Dhis noloshaada
Qof-kasta oo bani’aadan ah waxa uu sabab u noqdaa in uu sameeyo ilaa heer nololshiisa uu ka dhigo mid hodantinimo leh,faqiirtinimo leh ,dib u dhac leh, hor u- socod leh, badhaadhe, ducufnimo leh, hadday tahay nolol –dhoolacadeyneysa amase nolol ciilan intaba isaga ayaa beeran kara,
Haa! Hidde –sidayaasha iyo deegaanka kugu xeersan saameyn weyn iyo kaalin buuxda ay ku leedahay cusbooneysiinta nolosha iyo jiheynteedaba.waxayna ku kala–gadisanyihiin hor-kac iyo hormarka ay u horseedaan cimiladaase,iyo waayo-argnimada ku kala-duugan dadyawga iyo kartida ku ladhan ee ay is dheeryihiin.
Akhriste waxa aan marnaba la yareysan Karin go’aanka qofka bani’ aadanka ah himilidiisa iyo hiigsigiisa iyo sida uu naftiisa u carbiyo,iyo in uu ku awoodo, awood ballaadhan oo u kaga adkaado caqabadaha hida-sidayaasha iyo ta deegaankaba oo aanu marnaba is hortaagin-karin in uu noloshiisa badhaadhe galiyo,waa haddii uu ALLE UGU galladay ciddaase han-sare iyo yididiilo wacan iyo doonis xoogan, qofkaa oo leh fikir sax ah oo sugan,xaaladaha taagan munaasib ku ah,
Arrintan ka hadalkeedu waa mid aad u bannaan cid ka hadashey aaney jirin, cidkaste oo qalinka u qaadatana ku haboon in ay wax ka yidhaahdaan.
Bal aan kaga kaaftoomo qormo kooban inta aan yidhaahdo tabaarka tiir bir iyo bisinka iyo yaasiinka. walibana inta aan galka seefta kala baxo , aan burqado weedhaha dhisaya qofka morarkiisa bal aan ku wacyigaliyo.
Ha quusan ha is dhiibin hana werwerin filo kheyr iyo wacnaan barri-toole kuu iman, wejigaaga ha ururin adiga oo naftaada ka dhaadhicinaya in ay qeyrkaa kaa jaanis iyo fursado badan yahiin oo aanad, adna dheef balaadhan ku lahayn kartidooda oo kale balse, waxa aad aamintaa in ilaalada rabaaniga ahi midhaha hawl galkaaga aanay halaynaynin,waxa dhabar jab kugu ah in aad iska dhaadhiciso amase aad aaminto naftaadu in aanay mustaqbal iyo rajo toona lahayn.
Oo aanad khayr iyo wacnaan wiligaa iyo waqaa marnaba fillanayn.kalsooni daradana noocan waa is dhiibid dhameystirin, taasi waa sunta wax disha qofka bani aadamka ahna jidhkiisa weydeysa ilaa iilka la dhigo,
Taa lidkeed waxa aad fillataa ama saadashataa samaan iyo wanaag ogowna filasshadaasi waa hantidaada iyo raaso maalkaaga ugu qaalisan noloshaada
wallilaahay darru
- wax illaahay laga saadsadaa saban barwaaqaad,e
- wax illaahay laga saadsadaa in uu ku siiyaayay,e
- sacabadda waxa loo dhiganayaa ,sakhiweynaaye.
- wax Ilaahay laga saadsadaa in uu ku siiyaay’e
- wax Ilaahay laga saadsadaa caafimaad sugan ,e
- wax Ilaahay laga saadsadaa in ay samaataayay,e
Arrintani waxa ay waasicinaysaa ifafaalahaaga mustaqbalka waxa aanay kuu fureysaa wado cusub waxa ku soofayneysaa aqoontaada iyo khibradaada ilaa heer wacan wixii ay dooratay naftaado ee ka mid ah qaybaha noloshaada oo aad u adeegsato si midha dhal leh ugana faa’iidaysato sida ugu salaxan ugana suuban
Ha isku maaweelin in Aanad Ahayn qof hal door ah amase cabqari ah oo aan duruuftu waqtigan la joogo garab gelaynin waayo caalamku uma baahna cabqari iyo hal door oo kelya guushuna ma aha wax iyaga oo keliya u xaglo duuban,
Waxa dhalinyaro badan oo aamminsan in ay jiraan cid gaara oo la siiyey hibo iyo awood dheeraada oo ay qayrkood kaga hor maraan iyaga oon wax dadaal ah samayn haba yaraadee lana yimaadaan arrimo waaweyn iyadoon wax dhib ahi soo gaadhin, wax walbana ay qayrkood kaga sed helayaana uu calaf yahay ay qayrkood dheer yihiin hase ahaatee aragtida noocaase ahi waxa ay ku tahay dhabar-jab-weyn wax-qabsigaaga iyo gaadhida guusha , cidkasta oo ku socota dariiqa shaqada waxa ay ka bilaabeen noloshooda cabsi iyo wallaac iyo Anfariir iyo feejignaan ay ku sugnaayeen intii ay bilawga ahaayeen, oo ay isla ahaayeen tallo waxay noqon,
Waxa ay ku guuleysteen ciddii guuleysatay markii ay arkeen in ay gacantooda ku jirto ileyska uga baxay kaasoo waayo-argnimadooda ku sugan, taasoo ay ku ifistaan dariiq kuna boorisay hor-socod waaxna ya ku kasbadeen waa furo kaliya oo ah waayo aragnimadoodii iyo sabirkoodii ay u yeesheen shaqdoooda go’aankee ay ku dhabr –adaygeen tallaabooyinkii ay hore ugu socdeen ee uu sabirku saaxiibka u ahaa ayay ku ogaadeen in ay ileyskii guusha gacantooda ku jiray tubtii saxda aheydna ka may maagmaagin jeero ay gaadheen wadadeed yoolkooda gaadhsiineysa,
Qofka dhalinyarada ahi Habka iyo dareeqa ugu wanaagsan ee guusha nololshaad aad ku dhis kartaa waa in uu yeesho tusaale ugu sareeyay iyo yoolka ugu ballaadhan uu bidhaansado una baadigoobo waxna uu dhigayaa abidkiisa hadafkiisaa indhahiisa hortiisa waanu uu haw-galayaa in uu hanto ujeedooyinkan waaweyn ee nolosha macno ku leh, Sida in uu noqdo mid ka mid ah,
- Aqoonyahan weyn oo waxa la weydiiyo,
- Farsamo-yaqaan weyn oo laga danbeeyo,
- Siyaasi weyn oo ruug cadaa ah oo dalka haga,
- Abwaan weyn oo dhagaha loo sifeysato,
- Feylasuuf weyn oo wax odorasa,
- Garyaqaan weyn, oon laga daba dhufan garta,
Haddaba Akhriste cidda ku qanacda heerarka loo tartamo wax ka hooseeya ,waligii iyo waaqiis ka soo waaqsan-maayo ayaayufnimo iyo xaalad hooseyna ah oo u ku sii hoobto yoolka uu jeexday yaraantiisa awgeed,
Waxa aynu aragnaa nolosheena caadiga ah cid go’aansata in ay socdaasho hal kiiloo mitir waxa uu dareentaa daal marka uu dhameeyo halkii kiiloo mitir . balse qofka go’aansada in uu socdaaalo shan kiiloo mitir waxa u dhaqaajiyaa seddex kiiloo mitir isagaoo aan daalin. waayo qorshahiisa wuu ka weyn yahay hankiisuna ka durugsanyahay ujeedadiisuna way ka durugsantahay hal-kiiloo mitir, in u ku daalo
sidoo kale waxa aynu Arkeynaa cid kasta oo u calaamadisa nafahooda hadaf cad iyo ujeedo dhiniciisana u socota daacadna u ah dareenkoodana wadasiiya kuna dadaala gaadhidiisa waxa ku guuleystaan xaqiijinta himiladooda iyo ka midha dhalinta yoolkooda ama waa ay sigaan
sababaha ugu waaweyn ee keena dib u dhaca waa in nafaheena u samayno cudurdaaro mala’awaal ah iyo caqabado taasoo inagu noqota deyrkii paarliin inagana ooda neecawda rajada aynu leenahay taasoo hoojisa nafteeda marna aynu ka shakino cidhibta danbe arimahaasi waxa ay keenayaan kufitaan iyo dib u dhac weyn oo aad naftaada soo gaadha ka dib markii ay malahaaga ka buuxsantay mustaqbal sharafle kuu muuqan, gabal baasna uu u dumeyna waayahaaga,
qofka banu aadanka ahi waa sidii Ubax soo feelaya,oo mar walba waxa uu isku dayayaa in uu hawada u soo baxo, oo uu hor- u socod sameeyo sidaa awgeed bay dhabar-jab ugu tahay caqabatahaa aanu sheeganay ee rajo xumidu kaw ka tahay ayna yihiin kuwa ka hore istaagaya in uu midho iyo aayo yeesho waxaana qofku ku baxaana waa yididiiladiisa, hanka sare iyo himilada u ku taamo in uu gaadho.
Haddaba Akhiriste tusaale sare ee ay hiigsanayaan barbaartu waa huritaan iyo halgan ay waajib tahay in laga hor mariyo wax walba oo aaney noqon tacab maal kaliyay iyo waxa lagu kasbaday dariiq xeeladeysi ah.
Gafananimada lagu noqdo dadka lana dhiig-miirto taase guush lagu gaadhaa waa anshax xumi iyo habka ina gumeednimadu biyo dhigtay, ay ku xoogsadaan.guusha lagu dhisaan waa mid raqiis ah.
Haddaba guusha dhabta ah waa cidda kulansada in uu ku guuleysto shaqadiisa si ammaano leh iyo dhibirsanaan saamaxaad iyo sama-fal uu u samafalayo dadka taagta daran iyo kuwa baahanba. Waayo dadka kugu xeersan looma abuurin in loo isticmaalo walax aad iska yeelatay rabitaankaaga ugu shaqeysato uguna faaideysto saad doontaba u yeeshid waxa loogu talo galey in aad is weydaarsataan manfac wanaag saxan akhriste waxa ah wax laga xumaado in ay dadka qaar ayaa ku qiyaasa guusha qofka ee u gaadhaa maal iyo hantidu ay tahay miisaan dhabtaha ee guusha ugana dhiga kasbashada maal aduun oo qudha,
Taase waxa ka sareysa oo lala qabaa qofka leh anshax iyo qiyama ka toosin uu yahay mid aan dhan uga leexan uu yahay ka tusaalaha mudan leh ,ka dibna yuu san wada helin dhammaan baahiyihiisa odhan kaasbaa kheyr badan bulshadiisa ka daneysa taha ee aan xushmo laheyn,
Kuwaasoo uu yoolkoodu dhan adduun qudh uu yahay si u hella lahaa xittaa hadday dad qoortood ka dultalaabsadu ay noqoto,
taasi waa Anshax xumid ka mid ah hababka inay gumeednimada guusha lagu dhisaana waa mid raqiisa haddaba guusha dhabta ah waa in uu kulansado wiilka dhalinyarada Ah in uu ku guuleysto shaqadiisa ka wacan Akhlaaqidiisa iyo dhibirsanaanta iyo saamaxaada leh ba isagoo u samafalay dadka tag-daran iyo kuwa baahanba,
Qof ka bila’aadankii maaha neef xoolaha oo ay ku deeqdo in uu wax cuno waxna cabbo, ta u qiimaha u yeelaysa inta uu leegyahay quudhiisa qaddarka ay leegtahay maalkiisa taas oo u wax macaan ku cuno una sharaabkana cabbo ta ugu macaan waa in u ka sareeyo qiimaha qofka adamaha ahi arintaasi.
dhab ahaantii waa mid wanaagsan in la xoogsadaa oo waaArrin la rabo waajib ah waan guusha maadiga ee nolosh loogu guntanayo ,balse waa in wax leyskula hadho sharafta la dhawro caado qaato-nimada iyo hunguri weynida oo ah Anshax xumi ku ah shakhsiyadiisa,
cidda si dhab ah u guuleystay waa kuwa ku raaxeystay jecaylka ah falka wacan iyo jecaylka quruxda ficilka wanaagsan, qawlka wacan uu leeyahay adduunku, taase buu dareemaa daacadnimadana u dhadhansadaa ,dareen wanaagsan laab saafi ah oo u adeegta bulshada,
waxa yaalahaa ugu muhiimsan ee aad nololshaada ku dhis kartaa waa kalsoonida naftaada aad siiso amminsanaanta aad aaminto in ay tahay mid ku haboon halgan oo diyaar u ah in ay guuleysato,
ma jiro wax uga dhibbaato badan qofka bani’aadanka ah in uu naftiisa ka aamino liidnimo,amase uu yareysto oo u ka aamino tamar darro ayna waxba qabsan –Karin,
dadka qaar waxa haleela cudurka dilaagaah ee qofka u ku dhacaa u ku daayay, oo ah han jabka nafta, aynu odhan karno waa in uu iska aamino arintaas,
waxayna naftu iska aaminsanyihiin waxba-yahay,taase waa gafweyn oo ay ka galeen naftooda iyo ummadooda waxaana ay dhabarjab ku tahay himilada ay ku taamayaan waana dilaa oo moraarka iyo waxqabsiaga meesh ka saara,
haddaba akhriste waxa kaaf iyo kala dheeri ah ixtiraamka nafta iyo sharfid aad sharafto,naftaada iyo kibirka iyo qabka isla weynida dhuux iyo lafta ku saaqa, wey kala gadisan yihiin,
ixtiraanka iyo qadarinat naftu waa in aad hankeed kor u qaado ood sharftu wixii aan ku habooneyna in aad ka dhawrto , kibirkuna waa waxa aanad mudanayn ood baadi goobto adiga qab u qaanshaartay, hadana maamuus u soo cummaamaday muuqaallo huu haayana oo aan qiimo laheyna isku maaweeliyso, arki weydna qadarkaa inta u leegyahay,
waxa aan kugula talinyaa si aad noloshaada u dhistid waa in aad u dhoolacadeyso noloshaad waayo u dhoolacadeyntu waxa ay firfircooni galisaa caqliga iyo jidhkaba waxa ay kal yareysaa daalka iyo tacbaanka iyo culuska nolosha waxanna ay nafta u ifisaa ifafaale-san iyo mustaqbal ifaya, kalsooni dheeraad ahna wey siisaa qofkan waxa ay furtaa adduunka wajigiisa quruxda badan, saabuun bay u tahay waayaha aduunka iyo walaaciisa haddii aanu qosol jiran qalbi guuleystaa ma ku jireen dhool la cadeeyo ayay nolosha dhibaatadeeda lagu yareeyaa, dadka nolosha u dhoola cadeeyayaa dadka kale way ka shaqo iyo firfircoon badanyihiin, inta badan way faraxsanyihiin oo marka aad aragto farxad baad ka qaadaysaa,halka dad waji macbuus ah aad yalaaligooneysid mar ka aad la kulanto inta badan waxa ay ka sheekeeyaan ba iyo hoog noloshan way u calaacalaan dhibaato wariyayaal weeyaan rajada gabi laga saaray,
sidaasa wax ka gadisan dadka nolosha u dhoolacadeeyaa wey ka waji furanyihiin , wayna ka waxqabad badanyihiin dadka kale nolosha way ugu farxad badanyihiin, hawlaha Adag qabashadooda ku fiican, rajadana abuura xalan u raadin badan qabadaha soo waajaha ,
AKHriste tani waa talo dhalinyarada aan u soo jeediyay oon ku iftiiminayo waayaha ku gadaaman dhalinyarada.
qalinkii :cabdi casiis cabdilaahi xirsi Abaabul