AFRIkA: Qaarad U Nugul Caddawgeeda Q3aad
- Raadkii Gumeystaha
Inkasta oo muddadii uu gumeystuhu Afrika ku amar ku taaglaynayey aanay guud ahaan ka badnayn 85 sano misana laba raad oon si hawlyar ku tirtirmi Karin ayuu reebay ama ka tegay gumeystuhu, tan koobaad 54ka dal ee maanta qaaraddu ka koobantahay gumeysayaashii reer galbeedka ayay ahaayeen kuwii jeexay xaddadkooda iyo soohdimaha u dhexeeya waddamada Afrika. Soohdimahaas oo dabar ku noqday horumarkii qaaradda ka dib markii ay abuurmeen dagaalo badan oo salka ku haya xuddudahaas macmalka ah (colonial artificial boundaries) sababta oo ah waxa la isku daray dadyaw aan isku isir ahayn halka kuwii isku isirka ahaana lakala dhex dhigay xudduudo . gumeytuhu muu abuurin umaddo Afrikaan ah ee waxa uu taabbo galiyey qaramadda maanta.
Raadka labaad waa mid ka yimid tignoolajiyada oo dal wal oo madaxbanaaniba rabo in uu u adeegsado horumarka. Siyaabo kala duwan ayay gumeystayaashii qaaraddu u muujiyeen gacanta sare ee yurub ku mutaysatey adeegsiga farsamada; ha noqoto samayntii hubka, isgaadhsiinta ama macdan oo ay qotaan iwm. Gumeystayaashu waxa ay dajiyeen xeerar iyo sharciyo ay u fulinayeen ciidamada qalabka sida iyo booliska, maxkamadaha, habab maamul iyo wax barid toos ah ama dadban.
Farsamada iyo tignooljiyada reer yurub raadka ay ku reebtay Afrika aadbay u qoto dheertahay. Baabuurta sida cagafyadu waxay suurto gasheen banka iyo kaynta in la beero lana dego. Allaabta warshadeysan ee reer yurub sida daadka ayay mii iyo magaalaba u gashay.
Haddaba ganacsiga aduunka iyo habaynta dawladnimadu waa la odhan karaa qayb ahaan waa arragti lagala hadhay gumeystaha,hase ahaatee arragtidaasi waxay u baahantahay in la afrikaan gareeyo oo danaha dadyawga qaaradda lagu tollo. Allaabta warshedaysan ee reer Yurub ee Afrika maansheysay ayaa ah daliilka u wayn ee ina tusaya isku filaansho la’aanta tignoolajiyada iyo dhaqaalaha ee Afrika gumeysayaasha ka dhaxashay.
- Qaladkii Soohdimaha ee Ururkii Midawga Afrika (UMA)
Inkastoo Bishii March 1963kii markii uu dhashay Ururkii Midawga Afrika ay caddaatay niyada ay waddamada Afrikaanku u hayeen in ay isutagaan. Sida ku caddayd UMA iyo sida ay qorayaasha reer Afrika ay muujiyeen, Baan Africanism waxay u taagnayd sharafta iyo heerka dadyawga Afrika ay ka galayaan aduunka waxa ay ka horjeeday in dadka Afrikaanka ahi ay ka hooseeyaan dadyawga caddaanka ah oo ay habeenimo dabiici ahi u gaar tahay.
Sidoo kale midawga Afrika waxa uu ka horjeeday ishoos dhiga dadyaw kale, baaqa ururka midawga Afrika waxa uu ahaa “Afrika in ay reer Afrika yeeshaan iyo in ay unkanto qofnimo Afrikaan ahi”.
Haddaba iyada oo waxbadan oo qaaradda guul u ahayd uu bud dhig u noqday Ururkii Midawga Afrika haddana waxa uu ururku ku fashilmay in uu ka gudbo shirqooladii gumeystuhu dhigay oo ah sida soohdimihii aan xaqa, xaqiiqada iyo danaha Afrikaba ku salaysnayn kuwaas oo loo aqoonsaday sidii uu gumeystuhu kaga tegay. Ilduufkaas taariikheed waxa uu qaaradda gayaysiiyey in ay baaqi ku sii ahaato colaaddo iyo dagaalo xanuun baddan. Akhriste waa sabab kale oo caqabad ku ah kuna sii ahaan doonta horumarka qaaraddu hiigsanayso.
La Soco Qaybta Afaraad
Qalinkii: Abdirashid Mohamed Jama (Belel)