Telefoonada Casriga Ah Oo Halis Ku Ah Aragga Carruurta Dadoodu yartahay.

Hargeysa(Toggaherer)-Telefoonada Casriga Ah Oo Halis Ku Ah Aragga Carruurta Dadoodu yartahay.

Caruuraha ayaa saacado badan ku qaata isticmaalka taleefoonada casriga, iyo kumbuyuutarada, dhaqankaas dhawaanahan soo kordhay ayaa la sheegay in uu aad wax ugu dhimay aragga indhaha carruurta.

.

Inkasta oo aanan lagu samaynin cilmi baaris ku filan, haddane qubarada ayaa ka digaya halista ay indhaha ku leeyihiin taleefoonada casriga ah sida iPhone oo la sheegay in carruur badan lagu arkay aragtida gaaban.

Waxa ay ku talinayaan qubarada in waalidiinta ay caruurtooda ku dhiirogaliyaan in inta badan ay banaanada kusoo ciyaaraan, halkii ay guriga dhex fadhin lahaayeen.

Professor Chris Hammond oo ka tirsan jaamacadda King’s College London ayaa yiri “Aragti gaabnida waxa ay gaaraysaa heer xad ka bax ah adduunka, dalalka Singapore, Taiwan iyo Kuuriyada Koonfureed, waxa ay gaareen dadka qaba aragtida gaaban boqolkiiba 90%, gaar ahaan dadka da’doodu tahay 18 jir”.

Annegret Dahlmann-Noor oo ka tirsan isbitaalka indhaha ee Moorfields ee London ayaa sheegtay in aragti gaabnida ay ugu wacantahay la’aanta illeyska dabiiciga ah.

Balse Hammond ayaa qaba in nidaamka waxbarasho ee dalalka Asia ku yaala ay ugu wacantahay in carruurta lagu cadaadiyo in ay aad wax u bartaan xili aysan gaarin da’dii loogu talogalay, taasna ay ku kalifto in ay saacado badan wax akhriyaan.

Waxyaabaha kale ee waalidka lagula taliyay ayaa waxaa ka mid ah in carruurta loo badiyo qudaarta taas oo aragga wax ka qabanaysa.

Astaamaha lagu garto in ilmahaagu uu qabo aragti gaabnaanta ayaa waxaa ka mid ah haddii uu doonayo in uu fariista qeybta hore ee fasalka maadaamaa uusan si wanaagsan u arkaynin waxa sabuurada ku qoran, in uu ka sheegto madax xanuun iyo in uu dhalada ku dhawaado marka uu daawanayo.

Siyaabaha lagu daweyn karo ayaa waxaa ka mid ah dawo garoojo ah oo indhaha lagu dhibciyo, balse wali lama hayo xal gabi ahaanba looga hortaga xanuunkan.

Dadka qaar waxa ay qabaan in aaladaha casriga ah ee horseeda xanuunkan wax laga qaban karo, loona baahanyahay cilmi baaris intan ka badan.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso