Mudanayaasha Aqalka Golaha Guurtida Somaliland Ayaa manta Waxay Warbixin ka Dhagaysteen Gudida Nabadgalayada Ee Golahaasi.

Hargeysa(Toggaherer)-Mudanayaasha Aqalka Golaha Guurtida Somaliland Ayaa manta Waxay Warbixin ka Dhagaysteen Gudida Nabadgalayada Ee Golahaasi.

Fadhigii maanta aqalka golaha guurtida somaliland ayaa oo uu shirgudoominaayey gudoomiyaha golahaasi md- saleebaan maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahaasi waxay warbixin faahfaahsan ka dhagaysteen gudoomiyaha gudida nabadgalyada ,difaaca iyo arrimaha gudaha Ee golahaasi guurtida xildhibaan ismaciil,waxaanu warbxintiisa daboolka kaga qaaday xaalada xabsiyada wadanka waxaanu xusay in xabsiyada dalku u baahan yihiin in kor u qaadis lagu sameeyo tayeyn ,isla markaasina la dardargaliyo howlahooda kala duwan.

Mudadii fadhigaasi socday waxaa ka cadhooday xildhibaan xirsi ciise jaamac fadhigina dibada uga baxay,balse mar uunu isku daynay in aanu wax ka waydino waxa uu ka cadhooday wuu naga gaabsaday in uu warbuuxa naga siiyo sababtaasi:

muuqaalkaasi gudida nabadgalyada iyo xildhibaankii cadhooday halkani ka Daawo:

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso