Bangladesh oo warshad dharka lagu Farsameeyo ka furtay gudaha xabsi si kor loogu qaado dakhliga maxaabiista

Mas’uuliyiinta Bangladesh ayaa sheegay in ay fureen Warshad dharka ah gudaha xabsi si loo hagaajiyo dakhliga maxaabiista.

Mas’uuliyiintu waxay tababar ku siiyeen 300 oo maxaabiis xabsiga ka baxsan caasimadda Dhaka si ay u tolaan dharka uguna diyaariyaan in la geliyo dharkaas suuqayada laguna iibin doono suuqa xorta ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in maxaabiistu ay lacag u diri karaan qoysaskooda ama ay haysan karaan ilaa inta ay xabsiga ku jiraan ee ay dhamaysanayaan xukunkooda.

Bangladesh waa dalka labaad ee u dhoofiya dharka caalamka, gaar ahaan suuqyada Yurub iyo Maraykanka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso