Jaho-wareerka Guusha iyo Jirrabka Guul-darada
Waxa ay ahayd goorsheegtu abaaro 7:00 AM ee subaxnimo, maalin Arbaca ah oo taariikhdu ahayd 24 January 2018, waana markii aan ka war helay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu kormeer shaqo ku imanayo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Isla markii aan maqlay kormeerkaasi Madaxweynaha, waxa maskaxdayda u sawirmay muuqaal yididiilo wanaagsan oo dib loogu soo nooleynayo rajadii luntay iyo hiigsigii lagu gaadhi lahaa himiladii ay lahayd Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Hasa yeeshee, markii aan soo galay xarunta Wasaaradda Caafimaadka, waxa ay indhahaygu halacsadeen agab lagu sharxay barxadda weyn ee ku dhexyaala dhismahaasi oo iskugu jiray cod-baahiyayaal, kuraas aad u qurux badan oo si fiican loo nidaamiyey, farriin qoraaleed ku xardhan hal-ku-dheg ahaa; “Madaxweyne, ku soo dhawoow wasaaradda horumarinta caafimaadka.” kaasoo ay labada daraf kaga sawiran yihiin Wasiirka Caafimaadka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.
Waxa mar labaad, haddana maskaxdayda u sawirmay muuqaal ka duwan muuqaalkii hore, ka dibna, waxaan su’aal aan weydiiyey mid ka mid ah shaqaalaha, taasoo ahayd, Muxuu xadhiga ka jarayaa Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi? Waxaannu iigu jawaabay, sidii malihiisa ahayd in Madaxweynuhu xadhigga ka jarayo marmarka yaala Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, saacado ka dib, markii uu soo gallay Madaxweynuhu xarunta Wasaaradda, waxa sacab ku soo dhaweeyey shaqaalaha ka hawlgala xarunta dhexe ee wasaaradda Caafimaadka, waxaanu halkaasi war-bixin kooban kaga dhegeystay Agaasimaha Guud iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.
Waxaan xusuustay mar aan la kulmay mid ka mid ahaa tababare kubbadeed oo aan u malaynaayey inuu ahaa masuul aad u cajaaib ah, balse, markii aan la hadlay kooxdiisa, waxay kaga warbixyeen in uu yahay gabi ahaanba nin jahwareersan, ma shaqsi xun buu ahaa? dabcan jawaabtu waa maya, laakiinse, qofna waligii daacad umuu noqon.
Haddii tababarahaasi uu heli lahaa shaqsi u sheega runta, kuna xafidan lahaa maskaxdiisa, isagoo raadinaaya ujeedada u muuqata, isla markaana kooxdiisii weydiin lahaa su’aalo ka mid ah, Maxaad u malaynaysaa arrintan? Maxaase I seegay? Maxaan qabtaa hadda oo iga caawin kara arrintaas? Maxaan qaban karaa oo aan ku heli karaa wadadaydii?
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu xafladaasi ka jeediyey khudbad aad u dheereyd oo dhinacyo badan taabanaysay, taasoo uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin siyaasadda, caafimaadka, la-dagaalanka musuqmaasuqa, xakameynta kor u kaca sarifka lacagta, in la bixiyo cashuur ururinta dalka, amniga iyo hogol tusaaleyn uu ku soo qaatay in suldaanadii samataliska ahaa ee dadka ku kala hagoogan jirtay marka ay xaajadu murugto ee arrimuhu dhabqaan ay maanta qaarkood noqdeen hadimotalis, dibna u xasuusiyey madaxda dhaqanka inay dib u raacaan taariikhdii wanaagsanayd ee ay lahaayeen cidda ay saldannada ka dhaxleen sidii ay bulshada isugu soo jiidi jireen ee ay nabadda iyo wada-jirka astaanta ugu ahaan jirtay.
Marka taasi aynu ka nimaadno, haddana waxa maskaxdeena ka dhex guuxaya oo ay isweydiinaysaa fahamka erayo ka mid ahaa weedhihii diblamaasiyadeed ee ku jiray khudbadii madaxweynaha Somaliland, sababtoo ah run ahaantii faraq weyn ayaa dhexeeya garashada iyo fahamka aadamaha, waynu garan karnaa wax badan oo ku saabsan waxkasta, laakiinse, aynaan fahamsaneyn xaqiiqadii.
Weedhaha Madaxweynuhu jeediyey waxa ka mid ahaa; “Waxaan maanta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ka bilaabayaa kormeerkaygii ugu horeeyey ee hay’adaha dowladda.” Waxaanna ay maskaxo badan isweydiinayeen Madaxweynuhu ma kormeer buu ku yimid, mise booqasho ayey ahayd, mise arrin siyaasadeed?
Marka dib-u-eegis lagu sameynayo xaqiiqada dhabta ah iyadoon aan la dhaqdhaqaajinin bulshada, dadku waxay idiin arkaan si isku mid ah oo ka duwan sida aad isku aragtaan, taasoo ah jah-wareerka guusha iyo jirabbaadka guul-darada, waxaana kow ka ah jawaab-celinta ujeedada su’aalo uu weydiiyey madaxweynuhu bahda caafimaadka, taasoo ahayd hadal ka soo yeedhay hoggaanka xisbiga mucaaridka ee WADDANI, Guddoomiye Cirro in uu mar yidhi, “waan oggolahay natiijada, laakiinse, umaan tanaasulin ninkii aanu tartamaynay, umana aanu tanaasulin xisbigii aanu tartamaynaye qarankaannu u tanaasulay. Waa sax haddii qarankii loo tanaasulay, bal dib u baadha qaamuuska siyaasadda oo haddii aanu qofkii kula tartamayey u tanaasulin, xisbigiina aanad u tanaasulin miyaad tanaasushay, illeyn dadkii badh baad ka tagtaye. bal qoladiinan dhakhaatiirtu akhriya diiwaanka siyaasadda oo anaguba marbaanu bowsanaa Asbarooga, bal arrintaana xalkeeda ha la hello, dee yaa loo tanaasulay?
Akhriste, sida uu madaxweyne Muuse Biixi sheegay, murrashaxii uu soo qaatay hadalkiisa ee la tartamayey wuu ogaaladay natiijadii ka soo baxday Hay’addii Garsoorka tartanka doorashada, waanu ku qancay, wuxuuna lahaa qiyam diimeed, qarankana wuxuu uga tanaasulay murankii sii daba dheeraan lahaa sida ka dhacda dalalka aan lahayn qiyam diimeed oo ay ka mid tahay doorashadii ka dhacday dalka Kiiniya (Kenya). Madaxweyne, haddii aad asbarooga bowsato, anagu markaanu diiwaanka siyaasadda ka baadhnay wuu caafimaad qabaa murrashaxii xisbiga WADDANI, mana aha xisbigii aad hoggaamiyaha u ahayd ee waa xisbi mucaarid ah oo kugula loolamayey kursiga aad ku fadhido, balse ma qabo xanuunka Borderline Personality Disorders (BPD).
Su’aasha labaad ee uu weydiiyey madaxweynuhu bahda caafimaadka ee ahayd; “Haddii qaamuuska siyaasadda laga helo xisbi doorasho uu helay xisbi kale ammaahiyey waa mid igu cusube hala iisoo sheego? haddaba, Madaxweyne markii aannu qaamuuska siyaasadda ka baadhnay muu amaahin xisbigii doorashada lagaga guuleystay, laakiinse, wuxuu diiday guul-darrada, haddii lagu yidhaahdo imtixaankii waad weyday oo waad dhacday, kolayba waxa kugu dhacaya u qaadan waa, oo waxa laga yaabaa in aad tidhaahdo, waa la iga eexday iyo ogaan baa la ii riday, ee maaha taasi xanuun ee waa diidmada ay keento, xumadda doorashada (Post-election Stress Disorders).
Run ahaantii dadku waayo-arragnimo badan bay u leeyihiin haddii aanay ku dhicina way ka warqabaan shaqsiyaad waayey shaqsi ay jeclaayeen, waalidkii, carruurtiisii, ehelkiisii, gaar ahaan saaxiibadiisii qaaliga ahaa, way adagtahay marka ugu horeysa inaad aqbasho, waxaana laga yaabaa inaad ka hor timaado oo aad tidhaado, ma dhici karto, adigoo og inay run tahay, diidmadaas maaha xanuun.
Marka aad ogaato in boqolkiiba lixdan (60%) ay kaceen wasaaradihii ama hudheeladii cusubaa ee aad furtay, waxa suuragal ah inaad u kala eexatay oo haddii ay helilahaayeen cunto kariye wanaangsan oo dammaanad leh inay hudheeladaasi guuleysan lahaayeen, tani waa baadhid ugu fudud ee lagu sameyn karo go’aanada saxda ah Madaxweyne guul badan iyo farxad yar.
Marka labaadna waa inaad qiimeyso xaaladda jirta, isku kalsoonida xad-dhaafka ahi waa illaha awoodaha khayaalka, waxa laga yaabaa in aad isku kalsoon tahay, laakiin, dhawaanahan waxa laga yaabaa inaad khaldan tahay ee bal is dhegeyso uurkaaga, oo isweydii su’aalahan; Waa maxay xaqiiqadaadu celcelis ahaan ? Waa maxay eexashadaadu? sidee baanad saameyn ugu yeelan karin?”
Marka saddexaadna waa inaad beddeshaa muuqaalka soo gaadhaya qeybta xog-ururinta keydka maskaxda, adigoo dhinac kasta ka eegaya xaaladda waa inaad beddesho ciyaarta, waana dariiqa kaliyaata ee wax lagu qaban karo, adigoo cabbiranaaya xaaladdan oo ku dhacday qof kale, wanaaga awaadii si aad u hesho wax sax ah, weydii naftaada ?
Maxamed Faarax Qoti