ee January. Zhang Lunan, oo ah madaxa xafiiska fulinta maxkamadda, ayaa sheegay in uu ku tallaabsan doono tallaabooyin dheeri ah oo ku saabsan deynta lagu leeyahay oo ay ku jiraan xidhitaan, ciqaab dhaqaale iyo xaddidaad safar.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso