Qisaan fadhiga ugu kacay waa qisooyin badan oo xidhiidh ah ee dhagaha u sifeyso Akhriste
Maskaxdii migisti xaylo maryam,
Taariikhdu markay aheyd 1981 Waxa isku dhacay soomaalida oo isku shuf beeshay, sidii dabkii oo kale ayey isla ololeen, walaalaha soomaaliyeed meel ayay joogaanba, badhba badhka kale ayuu cunnay side ugaadhii,
Dawladdii soomaaliyeed iyo jabahadii, si ka fool fool ah isku galeen, isku mashquulay, iskuna rogmadeen,
Kadibna Indheer-garadkii iyo aqoonyahanadii xabashidda ayaa shir degdeg ah oo allbaabadu u xidhanyahay oo laga arrinsanayo sidii soomali leysku kaba-raacin lahaa loogana takhlusi lahaa galay, maadaama ayay maanta soomali ,ayey isku jeedsatay isna cunneyso, in ay duulaan hal mar ah ayay isku kabo-raaciyaan,
Aragtida ay ka wada duulayeen khubaradda itoobiyay waxa ay aheyd mab’ada qudhiyay oo ku asteysnaa cadawtinimada soomalida iyo in ay isku mid yihiin, oo ay dhamaantood nacab ay ku yihiin jirtaanka itoobiyay,
Madaxdii iyo aqoonyahanadii xabashida ayaa shirkaa ka soo qeybgalay
Shirkii ayaa la bilaabay waxana lagu bilaabay oo miiska dhigay in ay soomali madax iskula jiraan ayayna tahay guul weyn oo itoobiyaanka u soo hoytay,
Waxa la soo jeediyey in laga tashadu sidii soomaali meesha looga saari-lahaa maadaama ay yihiin cadawga kaliyee taariikhiga ah ee ay itoobiye leedahay, dood weyn baa loo kala baxay aragtiyo halis ku ah ummadda soomaliyeed ayaa leys weydaarsaday,waxayna isku raaceen in ay tahay naq-roob oo itoobiyay u da’ay , iyo fursada tahabiyay in maanta soomaali inta ay isku jeedaan weerar lagu eekeeyo, oo sidaa lagu burburiy, iyada oo gacanta mar la wada saarayo,
Kadiba aqoonyahanaddii iyo khubaradii colaadinta soomalida u bislaaday,bmarkii ay taladda goosteen ay ogaadeen in aanay taladna uu ka maqan yahay ruug-cadaagii iyo aabihii itoobiyay migiste xaylo maryam aan laga talo-galin,Talada ku haboon soomaali burburinteed,
Migisto xaylo maryam nin aad u maskax weyn oo aad u caqli wanaagsan yuu ahaa oo mucjiso ah,
Waxa qasaba noqotay in ay la faqaan oo ay kala shawraan, migiste,
Waxa ay weydiiyeen soomali maanta weerar cirka iyo dhulka ah oo aanu fursadda ka faa’ideysano ayaannu damacsanahay ee ka warran xaylo,
Ka dibna waxa ugu warceliyey maanta waa maalintii weynayd ee seddaxda illaah aan xusi jirey, ee orda oo iga tag, bari ii kaalay, tallo wacan aniga ayaa idin hayee,
Markii ay maalintii gaadhay uu waagii baryey ayey khubaradii iyo aqoonyahanaddii isku yimaadeen si ay u hellaan taladda ugu wacan ee soomali lagaga takhalus karo,
Migisto xaylo maryam ayaa indhaha oo dhan ficiladiisa ayaa isha lagu wada hayaa, waxa uu odhan doonana dhegaha ayaa loo sii safeysta si loo weeleeyo, bal taladu loo eego taladu la shirt ago,
Waxa ayay ku yidhaahdeen nooga waran balantii aanu isku ogeyn,,
Waxa uu ku yidhi samacan wadaan,
Waxa uu amaray in la keeno laba ayay iyo waraabe ka dibna yeyga qol gaar ah lagu xidho ,
Dabadeedna waxa uu migiste amray in leysku diro labada ey , labadii ey ayaa leysku diray dagaal ba’an ayaa dhex maray oo ay iskaga dhiijiyeen isna cunneen , illmaa ayay ku sigteen in ay isku nafbaaxa kuna dhawaadaan dhimaad,
Isla goobtii haddana waxa uu amaray migista in waraabaha la soo daayo oo labada ey oo isku jeedda oo is cunnay lagu soo daayo waraabaha, allbaabkii ayaa laga furay waraabihii,
kadibana waxa ay go’aanasadeen labadii ey in ay heshiiyaan iyagu dhexdooda waxana ay isku waafaqeen in ay meel ugu soo wadajeestaan waraabaha, naxariis ayay isku hayaan ayaa meeshii timid ka dibna waxa ay ku boodeen raabihii isla markaan wey dileen,
Ka diba migist xaylo maryam waxa uu soo qaabilay dhammaan qolahii,
Waxana uu ku yidhi maanta dhacdadan waraabahan iyo labada ey wax ay tusaale u yidhiin itoobiyay iyo soomalida,
Waayo haddaana maanta soomali ku duulno dan ayay u heshiin doonaa inta ayay illoobaan colaadda sokeeye ee dhexdooda, ayay cadowgooga meel ugu soo wada jeedsan-doonaan,
Bi waaye aynu isku deyno, Aynu isku daawano, ha isku cunaan,
Shaqada kaliyee inooga banana maanta cadawgiina aynu ku adhax-jibin-karnaa waa in aynu jabahadda dawladda dumiska hubka ku taageerno awoodna aynu ku xoojino,hoos-hoosna aynu ka wadno, oo yaan la’idin dareemin in aad burburka soomalida ay idin hurineysaan,
gu’ weyn oo u curtay itoobiyey ayay ka dhigan tahay jabahada SML SFD, IN aan maanta is garabtaagnaa,Soomalina wax ay u tahay burburka koobaad ee ay hoosteen soo gali-doonaa,
Ha ku qaadin dagaal weyn oo ay ina dareemaan, balse kolba kii maciin ina soo bi’da aynu ku taageerno hub iyo ciidan iyo cudud wixii ay nooga baahdaan jabahadaasi aynu ku xoojino,
Hore ayaa loo yidhi lafo geel iyaga leysku jabiyaayey, ee aynu soomali aynu isku jibno,
Burburka kadibna dusha ka xukun, iyada oo aanay wax rafaad ah inaga soo gaadhin gumeynta ummadda soomaliyeed,
Fikirkii iyo taladii migiste xaylo maryam , aad iyo aad ayaa loogu khushuucay rayi- suuban ayaa lagu suntay, aragtidaas ayay xabashidii ku haw-gashay,
Taariikhda itoobiyay wax-qab weyn ayuu u hirgaliy boqor migiste xaylo maryam, waxana uu ku guuleystay in uu illaaliyo hidaha iyo dhaqanka iyo mucatabka geeska afrika ugu weyn, waxana uu noqday boqorka kaliyee meesha ka saaray awood cadawga soo jireenka ah ee ayay itoobiya leedahay. Oo ah islaamnimada iyo soomalinimada
Waxa kaloo uu burburiyey riyadii soomali ay ku riyoon jirtay waligeed oo ah, in dawladda adeg oo soomaliyeed ku mideysan tahay loo hello cadawga xamaaradda xunka ah,
Himiladii weyneyda ee ummadda soomaliyeed wax badelay maamul qoboleedyo yar yar oo ku dhisan saami-qeybsi beeleed oo magac iyo shaadh dawladeeda gashaday, oo badhba badhka kale nacdalayo, cadawna isku arka, lidna isku ah, waxana ay ku dadaashaa mid walba in ay ugu dheereyso la saaxiibida shisheeyaha nacabka ah , oo ayay miciin bidaan, midba mid ka kale ayuu doonayaa in uu isku xoojiyo si u cago isugu taago, waa in uu colaadsadaa maamulka-goboleedka ugu dhaw, saaxiib qaaliyana ay ka dhigtaan wax ay u bixiyeen,(walaalkeegan jaarka ah,) (saaxiibkiigan qaaliga ah) (walaalkeenna daris ka ah) oo ay ula jeedaa shisheeyaha cadaawada guunka ah soomali ay ka dhexayso,
waxaas ayaa matala ummadda soomaliyeed maanta, saw musiibo maah!
Waxa aan leeyahay maamul-qoboleed shaadh dawladeed xidhay waa sidii bisad shaadh libaax xidhatay, wa ficlan sidaas ayay arintu tahay, oo maamul goboleedada soomaliyeed waa bisada shaadh libaax xidhan, ummadna cadaw kagama filnaan karaan , ina looga soo dhaco dhankooga mooyaane, dhinacooga ayaana looga soo dhacay ummada, waayo faro-galinkasta wax ay cadawgu u soo maraan maamul-goboleedyada, tusaale yar waxa kuugu filin keenaya wax ay bada u soo martay maamulka jubo-laan itoobiyana dekada Barbara in ay wax ku yeelato wax ay u soomartay maamulka Somaliland taasin wax ay muujineysaa ugu yaraan hadimada ay ku hayaan maamul qoboleedyadu jiritaanka ummadda soomaliyeed, waa in la hellaa awood milatari oo laga takhluso bisadahaa shaadh dawladeed qaatay, haddii la doonayo in ummadda. soomaliyeed sii jirto[1], xittaa haddii ay jiraan maamul-qoboleedyadu waa in la sameeyaaa awood dhex oo lagu mideysan yahay taas oo leh maamulka guud taladuna ka soo go’do, wixii ay u yeedhiyo maamulkaas dhexna ay ku socdaan,taasina waxa ay imaneysaa marka la sameeyo awood-weyn oo milatariy ah oo gacanta ku heys maamul-qoboleedada sida ay u dhisantahay dawlada markeynkan ka oo kale.
.
Tallow soomali ma ka dhalan doonaa wiil soo celin kara burjigii iyo heybadii soomali ay ku laheyd geeska afrika? ,
Goormaa la helli-doonaa cadaw soomaliyeed oo ka heybadeysta waxna isaga tirinaya ?
Ayaamuhu ma soo celindoonaa awood soomaliyeed oo mideysan oo aanu nacab faro galin tallow?
Tallow ummadda soomaliyeed ma helli-doonaa dawladda weyn oo la dagaalanta jahliga iyo saboolnimada iyo qeybsanaanta,
Su’aalahan wax la moodaa in ay yihiin wax aan suurto-gal aheyn casrigan maanta ah, Balse Waa xil wiilasha soomaliyeed saaran meel kasta ay joogaan inay ka jawaabaan su’aalahaas. Kana fikiraan sida xal loogu heli lahaa,
Tiiyoo Oofta Laga Jaray, Oofi Wacadkiiye
Waxyaalaha Mudnaanta Leh Iyo Balan Oofinta Samaw’al, Waa Sheeko Aad U Xiiso Badan
Waxa Uu Ahaa Nin Caan Ah Oo Magaciisa La ,Casru Jaahiliga Aheyd, Sidoo Kale Wax Jir Nin La Odhan Jiray Imra’al Qeysa, Oo Ahaa Gabyaa Caan Ah,
Waxa Haddaba La Yidha Abwaan Imra’a Qeys Ayaa Waxa Uu Doonay In Uu U Socdaalo Boqorkii Weynaa Ee Reer Yurub Ee La Odhan Jiray (Qeysar) Waxa Uu Allaabtiisii Oo Aheyd Diracyadda Dagaalka Iyo Hub Culus Ah Iyo Allaabo Faro Badan Oo Qaali Ahaa, U Dhiibay,Ninkii Samaw’al
Haddaaba Markii Uu Imru Qaysa Dhintay, Boqorkii Yurub Ee Qeysar, La Odhan Jiray Ayaa Wax Uu Soo Diray Diracyaddii Iyo Ayaa Hubkii Uu U Sii Dhiibtay Samaw’al , Waxana Uu Yidhi Uu Ku Diriqiyey In Uu Xeeladda Uu Kaga Qaado Xoolihii U Ammaaneysiiyay Imra’ala Qeysa,
Haddaba U Ma Dhiibayo Alaabta Aan Hayn Ee Boqorku Doonayo , Illaaa Cidda Xaq U Leh, Waa U Diiday Samaw’al , In Uu Bixiyo Waxana Uu Yidhi Samwa’ale Anigu Burin-Maayo D Ammaanadda Aan Qaaday , Ammaanadeyda Khiyaameyn Maayo, Kanna Tagimaayo Waajibka I Saran Ee Ah In Aan Balanta Oofiyo Dadka Xaqoogana Dhawro,
Waxa Uu Boqorku Kisra Go’aansaday In Uu Ciidamo Ku Kiciyo, Waxana Uu U Soo Galay Samwa’al Oo Oo Dhufeysa Iyo Qalcad Gurigiisa Ka Hor –Dhisneyd Ku Jira , Oo Boqorkii Ayaa Digiin Culus U Siiyay Haddii Uu Soo Bixin Waayo Allaabta Dhinaciisa Taalla Ninkii Samwa’al Uu Ku Maddax Adeyga Uu Diiday In Uu Bixiyo Allaabta Iyo In Uu U Soo Baxo,
Boqorkii Iyo Ciidamadiisa Way Godoominyeen Samwa’al Wax Uu Lahaa Wiil Yar Oo Ku Sugnaa Dhufeyskiisa Meel Ka Baxsan , Ka Bacdi Boqorkii Ayaa Cidlo Ka Helay Wiilkii Yaraa Ee Samwa’la Ee Kaga Jiray, Wiilkiisa Yaraa Oo Qeylyaya Markii Uu Boqorkii Ayaa Waxa Uu Yidhi ( Inankaaga Waan Qafaashay Waanna Kaas Gacanteyda Ayuu Ku Jiraa Adeer Haddaad Ii Dhibto Aniga Diricii Iyo Hubkii , Waan Kaa Tagayaa , Wiilkaaga Gacanta Ayaan Kaa Soo Galinayaa, Hadaad Diido Arintaa , Waxa Aan Qawrici-Doonaa Wiilkaaga Adiga Oo Daawanaya Hortaada , Bal Niyow Labadaa Arrin Mid –Kaad Doonto Dooro,
Waxa Ugu Warceliyey Samaw’al (Ma I Hi Mid Khiyaameynaayay Maganteyda , Oo Burburinaayay Ofinta Wacadka Qawlka Aan Qaaday Iyo Balanta Aan Galay Ee Samee Waxa Aad Doonto !
Allaah Waa Dhacdo Dhab Ah Oon Laga Adkeysan Karin Boqorkii Waxa Uu Qalay Wiilkii Yaraa Ee Samwa’al Isagoo Arkaaya ,
Dabadeedna Boqorku Waxa Uu K Acaajisay Qalcadii Iyo Dhufeyskii Samaw’al Waxana Uu Go’aansaday In Ugu Tago ,Waanna Uu Laabtay Isagoo Ku Hungoobay Gacan Ku Dhigistiisa ,
Samaw’al Samir Iyo Iimaan Ayuu Gudoonsaday Naftiisa Buu Ugu Tacsiyadeeyay Dhibaatadda Soo Gaadhay , Waxan Uu Ku Sabray Ilaalinta Balantiisa Iyo Wacadkii Uu Qaaday,
Muddo Ka Diba Dhacdaasa Markay Wakhti Badan Ka Soo Wareegay Ayaa Waxa Soo Galay Wakhtigii Uu Allaabta Ammaanadda Ah Uu Celin Lahaa.
Waxa Yimid Wiilashii Uu Dhalay Imruqaysa Iyaga Oo Doonay Amaanadii Uu Aabahood Samaw’al U Wadeecaysiiyay In Ay Ka Soo Xishadaan,
Ka Dibna Samaw’al Waa U Gudoonsiiyay Ammaanadii Gacanta Uu Ka Galay , Diracyadii Iyo Hubkii Iyo Qalabkii Oo Dhan ,
Waxana Uu U Arkay Sawaw’al In Amaanadda Oo La Illaaliyaa Ay Ka Qaalisantahay Nafta Wiilkiisa, Waxana Uu Is Dareen Galay In Ammaano La Waayaa Ay Ka Weyntahay Wiilkiisa Oo Uu Waayo, U Hawlgalida Illaalinta Ammaanada Waxa U Arkay In Ay Tahay Mudnaanta Gobonimada , Gobanimadaas Oo Uu Ka Jecleystay Nolosha Inankiisu In Ay Sii Jirto.
Isagoo Arintaas Ku Dhaadanay Waxa Uu Yidh Tixo Taariikhda Galay, Oo Ah
(Wafeyto Bi Adruci Kandiye Inni Idaa Maa Khan Qawmin Wafeyto,)
Diradiraale Ma Daahiro,
Waxa La Sheegaa Ninbaa Wax Uu Arkay Wiil Yar Oo La Iibinayo , Oo Wax Nusqaan Ah Laheyn Wax Aan Ka Aheyn In Uu Yahay Diro-Diraale (Namiimiyey) Dadka Warka Dhiiladda Ah Dadka U Kala Ra’ra,
Ciibtiisii Ayuu Sahashadday Waxna Uu Keensadady Gurigiisa , Waxa Uu Wiilkii Yaraa Ninka La Joogay Muddo Badan , Dabadeeda Waxa Uu Bilaabay Wiilkii Yaraaa Dabeecadii U Lahaa In Uu Dhaqan-Galiyo,
Diro-Diraalihii Uu Lahaa Wiilka Yar Meel Kale La Muu Qaban Ninkii Heyey Ee Uu La Joogay Ayuu Ka Dhex Bilaabay Waxa Uu Maalmo Sugaba Waxa Uu Oodda Ka Qaaday Isku Dirkii Xirfadda U Aheyd,
Waxa Uu Wiilkii Uu Xeeladeysata In Uu Isku Diro, Qoyskii Uu Lajoogay Labaddii Lammaanaha Isku Ahaa Ayuu Doonay In Uu Ka Dhex Adeego , Si Uu Isk Diro Waxa U Yeelay Sidan:-
Ninkii Gurigiisa Uu Deganaa Ayuu Ku Yidh Gabadhiisa Naa Ninkaago Wax Uuu Doonayaa In Uu Kula Guurasaddo,Waxana Hadalka Ugu Ladhay , Kuma Jecla Ninkaago , Madooneysaa In Aad U Dhibirsanaado Oo U Iska Daayo Naag Kale In Uu Kul A Guursado , Waxa Aad Sameysaa Marka Uu Siixdo Qaado Makiinadda Gadhka Lagu Xiiro Oo Kaga Xiir Timaha Ayaa Ka Batay Badhna U Daa, Talladdaa Uu Siiyey Wiilkaa Dira-Diraalaha Wey Qaadatay Oo Ay Aqbashay In Ay Fuliso
,
Haweenaydii Waxa Ay Go’aansatay Arrintii Aheyd Ninkiidu Marka Uu Yimaadu Ee Uu Siixday In Ay Timaha Ka Xiirto,
Wiilkii Yaraa Haddaba Waxa Uu Utagay Ninkii Markaas Ku Yidhi Sayidkaygiiyo , Gabadhaado Wax Ay Sameysatay Saaxiibo Ay Leedahay Oo Ay Jeceshahay Oo Adiga Aheyn, Waxana Ay Dooneysa In Ay Kaa Takhlusto Waxa Ay Damacday In Ay Ku Disho Oo Ay Ku Qawracdo Caawo ,
Waxana Ugu Hadalka Ugu Daray Ma Dooneysaa In Aad Arintaas Ogaato Caawo Marka Ay Kuu Timaado Waxa Ay Soo Qaadan Doontaa Midi Yar Oo Ay Gacanta Midiga Ku Sidato Taas Oo Ay Dooneyso In Ay Kugu Qawracdo Naftaad.
Ninkii Uu Rumeysta Wiilkii Yaraa Markii Uu Habeen Ay Noqotay Wax Mididii Sidata Si Ay Ugu Xiirto Ninkiiga Gadhka Hoostiisa,
Ninkiina Waxa Uu Iska Dhigay Mid Lulo Heyso Una Is Yar Gamaariye,Waxna Uu Naftiisa Ugu Sheekeeyay Warkii Wiilka Yar U Sheegay In Ay Run Aheyd,
Marka Ay Gacanta Saartay Gadhkiisa Si Ay Ugu Xiirto Ee Gacantiida U La Tagtay Oo Ay Gadhkii Ay Gabi-Ahaanba Ay Sakiintii Saartay ,
Ninkii Inta Uu Durbadiiba Booday Ayuu Ka Qaaday Mididii Gaacanteedii Markaasu Ku Qawracay Iyaddii Bahashii Ay Sidatay,
Dabadeedna Wax Yimid Inanta Uu Qawracay Ehelkeeda Wax Ay Arkeen Inantoodii Oo La Dilay Waxna Ay Dileen Ninkii,
Halkii Buuna Ka Qarxay Dagaal Labadii Beelood Ee Ay K Asoo Kala Jeedeen ,Oo Khasaar badan Oo Naf Iyo Maalba Leh Lagu Waayey.
Balaayaddii Uu Dhigay Wiilkaa Yar Dirdiraalaha Ahaa Ayay Fidno Ka Alloosantahay
NUXURKA SHEEKADDA
Dira Diraaluhu Meel Kasta Ha Joogee Waxa Uu Ka Shaqeeyaa Dadka Kala Dilkiisa Iyo Isku Dirkiisa.
Dumarku Waa Seddax
Wax La Yidhi Ibnu Xabiib Nin La Yidhaahdo Ayaa Maalin Maalimaha Ka Mid Ah Ka Sheekeeyay Nin Ku Dhaartay In Aanu Guursaneyn Jeero U La Tashado Boqol Qofk Isagoo Baadi-Goobay Ta Mudnaanta Leh Ee Hablaha Ugu Sidata Ee Marwo In Ay Noqoto Ku Haboon,
Ka Dibna Waxa Uu La Tashaday Sagaal Iyo Sagaashan Qof Ah Waxana Ka Dhinnaa Qof Qudhiya,
Waxa U Ubaxay Isagoo Wadyiinayay Cidkasta U La Kulmo , Mise Wax Si Kadisa Ah La Kulmay Nin Waalan , Kaasoo Goorta Toori Ugu Sudhanyahay Oo Ay Waaji Madaw Oo Socda,
Dabadeedna Uu Salaamay Ninkii Waxna Uu Ku Yidhi Waxa Aan Doonayaa In Aan Ku Waydeeyo Su’aal Ee Iga Jawaab Saaxiib.
Waxa Uu Ku Yidhi Wax Aad I Weydiisan Wixii Dantaadaha Waxa Aan Kaaga Digayaa Waxa Aan Dantaada Aheyn In Aad I Weydiiso , Ninka Waxa Uu Yidh Waxa Aan Ahey Nin Dumarka Kala Kulmay Dhibaato Iyo Rafaad Weyn , Ka Dibna Waxa Aan Ku Dhaartay In Aan An Guurasan Jeeroo Aan La Tashado Boqol Qof Adiguna Waxaad Noqoneysaa Qofkii Boqolaad Ee Maxaad Igula Talin Laheyd,?
Aan Kula Taliyee Dumarku Waa Seddax
- Mid Adiga Ayaa Leh,
- Midna Iyadaa Ku Leh,
- Midna Adigu Ma Lihid
Ta Koobaad Waa Gabadh Yar Oo Shabad Ah Dhibirsan Oon Hortaa Rag Baran, Oo Hadday Kheyr Kugu Aragto Mahadisa, Shar Hadday Kug Argtan Shibta-Gasha, Asturta,
Ta Labaad Waa Ta Leh Ilmo Yar U Dhashay Qeyrkaa Taasi Way Boobtaa Xoolahaaga Inankiiga Ayay Siisaa Kaagama Mahadcelis Wax Walbood Qabato,
Ta Saddex Adigu Aanad Laheyn Waa Gabadh Soo Guursatay Nin Hore Qeyrkaaga , Hadday Kugu Aragto Khayr Wax Ay Ku Odhanaysaa, Sidaas Baana Jeclahay, Hadday Shar Kugu Argtan Waxa Ay Ku Barbardhigtaa Oo Ay Xustaa Ninkiigii Hore Wanaagiisii Raganimadiisii,
Tanna Waa Xaaladdaha Dumarka Waanna Kuu Sharaxay Haddaad Doonto Ku Dhaqan, Oo Door Ta Wacan Haddii Kale Yeelkaa.
Isku Dawee Sadaqo,
Muddo Badan Ay Isku Qabeen Lammaane , Waxna Ay Ku Noolaayeen Khilaaf Iyo Karaahi Sababtooah Wax Ay Haweenaydiisu Aheyd Gabadh Dhicid Badan Oo Wiilka Ay Dhashaba U Quban Jiray , Taas Baa Nacbaanshuhuud Kor U Sii Hurisay
Haddaba Maalin Bay Heshiiyeen Lammaanihii Maantaas Oo Ay Aad U Faraxsanaayeen Way Ka Sheekeysteen Nimay Saaxiibo Yihiin Oo Caydh Ah Wax La Soo Darsay Xaaladda Duruuf Adag Ah , Waxa Ku Dhacay Meheradiisa Yaraydna Ay Ka Kacday Dab, Ka Dibna Gurigii Laga Saaray Oo Cidlo Iyo Caydh Isku Baxay,
Arrintaa Naxdinta Leh Ee La Soo Darsatay Ninka Ay Saaxiibadda Yihin Wax Ay Ay Ku Talisay Xaaskiisa Wax Aynu Siinayaa Dabkeyga Lacga Waxa Xoogaha, Balse Waxba Kamad Doonayo Ninkaa Wax Aan K Aheyn In Uu Ii Duceeyo ,
Ninkii Ooridiisa Waxa Uu Ka Qaaday Dahabkii Ay Bixisay Xaaskiiso Waxa Uu U Geeyay Ninkii Muslafay Ee Ay Saaxiiba Ahaayeen ,
Gacanta Ayuu Ka Galiyay Dahabkii Ninkii Inta Uu Fadhiistay Ayuu Farxada La Ilmeeyay Oo Uu Habeenkii Oo Dhan U Duceeyay ,
Mudo Ka Diba Faliga Alle Awgeed Gabadhii Waxa Ay Dhashay Wiil Aan Dhicis Aheyn, Xaaladeediina Way Wacnaatay Waxna Gabadhii Ka Soo Muuqday Astaamaihii Farxada Iyo Reyn-Reynta Oo Gurigii Dhexdiisa Ku Baahay,
Taasna Waxa Sabab U Noqotay Sadaqadii Alle Darteed Ay Kula Baxday Ayey Kaga Baqaasatay Dhicintii Iyo Dhibtii Gurigiiga Ka Jiray,
Reerkii Waxa Ay Ku Barakoobeen Sadaqadii Waxna Ay Noqodeen Maal-Qabeen Afarta Maal Aduun Meel Iska Dhigay.
Mudo Ka Diba Markii Uu Wiilkii Taabo-Gal Noqotay Nasiib Daro Wax Ku Dhacay Cudur Xun Oo Cilankiisa Saari Waayay, Qadarka Alle Awgeed,
Waa Reer Sadaqada Ku Caano Maalay Oo Kheyrkiiga Iyo Barakadiida Ku Caano Shubatay, Sadaqadii Wey Illoobeen , Maadaama Ay Lacag Heystaan Oo Ay Dhakhtar Walba Ay Wiilkooga Geysan Karaan , Waxa Ay Is Dareen Siiyeen In Aanay Manta Duco Iyo Habaartoon U Baahneyn In Ay Xaliyaan Mushkiladda La Soo Daristay Xalinteedu ,Wiilkii Yaraa Waxa Loo Qaaday Dalal Badan Oo Yurub Iyo Mareynkanba Leh Si Xaafimaad Loogu Soo Hello, Balse Waxba Ka Ma Hellin,
Ka Diba Marka Ay Quus Galinyeen Dhakhtarkasta Oo Uu Tago,Waxa Uu Ogaaday In Uu Wiilkiisa Ay U Dhamaatay Oon Xal Oo Helay In Uu Caafimaadaan Aan Suuro-Gal Aheyn, Waxa La Soo Darsay Warwar Badan Iyo Walaac Uu Ka Qabo Caafimaadka Wiilkiisa , Jeer Uu Jeclaystay In Uu Hantidiisa Oo Dhan Uu Waayo, Baddelkiigana Uu Hello Caafimaadka Wiilkiisa, Haddaaba Maalin Maalimaha Ka Mid Ah Ayuu Ninkii Soo Maray Nin Kitaab Akhrinay Isla Markaana Wax Ku Sugnaa Xadiis Macnahiisa Yahay (Daawo Mardaa Kuma Bisadaq) Oo Macnihiigu Yahay Ku Daweeyay Bukaankiina Sadaqo,
Isla Laxdadiiba Waxa U Qaatay Ninkii Waxoogaha Lacag Ah Si U U Dhaqan-Galiy Xadiiskaa Uu Maqlay Ka Dibna Waxa Uu Helay Islaan Gabooday Oo Faqiiradda Ah , Waxna Uu Siiyay Islaantii Lacagtii U Siday Waxana Uu Ku Laabtay Gurigiisa,
Mise Waaba Isla Judhiibaha Waa Caafimaadka Wiilkiisa Oo Si Kadis Ah U Neefsanay , U Qaadan Waay Ayay Ku Noqotay ,
Waxa Ii Arkay Inankiisiiyoo Oo Ay Ka Soomudhtire Astaamihii Caafimaadku Sixadda ,. Waxaa Uu Odaygii Waydiiay Aabo Maxaa Dhacay?
Waxa Ugu Warcelay , Garan Maayo Aabo Si Kadis Ah Ayaan U Dareemay Caafimaadka Jidhkayga Ku Saaqay Iguna Fiday, Waxa U Qaaday Odayee Inankiisa Yaraa Dhakhtaraddii Yurub Ee Si Uu Soo Xaqiijiyo Xaladiisa Caafimaad Una Soo Baadho, Mar Labaad .
Ka Dis Buu Ahaa Waxa U Ku Yidhi Dhakhtarkii:- Waar Maxaad Ku Samaysa, Cudurkii Uu Ka Tagay Jidhkiisa Dhammaatii Wiilka ,
Wax Uu Odaygii Ugu Waramay In Uu Maqlay Xadiis Nabi Maxamed Csw Uu Yidhi Ku Camal Falay Oo Ah :- Daawuu Mardaakum Bisadaq , Oo Macnihiisu Yahay Dadkiina Buka Ku Daweeyay , Aniguna Sadaqo Ayaan U Niyooday Wiilkayga In Uu Alle Ku Shifeeyo,
Judhiiba Si Kadis Ah Waxaa Lama Filaan Aheyd In Uu Si Dhab Alle U Shaafiyey
Mucjisada Wiilka Yar Iyo Aan Ka Arkay Runimada Rasuulkiisa Maxamaed Ahaa Scw.
Booraan Hadimo Ha Qodin Ku Dhici-Doontaa Mooyiye?
Waxa Jiray Nin Ganacasade Ah Oo Hanta Badan Lahaa , Wax Uu Ka Shaqayn Jiray Ganacsiyo Badan Oo Ugu Kala Gooshi-Jiray Dalal Faro Badan Si Uu U Horamariyo Dhaqaalihiisa , Dalaalka U Mari-Jiray Way Badnaayeen Kolba Gobal Cusub Ayuu Dhex Mushaaxi Jiray ,
Waxa Uu Ahaa Nin Muslimaha Oo Salaad Salaad Ku Darin Oo Soon Badan Gacan-Furan , Waxa U Ahaa Mid Guta Xilka Ka Saaran Dadka Iyo Rabigiisaba , Xalaal Meerad Ah
Hadaba Safaradiisa Ganacsi Qaar Ka Mid Ahaa Wakhtigaas Wax Ay Aheyd Xili Ay Abaaro Ban Ay Ka Taagnaayeen Halkaaso Hantidiisa Ay Soo Gaadhay Khasaare Balaadhan ,
Haddaba Galab Ka Mid Ah Ayaamaha Ayuu Wax Uu Gaadhay Tuulo Oo Ku Taalay Waddada Uu Maray Ee Gaadhsineysa Caasimada Uu Ka Socday Meeshii Buu Gabalkii Ugu Dhacay Waxa Uu Allbaabka Ku Qaraacay Guri Ka Mid Ah Guriyihii, Hadaba Markii Uu U Soo Baxay Ninkii Guriga Lahaa, Waxa Uu U Waramay In U Marti Alaheed Alle Yahay U Yahay, Oo Uu Doonayo In Uu Caawo Ku Baryo Gurigiisa ,
Haddii Ay Aroortu Timaadan In Uu Ka Sii Jarmaadi-Doono, Xiligaasna Ma Jira Huteel Lagu Hagaago Oo La Seexdo Balse Dadku Wey Is Heybsan Jireen Weyn Is Martigalin Jireen,Qofkasta Oo Qariib Ah Waxa U Sameyn Jiray Reerka Ugu Dhaw Ayuu Dul-Saar Iyo Marti Ku Ahaa,
Run Ahaantii Ninku Guriga Lah Markii La Martiyey, Waxa Uu Gudo-Galay Inuu Ku Qaabilo Gacmo Furan Martigiisa , Halkaas Oo U Soo Dhigay Marti Sooryo Wacan , Iyo Cabitaan Aan Saxasho Laheyn,
Ninkii La Martiyay Waxa Uu Lahaa Laba Qol Oo Yaryar Midna Waa Galayey Isaga Iyo Xaaskiisa Qolna Waxa Galay Wiilkan Yarbaa La Seexin Jiray, Waxa Uu Damacay Ninkii La Martiyay In Uu Seexiyo Martigiisa Qolka Wiilkiisa Yar Uu Caawo La Seexdo, Waxa Ay Ku Uruureen Qoyskii Sida Loo Raali Galin Lahaa Marti Cusub , Wax Allaali Wxii Cunto Ay Cabitaan Ay Hayeen Habeenkii Way Soo Xaadiryeen Sheeko Wacan Ay Habeenkaa Qurrabadii Heysa Ay Kaga Duuliyeen ,
Waxa Ay Bilaabeen In Ay Ku Saamaleylaan Sheekooyin Kal Duwan Sheekaddaa Ay Is Weydaarsadeen Dhexdeeda Ayuu Ka Ogaaday In U Martigiisu Yahay Maal-Qabeen Weyn Oo Hantiilaha,
Markii Ay Saqdii Dhex Tahay Ee Uu Seexday Martigii Qolka Wiilkiisa Yar U Seexan Jiray,Wiilkiisa Yaraa Waxa Uu Seexday Dhinac Bidix, Martigiin Dhinac Midiga , Ka Diba Marka Uu Hubsaday In Uu Martigiisa Uu Helay Raaxo Dhameystiran Iyo Wxii U Ubaahnaa Ka Dibna U Ka Tagay Si U U Seexdo Gurigiisa.
Qolkiisa Isagoo Ku Sugan Ay Haweenaydiisa Ku Soo Fikir Ku Soo Tuurtay Waxa Ku Soo Dhacday Fikirada Sheydaan Taas Oo Odhaneysa, ( Waar Yaahe Ilaa Guuramaynu Ka Baxaynaa Saboolnimadana , Waar Martigiinu Waa Hantiile, Aduunka Aad Ayay Ugu Baahan Ee Ninka Dil Oo Xoolihiisa Aynu U Hadhno , Mudo Badan Ayaanu Aheyn Qaadaa Madhargi, Ee Maanta Furasadda Ka Faa’dee,
Jaanis Beynu Heysanaa Uma Maleynayo In Ay Na Soo Mari-Doonto Furasadda La Mid Ah Waligeen Tan Caawo Oo Kale Ee Yaanu Waagu Inooga Barryin,
Dabadeedna Ninkii Baa Waxa Uuu Yidhi Sidii Baynu Martigiina Xoolihiisa Iyo Lacagtiisa Ugu Qaadanaa? Sidii Bay Suuro-Gal Ku Tahay,
Gabadhii Waxa Ay Soo Jeedisay In L Adilo Ninka Oo God Lagu Tuuro Doox U Dhaw Oo Ay Aanay Cid Ogaanay In Aan Geysan Faldanbiyeedkan,
Ninkii Taladii Ooridiisa Wuu Ku Xasilay Waanay Ka Dhaadhicisay Waxa Ay U Jilcisaba Oo Ay Ku Celcelisaba In Uu Ku Dhiirado Dilka Martigiisa,
Si Ay Haweenaydeediisu Ugu Booriso Oo Walaac Ugu Qaado Ayay Tidhi( Arintan In Aanu Sameynaa Waxa Ay Daruuri U Tahay Bad-Baadinteenna Noloshiina Iyo Ta Ilmahiina Yaryar ,
Baahidunna Bakhtigay Ayay Xalaaleysaa.
Waxa Ay Aheyd Saqdii Dhex Ee Habeenimo Wax Walba Ku Haboon Jawiga Deganayahay Goobtu Waa Cidlo Iyo Ciirsi La , Wax Uu Bilaabay Ininkii In Afiiyo Faashkiisa Oo Uu Soofiiyo,
Ka Dibna Waxa Uu Dhaqaaqay Dhinaca Qolkii Inankiisa Iyo Martigiisa Ay Hurdeen Si Uu Birta Ugu Also Ninka,
Ninka Waxa Dabada Ka Waday Xaaskiisa Oo U Goobaabineysa In Uu Qawraco Faashka. Waxa Ay U Socdeen Qunyar Qunyar Faraha Dushooda Ay Ku Talaabsanayeen Si Aan Loogu Baraarugin ,
Waxa Ay U Jiheys Teen Dhinacii Bidix Ee Ay Ku Ogaayeen Martigooga Halkii Uu Hurday,
Waxa Ay Baadh Baadheen Jidhkiisa Ilamaayo Ay Goortiisa Taabteenm, Ka Diban Waxa Ay Qowraceen Sida Laxda Loo Qawraco,
Wax Uu Timid Haweenaydiisii Si Ugu
Wax Uu Timid Haweenaydiisii Si Uga Caawiso In Ay Jiidaan Raqdiisa Dibadana U Tuuraan Qolkana Ka Soo- Saaraan,
Ka Dibna Markay Ay Dibada U Soo Saareen Waxa Ay Arkeen Maydka Ay Jidayaan Ee Ay Qawraceen Uu Yahay Wiilkoogii Yaraa Kaas Oo Ay Kalidii Ay Heysteen,Waxa Ay Ka Soo Baaday Ninkiii Neef Tuur Aad U Weyn Sas Iyo Aragagax Weyn Uu Weheliyo Gabadhiina Wey Dhacday, Halkaas Oo Ay Labadoodiiba Ay Suuxeen Iyagoo Miyir Doorsoomay,
Sawaxankii Iyo Sanqadhii Ka Baxaysa Wax Dareemay Dariskiii Wiilka La Dilay Iyo Waalidkiisa Oo Suuxsan , Yaab Ayay La Noqotay
Waxa Ay U La Degdegeena Biyo Qaboob In Ay Ku Rusheeyaan Wajigooga Kadiba Markii Ay Suuxtaankii Ka Miyir Raabeen, Waxa Ay Bilaabeen In Ay Illmeeyaan Oo Ay Oohin Is Heyn Kari-Waayeen,
Waxayn Ka Codsadeen In Ciidan Booliska La Gaadhsiiyo Arintooda.
Ciidankii Baa Warreysta Sida Ay Wax Uu Dhaceen , Waxa Ay Ugu Qisoodeen Arintu Sida A Wax U Dhaceen Ilmahaygan Yar Ayaanu Dilnay, Waxa U La Hurday Ninkaa Martiga Noo Ahaa Qolka Dhinca Midig Buu K Ahurday Furaashkii Aanu U Diyaarinay Martida Ayuu Ku Lulolooday Wiilkii Yaraa Martigiina Uu Isga Daayay Isagoo Ixtiraamay Inuu K Atoosiyo Wiilka Yar Hurdadiisa Isaga Tagay Madaxna Uu U Daboolay Kadibna Furaashkii Yaraa Ayuu Ku Seexday,
Haddaba Ninkii Wax Martiya Wax Auu Beegsaday Halkii U Malayn In Uu Martigii Jiifo, Si U U Qawraco Malahiisau Filayay ,Balse Waxa Ii Noqday Wiilkiisa Yar Isaga Oon Moodaya Ninkii Martigiis Ahaa Halkiibay ,
Dariskii U Kaceen In Ay Aasaan Wiilka Yar Waalidkiisan La Xidhay,
Qalinkii cabdicasiis cabdilaahi xirsi abaabul
[1] Maaha caadifad maah qabyaaladd iyo cunsiriyad maah cid jecleysi balse waan arrin xal u ah mustaqbalka soomaaliyeed, ruusha iyo jaynaha iyo kuuriyada waqooyi ayaa kala maarmi lah in ay is xulufeystaan si ay cadawgooga isaga dugsadaan, markeynka oo awoodiisu balaadhantahay ayaa xulufo ka maarmi waayay, Somaali oo qoys qudhiya ha in ay kala hingoodaan oo ay isku soo uraan caqli maah,