14 sano oo xabsi ah oo Lagu Xukumay Haweenay Croatia oo Xasuuqday Dad ka Badan Boqol Kun Qof Dalka Bosnia


Maxkamad ku taalla Sarajevo ayaa ku xukuntay 14-sano oo Xabsi ah Azra Bašić laguna soo oogay dembiyo dagaal oo ka dhacay Bosnia 1990-kii Qarnigii Tagay.

Maxkamad ayaa xukuntay Sababaha aasaasiga ah ee dembiyada dagaal ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee haysteen ciidamada Croatia bishii Abriil 1992.

Azra Bašić ayaa ka mid ah 10 haween ah oo lagu eedeeyay in ay galeen dambiyo dagaal intii lagu gudajiray dagaalkii Bosnia, halka 20 kalena ay ku jiraan baadhitaan. Tirada ragga lagu helay denbiyo dagaal ayaa ah boqolaal.


Azra Bašić, oo 58 jir ah, ayaa mas’uul ka ahayd maleeshiyaad Croatia intii lagu jiray dagaalka, kaas oo dilay 100,000 qof intii u dhexeysay 1992 iyo 1995.

Waxaa lagu xidhay codsigii garsoorka Boosniyaanka sanadkii 2011 waxaana lagu qabtay Maraykanka hakaas oo ay u guurtay dhammaadkii dagaalkii.

Waxaana loo dhiibay Sarajevo sanadka 2016-ka, halkaas oo ay maxkamadeedu ka bilaabantay bishii January.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso